Badsuun Lama Yidhaado, Waxana Waad Ku Beesha, Bismilayso Hayntaada.

0
Saturday January 01, 2022 - 09:56:49 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 704
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Badsuun Lama Yidhaado, Waxana Waad Ku Beesha, Bismilayso Hayntaada.

    W/Q: Ismail Abdillahi Handuleh.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Ismail Abdillahi Handuleh.

BISMILAALHI ALRAXMAAN ALRAXIIM [A.S.C.W.R.W.B]

TU KHAAS AHNA BAHDA H/W IYO AKHRISTAYAASHA.

 

Waxaa la yaab leh,kulmiye wuxu duulaan ugu yahay UCID oon dhibaato ku ahaynba,

Weliba hadduu hadho UCID taageerayaashiisu WADANI bay noqonayaan shaki la’an.

Sidaasna saddex geesood isbiirsaday ayuu WADANI soo baxayaa.

 1-Taageerayaasha Cirro[2] Taageerayaasha Hirsi iyo UCID oo odahiisa wata.

Miyaanay ahayn wax badso wax beel bay dhashaa.

 

BEELO ISU BAAHNAAYO,BERYO KALA MAQNAA BAAD,

BBARASHAW ABUURTEEN,BEERTEEN HESHIISKOODA,

BADSADAA LAHAYDEENE,BURKA BAHAL KAMAD FILIN,

ISUBOODADAA BARIGU,JEEGANTII BIKH BAY NOQON,

BERYO WAAD KA SHEEKAYN,TANA WAY KU SOO BIXI,

BOHOL RUUXA QODAYO,BAAXADEED HA DHEERAYN,

BILEENOD KU CIIRTAA,BOORAN HADIMO LAMA QODO,

BARASHADUNA WAA GUUL,BAARAAN DEGEEDA LEH,

BASAR RUUX U AMINAY,WELIGEED MA BAYLAHISO,

BAKHAYLIYO MA GEYO FULE,GEESIGA KU BEEGSADA,

BARWAAQADEEDA DAAQO,BADHAADHO KA FAA’IIDA,

BOTORIYO CIYAARIYO,BALOOLAY UGU DABAAL DEGA,

BOQOLKIIBA BOQOL HUBA,WAA KAGA BADSANAYSAN,

BAQAA BARI KA DHAWRO,BERETAN YAAN LAGA BADIN.

             ISMAIL ABDILLAHI HANDULEH.


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...