Danbiyada Dagaalka (War Crime) Waa kuma danbiile dagaal

0
Thursday May 23, 2019 - 15:04:42 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1415
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Danbiyada Dagaalka (War Crime) Waa kuma danbiile dagaal

    Danbi dagaal waxa lagu qeexaa ficil kasta oo xad gudub ku ah sharciga dagaalka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Danbi dagaal waxa lagu qeexaa ficil kasta oo xad gudub ku ah sharciga dagaalka

(jus ad bellum) sharciga dagaalka ama adaabtiisa waxa ka mid ah in waddan ama dhinac marka uu dagaal qaadayo ku dhawaaqo madaxdiisu meel fagaare ah ama uu saxeexaa inuu dagaal qaadayo,waa in hubka uu adeegsanayaa xadidnaadaa ama (proportional) ku yahay hubka uu haysto dalka kale,macneheedu waxa weyaan haddii Waddan Quwad leh iyo waddan taag yari dagaalamayn looma baahna in hubka noocyadiisa oo dhan la adeegsado,.maxabiista oo aan la laynin,dhulka la kala qabsado ama qalcadaha oo aan la dumin,calanka nabadda oo inta la taago marka dhinaca kale uu isaguna qoriga hoos u dhigo haddii lagu bilabo waa danbi dagaal,biliiliqada,ceelasha biyaha iyo meelaha hoyga u ah dadka oo aan la dumin,kufsiga,carruurta oo dagaalka loo adegsado,inaad dadka dhinta la googoynin,inaan dhirta lagoynin.Hubka la ridayo oo loo meel dayo,Inaan dadka shicibka toos loo beegsanin.magalooyinka la kala qabsado oo sidooda loo dhowro IWM macnaha dagaalku wuxu u baahanyahay Edaab ee maaha waxad aragtoba cagta mari.xattaa Somalidu dhaqankeedu wuxuu lahaa wax loo yaqaanno Biri ma geydo.



Dhamaan sharciyada aan kor ku soo xusnay waxay ka mid yihiin shuruucda caalamiga ah ee International law iyo international Humantarian law,waxa kaloo sidaas tilmaamaya axdiga Geneva 1949 qodobada article(3) iyo article (4) wuxu dhowrayaa maxabiista dagaalka,dadka aan dagaalka ka qayb ahayn,dhaawaca iwm.waxa kaloo mamnuucaya Human right UDHR sodonka qodob ee ugu horreeya xuquuqda aadamaha.ee la isla qaattay.Paris 1948.


Qofka ku sifooba,inuu xadgudub kula kacay arrimaha bini aadminimada ka dhan ah waxa loo aqoonsadaa Danbiile dagaal,waxana fiican in caddaymo ku filan loo helo si loogu qaado danbiga uu leeyahay,waxase ka muhiimsan in la isla aqoonsado horta qofka danbiile dagaal ahi waa kee,si loo xasusnado taariikhda madow ee uu ka tagay isla markaana looga digtoonaado inaanu mar danbe arrintaas oo kale dhicin.


Xukumaddii Siyaad barre iyo Jabhadihii dagaalamay dhulka Somalida dhinac kastaa xadgudub wuu sameyay haba lagu kala badnaadee,waxase masuuliyadda inteeda badan qaadanaya dhinaca Xukuumadda waayo xukuumaddu waxay ahayd tii Magaca Somalia taagnayd ee Awoodda u badan gacanta ku haysay,


Shakhsiga hadda maxkamadda maraykanka ku taallaa "Gobolka Virginia” ee ku xukuntay mid ka mid ah Nimankii danbiyada dagaal ka galay Dadka reer Somalilnd mudadii uu socday Dagaalkii u dhexeeyay SNM iyo Xukumaddii Siyad barre Yusuf abdi Cali "Tuke” ee lagu xukumay lacagta 500,000 waan soo dhoweynayaa, macno ma samaynayso laacagta lagu xukumay iyo xattaa haddii ciqaab kale loo gaysto lkn waxa macno samaynaya in qofka danbilaha ah ay xisaabi ka danbayso ifka iyo aakhiroba,taariikhdana uu ku sifoobo inuu yahay ninkii dadka shicibka ah laayay,waxay faaiido u tahay Mustaqbalka Dadka Somalida ah meel kasta ha joogaane,xattaa waxa xusid mudan wakhtigan hadda la joogo ayay Somalida dhexdooda meelo badan ka socottaa in Hantida la kala qaado oo la isu awood sheegto,waa u dawo inuu qof kastaa ogaado in maalin uun lala xisaabtami doono.


Diinta islaamku aad bay uga soo horjeeddaa xadgudbka lagula kaco aadminimada,halkan hoose ka akhriso "abuu bakar al sidiiq”ilahay raalli ha ka ahaado oo khudbad u jeedinaya Ciidankiisa Muslimiinta oo dagaal tagaya bal u fiirso sida uu u tilmaamyo.Caruurta,dadka waayeelka ah iyo Dumarka lama taabanayo,dhismayaasha iyo xoolaha waa la dhowrayaa,maydka lama jiid jiidayo,xataa geedaha la hadhsanayo lama jarayo.lamana gubayo xoolaha wax waa laga cuni karaa lkn lama dilayo dadka meelaha macbadka ah ka shaqeeya lama dilayo IWM.


In the early 7th century, the firstCaliph,Abu Bakr, whilst instructing hisMuslim army, laid down the following rules concerning warfare:

"Stop, O people, that I may give you ten rules for your guidance in the battlefield. Do not commit treachery or deviate from the right path. You must not mutilate dead bodies. Neither kill a child, nor a woman, nor an aged man. Bring no harm to the trees, nor burn them with fire, especially those which are fruitful. Slay not any of the enemy's flock, save for your food. You are likely to pass by people who have devoted their lives to monastic services; leave them alone”


Suuratul Al-baqara Jiska labaad,aayadda 190 ilaa 193 ayaa inoo tilmaamaysa in inta lagugu xadgudbay in leeg laguu ogolyahay inaad xadgudubto marka ay tahay is difaac.

"Furthermore,SuraAl-Baqara2.190–193of theQuranrequires that in combat Muslims are only allowed to strike back inself-defenseagainst those who strike against them, but, on the other hand, once the enemies cease to attack, Muslims are then commanded to stop attackin”


Ogow Diinta Islaamku waa meelaha ugu badan ee laga soo dheegto shuruucda caalamiga ah "Customary International law”

Wa billahi Towfiiq


Rashiid Odowaa M.A Diplomacy and IR

[email protected]

063-4101213

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...