Fifa Oo Go'aan Cusub Ka Gaadhay Kordhintii Wadamada Ka Qayb Galaya Koobka Aduunka Ee 2022

0
Thursday May 23, 2019 - 15:36:05 in News by
  • Visits: 3212
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Fifa Oo Go'aan Cusub Ka Gaadhay Kordhintii Wadamada Ka Qayb Galaya Koobka Aduunka Ee 2022

    Fifa Oo Go'aan Cusub Ka Gaadhay Kordhintii Wadamada Ka Qayb Galaya Koobka Aduunka Ee 2022

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Fifa Oo Go'aan Cusub Ka Gaadhay Kordhintii Wadamada Ka Qayb Galaya Koobka Aduunka Ee 2022


Xidhiidhka kubadda cagta Adduunka ee FIFA ayaa joojiyey qorshe ka nixiyey dalka Qatar oo lagu kordhinayey tirada waddamada ka qayb-geli doona Koobka Adduunka ee 2022.

Image result for fifa 2022


Koobka Adduunka ee 2022 oo lagu qaban doono Qatar ayaa waxa FIFA ka dhex jiray hindise ahaa in tirada waddamada ka qayb-geli doona laga dhigo 48 halkii ay markii hore ka ahayd 32, taas oo walaac badan ku abuurtay dalka martigelinaya oo awood ahaan iyo baaxad ahaanba aan xammili karin in tirada waddamo intaas le’eg iyo taageereyaasha la socda oo aanay hore ugu sii talogelin ay soo dhoweeyaan.


Qorshahan ayaa waxa uu dhigayay in dalal kale ay la qayb-sadaan Qatar martigelinta.


War-saxaafadeed kasoo baxay FIFA ayaa lagu sheegay in isbeddel lagu sameeyey qorshaha ballaadhinta dalalka ka qayb-gelaya koobka Adduunka 2022, kaddib markii ay xaqiiqsadeen in aanu jirin waqti ku filan oo loogu diyaar-garoobo.


FIFA waxa kale oo ay sheegtay in Tartanka xiga ee 2026 ay ka qayb-geli doonaan 48 waddan oo ay wada jir u martigelin doonaan Maraykanka, Canada iyo Mexico.

Loading...
Loading...