"Jin-Dagaay" Waa Tii La Yidhi Isla Weyn Waa Isma Oga Q.2aad ( Abdi-Shotaly).

0
Sunday January 02, 2022 - 10:29:08 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1011
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    "Jin-Dagaay" Waa Tii La Yidhi Isla Weyn Waa Isma Oga Q.2aad ( Abdi-Shotaly).

    La Soco Qaybta 3aad.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

La Soco Qaybta 3aad.

Qaybtii koowaad ee Cinwaankan sare ku yaala, waxan ku soo sharaxnay micnaha uu leeyahay ama loo yaqaan ereyga " Jin-Dagaagay" Oo aynu ku soo koobnay dadka uu askariga " Raggii ma adigaa ka hadhay" Uu u adeeg-sado beela-hoodda ( Beeshii ay doon-taba ha noqotee, kuwaas oo siyaabo fara badan, sababo kala gedisan iyo noocyo qaar-ba si gaar ah loo isticmaallo, si ay xiniin-yaha ugu qabtaan beesha ay ka soo jeedaan, iska hor-keenka laba beelood, kala jabka beesha loo maqaar saaray, ee uu mid-ba macaashka ku qaato. arima-haas oo aynu ku soo qaadan doono kuwa uu askarigu u xil saaray xaajooyinka aan kor ku soo taxay iyo qaar kaloo la sii xidhiidha, oo marka ka jifadoodda ah la soo hdal qaado ay hoos u sii dirtaan " Jin-Dagaagay" Hadaba gaar ahaan marka aynu dhamayno Beesha Garxajis oo ugu " Jin-Dagaagay" U Badan Yahay, waxa aynu u geli doonaa haddii Alle idmo, inta ku jirta beelaha Habar Jecllo, Dhulbahante, Samaroon iyo wixii soo raaca ee kale-ba, sidaas awgeed markan ku soo dhawaadda qaybtan iyadda ah:-



(a) "Ina Murjin madoobe" Oo aad u taqaanaan "Waran-Cade" In kaste oo uu Suldaan Habaar dhawaan shaqaddii kala baxay, wixii lagu quudin jirey ( Markii uu Berbera u sii gaxaystay, ee uu ka tegay Ina murjin madoobe" Ee uu sheegan jirey in uu yahay, taas oo ahayd la taliyaha askariga " Xaafad-tooyadda" Wuxu ka mid yahay, dilaaliinta ugu weyn ee maamul walba hoos gableeya, isaga oo iska dhiga mid u daacad ah Somaliland, laakiin shaqadda dhabta ah ee uu qabtaa waxa ay tahay, sii kala jebinta Beesha Cabddalle Isaxaaq ee Garxajis ( Waa jifadda hoose ee uu ka soo jeedo'e), Wuxu ku leeyahay Urur baan furanayaa, ee bal yaa u foodaaya, Cabdalle Isxaaq baa ka dareeraye, xagay geyn  doonaan Daba Galle, Ina Cabdi dheere, iyo suldaan Habaar, ilayn cid kale oo la socotaa ma jirto, haddii aanay u foodayn Libaax-yadda uu kolba qof cunsiiyaa.


(b) " Colaad iyo Khadar Ambaasadoor" Baa iyana si ka duwan loo isticmaalaa, iyaka wax lama siiyo, laakiin hanti-doodda baa lagu yidhaahaa ( Hadda waa lacag-toodda) Qool noogu soo geliya beeshiina ama jifadiina, oo waxoodda baa sidaas loo isticmaalaa, in ay ku kala jebiyaan, oo inba si ugu shiriyaan hoos ahaan, kuna yidhaahaa Xusbi baa laga iibiyey Habar Jecllo, ee haw foodina Xusbiga Waddani, Ciil maad qabteen haddii ay wax ku cunayaane, tooddii baa si yar looga saarayaa. waxa aanay ogayn in aanay lacagi talin ee ay taliso maskax iyo garashadda Rabaaniga ahi. Jifaayin-kooduna way og yihiin in uu ku fusha-naayo askarigu dan-tiisa.


(c) " Sheekh Albaani iyo Bukhaari" Iyana waxa loo isticmaalaa si kale, taas oo loo haysto in ay jeelka ku sii hayaan, oo denbiga ku moosaan inaadeer-kood Sama-Fale Abdimalik Coldaan" Oo wuxuu askarigu yidhaahaa, Sheekh albaani baa tagay Dugsiga Abaaso iyo jaamacadda diin iyo dhaqan bi'iska ah ee ku taal Abaaso, waxana kama jiraan waxa uu Abdimalik sheegay, Akhristaw wax kale-ba wasiir loogama dhigin ee waa cadaadinta inaadeerkii, waayo, wuu ka hadli lahaa haddii kale.


(d) " Daba-Galle" Isagu waa nin amar uun la siiyo, oo aan cadaalad iyo maskax mid-na aan ku shaqayn, oo lagu yidhaaho, hebel wuu gabyey ee xidh, heblaayo way buraan-burtay ee xabsiga gee, nin baa riwaayad ka sameeyey askariga ee soo qabo, qofkii wax iga sheega jeelka u dir. Misana ogaw oo waa kii laga qaaday xilka doorashaddii ugu dambaysay ee uu askariga " Raggii ma adigaa ka hadhay" Uu boobay, si aanu u ogaanin waxa lagu samaynaayo beeshiisa. Markii laga dhamays-na dib baa loogu yeedhay. wuxu ahaan jirey " Hogaanka Hawl-gelinta ee Ciidanka askarigu uu Ciidan qaran ugu yeedho. imikana la socdda waa lagu sii adeega-nayaa inta doorashadda ka horeysa, ee marka ay kaabiga timaado ( Siddii tii hore baa laga qaadayaa xilka) Si aanu u ogaan farsamooyinka lagula kacaayo Waddani Iyo Ucid oo ay isku beel yihiin, ( Allahayaw nin liita loo daranaa).

 

Muwaadin waxan ku soo af jaray qoraalkan gabayggii labaad ee uu (Ihin) Qamaan bulxan ku laha Cali Dhuux ( IHUN) " Ma dumaallo naagaha ninkay nolol ku dayr-shaane, nin walaalki doorsaday, Illaah daraja-dayn waaye, Darkaad ina adeerkaa dhigtaad weli degay.saaye" Ujeedadu waxa weeye, haddii aad tihiin kuwa aan ku soo sheegay qaybtii 1aad iyo tan 2aad, ogaadda askarigu naf idiin ma hayo, ee waxad tihiin awr-kiraala-yaal cadaw u adeegso reer-koodda, beri buu kani tegayaaye, xagee baydin miciinsan, la idin ogaa waxad tiihiin.

 

La Soco Qaybta 3aad.

 

* N.B Nin Cad-quudheed Tolkii Ka Doortay, Isaga Iyo Cidlaa Is Leh, Ee Caada-qaataw Yey Ku Soo Gabin!

Qore:- Abdi Shootaly.

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...