Haddii Ay Fiicnaan Lahayd Inay Somaliland Ka Qayb Gasho!

0
Sunday January 02, 2022 - 10:37:25 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 910
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Haddii Ay Fiicnaan Lahayd Inay Somaliland Ka Qayb Gasho!

    Qore: Cabdi Muxumed

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qore: Cabdi Muxumed

Halka ay adduunyaddu hore uga socoto ha ahaadaan kuwo loo aqoonsan yahay waddamo jira oo caalamka ka tirsan ama kuwo aan loo aqoonsanayn, inay yihiin kuwo ka tirsan qaramo kale ayaa Somaliland ay tahay mid dib dib u socota waana waxan afka qalaad lagu dhaho (Reversing) khaasatan intii uu ka danbaysay madaxwayne Ciggaal iyo Riyaale, kuwaasi oo la odhan karo waxa ay ahaayeen kuwo leh hannaan dawladeed intii itaalkood ahaana waa ay qabteen wixii ay qaban karayeen iyagoo isku ahaa muddo madaxwayne iyo ku xiggeen oo isla jaan qaaday oo isla helay jaanta iyo jiibta oo ahaa ay ahaayeen kuwo isku maamul dhowaa oo aan kala fogay.Mar ayaan 2014kii kula kulmay nin ay saaxiib ahaayeen prof: Gees guriiga Gees su'aal kedis ah ayuu i waydiiyay iyadoo aanan hore wax aqoon ah iskugu lahayn, taasi oo u dhignayd sida "maxaad ka aaminsan tahay inay ku kala duwan yihiin xukuumaddii siilaanyo iyo tii riyaale?" taasi oo aanan u daahin jawaabta iyadoo aan markiiba soo tuuray mid fudud oo ahayd marka la eego xaga musuqmaasuqa labaduba wax waa la musuqmaasuqayay ha sii kala darnaadaan hadii la eego dhinaca wax qabadka dawladda siilaanyo dhinacna ugama soo dhawa ta Riyaale”.

 

Waxaa Somaliland ka anbabaxay wafdi uu hor kacayo wasiirka cusub ee wasaaradda arrimaha dibadda Dr Ciise Kayd, isagoo ay wehelinayso Edna Aadan dhakhtar oo hadda ku magaacaban la taliyaha madaxwaynaha dhanka aqoonsi raadiska, oo tolow haddii ay Edna Aadan dhakhtar ka haysato wax fikrad ah qaabka lagu keeni karo aqoonsi caalamiya oo miyay is hagranaysay maxay u keeni wayday?, markii ay wasaaradda ay hadda daba socotowasaarada ay maamulaysay ee ay ka ahayd wasiir buuxa oo ay wasaaraddu si buuxdda u hoos timaado maamulkeedda, waxaase ii cad in xilligga  aanay wax fikrad ah ka haysan wax aqoonsi la yidhaa iminkana siddaa si la mid aanay ka haysan waayo? haddii ay ka haysan lahayd waa ay keeni lahayd oo ay haysan lahayd sharfta aqoonsi keenidda Somaliland oo lagu xardhi lahaa baal dahab ah, hase ahaatee kama ay haysan wax fikrad haddana kama haysato waana iska xil magac u yaal ah, sida 11 wasiir arrimo dibaddeed oo iyada ka horeeyayba aanay wax macno leh ugu keenin qadiyadda aqoonsi raadiska ee noqotay laf dhuun ku qotonta wax furdaamiyana lana hayn muddo 30 sanno ah la waayay.

 

 

 

Wasiir Kaydna u malayn maayo inuu wax la taaban karo ku soo biiran karo waayo dhawr hadal oo uu jeediyay oo aan dhagaystay waxa uu sheegay inuu ku ladhi doono aqoonsi raadiska inuu dalka u helo maalgashi caalamiya oo taasi hawl yaraa wasiir, u malayn maayo in Somaliland ciddi maal gashi balaadhan ku samayn doonto khaasatan kuwa galbeedka ee adduunka shita, hadda laakiin maan sheegin khamaar wale sida Sheekh Maktuub oo kale ah oo ka faa'iidaysta habacsanaanta iyo laaluush ku helka qandaraas ay Somaliland ku dhacan tahay oo 30 sanno uu jaqayo dekadda geeska Afrika ugu wayn ee Berbera, taasi oo uu ku hantiyay xaqul qalin ama laaluush ay qaateen Siilaanyo qoyskiisii lana dhaafsaday wax aan macno buuran lahayn.

 

 

Aan u soo laabto socdaalkii wasiir Kayd iyo Edna kuwaasi oo ka anbabaxay Somaliland dabayaaqaddii bishii November ee 2021, kuwaasi oo warbaahinta u sheegay in ay ka qayb galayaan shir uu Maraykanku qabanqaabiyay , kaasi oo ay ka soo qab gali doonaan waddamadda dimiqoraaddigga ah ee dabcan Somaliland ku jirto waase yaab iyo yaabka yaabkii iyo amankaag!!, aniga oo u haysta in shirkii dhacay oo ay ka qayb galeen ayaan ku war helay in ay London yimaadeen oo ay qudbaddo uga jeedinayaan dadka reer Somaliland ee ku dhaqan iyo nawaaxiggeedda haddana wasiir Kayd oo Canada joogga oo Ottowo lagu soo dhaweeyay oo la hadlaya Somaliland iyo dadkeedda dagan Canada kaba sii darane shirkii oo dhacayay sabtida ay bishan December tahay 11, oo haddii xaal sidaa yahay maxaa November dabayaaqadeeddii ka soo kexeeyay dalkii ma waxa ay waayeen fursado kale oo ay ku soo baxaan, haddii ay dano shaqsi ahayd soo bixitaankooddu oo ay u isticmaaleen wakhtigga iyo lacagta cashuur bixiyaha  biyo,laydh,caafimaad,shaqo abuur cashuur bixye intaa u daran ba  la' mudo dhan 30 sanno yaab!! waar anagaa ballo aragnay.

 

 

Sida igu maqaalo ah waxa uu wasiirkii arrimaha dibadda ee Somaliland ku soo guryo noqday dalkii hooyo isaga oo faro madhan oo iska daa wax uu ka keeno shirkii la inagu yidhi waa ay ka qayb galayaan ee dimuquraadiyadda lagaga hadlay ee 10 bishan December ka furmayay carro Marakyan inaanu kaba qayb galin iska maalintaa 11 December ee shirku ay ahayd inuu dhamaado inuu isna Hargeisa ku soo laabtay oo aanu xaalkiisu ka fogayn siddii 11 wasiir arrimo dibaddeed oo isaga ka horeeyay iyo wufuud kale oo Somaliland oo mudo 30 sanno ah adduunyadda gooshtay, laakiin aan wax la taaban karo ka keenin kana uu ka mid yahay uun kuwaa inta la soo meeraystay la soo guryo noqday uun farro madhan iyo hadal maldahan oo loogu soo alifo dadka reer Somaliland diyaaradda lagu soo guryo noqdo, hadalkana la iskugu toostoosiyo ilayn wax la taaban karo oo la soo qabtay ma jiro’e, taas baan ku aqaan caaddana u ahayd tii uun buu dr Kaydna maray oo waa ila meeraysa uun.

 

Timbor Nagy, wuxuu sheegay in ay wanaagsanaan lahayd in qaranka yar ee Somaliland lagu marti qaadi lahaa shirkaa, taasi waxa ay caddayn u tahay mar kale in aanay Somaliland oo ay ka socdeen dr Kayd, Edna Aadan dhakhtar iyo wakiilka Somaliland ee USA BashiirGood shirkaa cag saarin marna muuqaal iska ahaa igu sawir ah oo ay ku gaaf wareegeen daarta dheer ee un looga arrimiyo iyagoon cidna arag ilayn waa dad iska socda oo aan cidna la balamin wax baratakool ahna ku socone.Haddaba akhriste aan ku soo xidho maqaalkayga su'aal ah ambassador Timbor Nagyow haddii aan lagu soo marti qaadin shirkaa sidaa aad sheegtay ee aad la jeclayd haddaa maxay ka qayb galeen Dr Kayd iyo edna aaadan dhakhtar iyo wakiil Bashiir Good? jawaabtu waa waxba muddo 30 sanno ah ayaa beentaa iyo tu’ la mida lagu wadaa shacabka reer Somaliland oo maalinba dhagax loo kariyaa, Allow cid ma lahee caymi adiggu umaddaa aamiin aamin aamiin !!!!!!

 

Qore: Cabdi Muxumed

[email protected]


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...