"Jin-Dagaay" Waa Tii La Yidhi Isla Weyn Waa Isma Oga Q.1aad ( Abdi-Shotaly).

0
Saturday January 01, 2022 - 10:50:06 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1183
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Jin-Dagaay" Waa Tii La Yidhi Isla Weyn Waa Isma Oga Q.1aad ( Abdi-Shotaly).

    La Soco Qaybta 2aad.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

La Soco Qaybta 2aad.

Waxan maanta halkan idiinku soo gudbinayaa, oo aan doonayaa in aan idiin micneeyo ereyga la yidhaaho " Jin-dagaagay" Waa eray micni-hiisu yahay, oo si waadax ah u sifaynaaya, kuwa si uun loogu adeeg-sado beesha ay ka soo jeedaan, oo lagu yidhaaho xiniin-yaha noo qabta, idinka baanu idiin maqaar-saarnaye, anaka waa nalaku garana-yaaye. Waa qaar madhan oo ka qalaalan hoosta, misna wax is mooday, islana baxay, bilaa mab'ad ah, ku wanaagsan in lagu shaqaysto, oo nacabka ka soo hor jeedda beeshoodda ( Beesha ay doonto ha ahaatee). Aan akhristaw u gudo gallo halka i-manakh leh, ee ku saabsan " Jin-dagaagayga Garxajis" Aniga oo midh-midh idiin soo hor dhigi doona, midba sidda loo adeeg-sado iyo adeega loo dirtaa nooca uu yahay mid walba iyo cidda ay hoos fadhiyaan oo iyaka ka sii liita iyaba waa nasiib xumaane, kaas oo ah askarigiga fadhiya " Xaafad-Tooyadda ee la yidhaaho " Raggii ma adigaa ka hadhay", oo Illaahay-ba aanu goror maskax ah iyo miyir toona ugu shubin Madaxa dul saaran, wax loo daba fadhiis-taana aanay jirin sideeda-ba, laakiin-se weilba sidaas ku shaqaysta " Jin-Dagaagay" Aan wax ay yiihn jirin, ilayn waa isma dhaano iyo dhasheede.

 

Hadaba Waa Kuwee "Jin-Dagaagayga Garxajis ?"

 

Adiga oo aan yaabin muwaadin, halkan hoose ka akhriso magac-yadda Garxajis u yaqaano " Jin-Dagaagay" Iyo Siduu askariga Guriga Moorgan ku jiraa uu mid-ba nooc ugu adeeg-sado, xataa haday furtaan ururo, cid u foodayzlsaa oo Garxajis ahi ma jirto, oo waxay ilamid yihiin " Xuunshaddii Madoobayd" Beel kale-na haba ka filin in ay wax moodo dhamaan-tood. Waana kuwan ee ku soo dhawaw:-

 

(a) " Daamur" Marka ugu horeey-saba waa astaanta guul-darradda, sidii-saba abdo ma laha lagu qaato, iska wado mooyaane. Xikmad Carbeed baa tidhaaha " Kuli shay yarjicu ilaa aslihi" Oo uu micna-heedu yahay, wax kaste oo la dhoodhoo-baaba, aakhirka waxay dib ugu noqdaan asal-koodu hore waxa uu ahaa" Waa sidaase, kani isaga oo ah " Daamur ah, baa wax aanu u qalmin laga dhigay, taas oo ah " Mr Dahab" kolkii Waddani cirkaa geeyey, laakiin isaga baa hoos isu soo celiyey, ilayn waxa aad tahay uun baad u dhurataaye sidda askariga " Raggii ma adigaa ka hadhay" Daamur-kiisii uun buu dib ugu noqday.

 

(b) "Ina Sulub" Oo Askarigu u adeeg-sado oo keliay, in uu isku dhufto labadda beelood ee kala ah " Habar Jecllo iyo Garxajis" Oo ay ka qabsatay in uu kolba afar koofiyad bacle ah isku sawiro, inta uu ku soo daabullo " Xaafad-Tooyadda", taas oo ay ogaadeen labadda beelood ee sare ku yaalaa, wax uu iska hor-keeni karaana aanay jirin wakhtigan.

 

(c) " Ismaaciil Buubaa iyo Cawil" oo urur ay furtaan daayoo, iyakii u baahan wax sariirta ka kiciya, maskax-diina ay isku yaacday, laakiin-se nasiib darro, iyaka oo ahaa ruug-cadaadigii siyaasadda loo daba fadhiisan lahaa, waxana laga weydiin lahaa, bay hadeer " Sakhraanka Ramaax " U yeedhiyo waxay odhana-yaan, kaas oo uu waagu ugu beryo derbi-yadda Hargeysa isaga oo Caagad sita. Saw iyaka oo waafiya, iskama ay dhigin weyd, markuu maclin siyaasadeed uu u noqday " Sakhraan Ramaax" Finaka-cawdu-bilaah.

 

(d) " Cadisalaan Yaasiiin" Oo isna uu si wacan u isticmaalo ninka la yidhaaho Maxamed Xaashi, oo uu kolba magac u soo bixyo urur, ka dib-na uu ku yidhaaho Cabdi-salaanaw ku dhawaaq., Waad ogaydeen qoladdii la odhan jirey " Madasha" ee uu hor boodi jirey,  waraaq uun buu u soo dhiibayaa Maxamed Xaashi oo uu odhanayaa akhri, inta uu u yeedho Saxaafadda, sidda kan uu hadeer la wareego ee la yidhaaho " Ururka Somaliland Jire" Wax uu jiraana aanay haba-yaraatee jirin, wax ay dumiyaan mooyaane, saw aqooneey ba' maaha iyo wax ka sii daran.

 

Maanta halkaas baynu qaybtan koowaad ku jooji-naynaa ee "Jin-Dagaagay"

Waxan ku soo xidhay, inta ay beesha garxajis u taqaano " Jin-Dagaagay" ee is leh wax baad yeeli kartaan Waddani, kuna andacoodda, Mudane Xirsi Xaaji Cali iyo Habar Jecllo baa laga iibiyey Xusbiggii Garxajis, maba dhama tira-doodu 20 qof, Waddanina wax ay ku taryeen baaba iska yaraa,waxana kuma samayn karaan, wax sy yeeli karaan hadal-koodaa. waxa ay kala tageen oo keliya rebshed iyo Xiniinyihii ay hayeen, oo uu Musharaxa Madax-weynaha Mustaq-balku, siyaasad qoto dheer uu iskaga furfurey, kolkii ay ka dhamaan waayeen, halkaas oo ay sas ka qaadeen, markii laga tashaday, Xusbiguna hor illaahay buu uga raystay, oo Rabbi waa kaas ku soo ururiyey in ka badan 85% ummaddii reer Somaliland, oo beel walba leh, hiil, hoo iyo cod-ba la barbar taagan. Waxan leeyahay cirka soo gujiya, awelba waxad tarayseen baa iska yaraaye, waxa aydin cuni jrteen inta laga soo ururiyo Qurba jooga, oo hunguri uun bay u ag joogeene. La soco muwaadin, qaybaha dambe oo aynu ku soo qaadan doon, " Jin-Dagagayga hadhay" Sidda Colaad, Khadar Ambasadoor, Ina Waran Cade, Cali ooyaaye ( Cadaani), Ina Cabdi-Dheere. Iyo Qaar kaloo badan

 

La Soco Qaybta 2aad.

* N.B Jin-Dagaagay, Koofiyad Bacle Iyo Kaba-Qaad Mid-na Lama Kool-Kooliyo Ee Waa La Karbaashaa!

Qore:- Abdi Shotaly.


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...