Somaliland Iyo Taiwan Saaxiibo Dadkooda Iyo Dalkooda Horumar La Raba

0
Saturday January 01, 2022 - 09:49:28 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1085
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Somaliland Iyo Taiwan Saaxiibo Dadkooda Iyo Dalkooda Horumar La Raba

    W/Q: M J Farah

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: M J Farah

Somaliland iyo Taiwan Waxaa xidhiidhkooda Diplomatic bilowdey  markii yada oo aan laga war hayn oo dad badan oo goob-joogeyaal ah la yaab ku noqotay, markii 26-kii February 2020 Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Taiwan iyo Somaliland ku kulmeen Taipei oo ay ku kala saxeexdeen heshiis ay xafiisyo wakiillo ah ku yeelanayaan Taipei iyo caasimadda Somaliland ee Hargeysa. 

 

Somaliland oo dadkeeda lagu qiyaaso 5 milyan oo qof ayaa ka noqotey midowgii Soomaaliya 1991. DalkaShiinaha iyo inta badan dawladaha adduunka, tani waxay ahayd dhacdo u muuqatey mid indhahooda soo jiidatey kuna baraarugeen abuuritaanka xiriirka siyaasadeed ee u dhexeeya laba dawladood oo si buuxda u jira marka laga hadlo xaqiiqada balse marka laga eego dhinaca xiirka dawladaha aan ahayn laba dawladood oo aqoosi buuxda haysta ama si kale maqaamkiisa caalamiga ahi daciif yahay ama aan jirin. 

 

Xidhiidhka cusub ee Taipei iyo Hargeisa labada dhinacba wuxuu u yahay guul siyaasadeed,waxaana dalka Taiwan uu kaga soo kabandoonaa dalal Afrikaana oo xidhiidh wada lahaayeen oo ka dib markii China cadaadis saarey xidhiidhkii ay la lahaayeen Taiwan ka baxay sida Burkina Faso and Sao Tome and Principe. 

 

Somalilandna waxay guul u tahay in dalal badan oo caalamka ahi ku soo dhiirandoonaan in ay xidhiidh cusub la sameystaan. 

 

Labada dalba faa’iidooyin siyaasadeed iyo dhaqaale ayaa ugu jiridoona xidhiidhkooda diplomatic ah ee ay unkeen. 

 

Waxay kor u qaadi doontaa dhaqaalaha,waxbarashada,caafimaadka iyo arimaha kale ee ay wadaagi karaan labadan dal hadii ay si dhaba u sii xoojiyaan xidhiidhkooda kana wada shaqeeyaan qorshayaal labadaba dan u ah. 

 

China ayaa aad iskugu dayey in uu carqaladeeyo xidhiidhkan wuxuuna Somaliland dhowr jeer bilowgiiba isku dayey in uu ku qanciyo iney ka laabato xidhiidhka Taiwan balse Dawlada Somaliland ayaa ku gacansadhey arintaa China u sheegtey in aaney diyaar u ahayn iney ka laabato xidhiidhka cusub ee Taiwan una aragto in China wax dhibaato ah Somaliland ni ku hayn xidhiidhkanina waxba u dhimeyn China sidaa darteed China aanu waxba ka warwarin ee uu danahiisa kale qabsado Somaliland iyo Taiwan ay yihiin laba dal oo iska kaashanaya horumarka,nabada, caafimaadka dhaqaalaha iyo arimaha bulshada ee iyaga khuseeya cidkalana aan waxba u dhimeyn. 

 

China in kasta oo uu isku dayayo in uu cadaadis weyn saaro Somaliland hadana Somaliland China na cadaw kuma ah danaheedana iyada ayaa ka og cid walba waana dal balan leh oo cidii ay heshiis galaan kaga dhabeysa dhinaceeda,waana dal yar oo aan aqoonsi helin weli balse hadana isku kalsoon,oo geesiyaal ah cidna waxba iskaga tirin balse aan aqoon gardarada iyo faragelinta dalalka kale arimahooda gudaha. 

 

Somaliland Waxaa Xafiisyo Diplomatic ku leh Dalalke oo ay ka mid yihiin: 

 

    Turkiga waxa uu leeyahay Qunsuliyad Guud oo si rasmi ah uga shaqeysa Hargeisa 

     Taiwan 

    . Britain, 

     Denmark, 

    Djibouti, 

    Ethiopia, 

    iyo UAE 

 

Sida la saadaalinayo  Masar iyo Czechia waxay sidoo kale xiiseynayaan horumarinta xiriirka, gaar ahaan iskaashiga dhaqanka iyo waxbarashada ee Somaliland. 

 

 Qaar ka mid ah ururada Qaramada Midoobay, sida WHO iyo UNICEF, ayaa joogitaan ku leh Somaliland, oo si rasmi ah qayb uga ah. 

 

 In kasta oo Midowga Yurub aanu joogitaan joogto ah ku lahayn Somaliland, haddana waxa ay si joogto ah u soo diraan hawl-wadeenno ay ku maamulaan barnaamijyadooda mucaawinooyinka. 

 

Dalka mareykanku xafiis rasmi ah kuma laha Somaliland balse waxaa dhawaan Somaliland booqasho ku yimi wafti ka socda aqalka koongaraska dalka Maraykanka, oo kulan la qaatay 14/12/2021 madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa kala hadlay arrimaha doorashooyinka, dimuquraadiyada Somaliland iyo xidhiidhka Somaliland iyo Maraykanka. Tani oo muujineysa sida dalka Mareykanku u ogsoon yahay baahida xiligan ee xidhiidh iyo soo dhaweysasho uu Somaliland la yeeshaa ay tahay mid wax weyn u ah danaha dalka Mareykanka ee Afrika iyo bariga dhexeba. 

 

Sidoo kale Dekeda Berbera ee Jamhuuriyada Somaliland oo Shirkada DP WORLD maalgashi ku sameysey ayaa ka mid ah wax yaabaha dalal badan hada qasab ka dhigaya in ay Somaliland xidhiidh ganacsi iyo amaan la yeeshaan. 

 

Si kastaba ha ahaatee Taiwan iyo Somaliland waa laba dal oo aqoosi dadban haysta horumarna ka sameenaya sidii caalamku ugu soo xidhmi lahaa mana jirto cid xidhiidhkoodu carqalad ku yahay runtii marka laga tago mala awaalka China iyo riyada beenta ah ee Dalkii fashilmay ee Somalia oo magac ahaan uun u jira balse mar hore dhintay una guurey shan dawlad goboleed oo isku magacaabey federal ka Somaliya. 

 

Taiwan iyo Somaliland waxay tusaale u yihiin dumuqraadiyada taabagashey ee caalamka qarniga 21 aad waana laba dal oo mudan in lagu taageero iskaashigooda iyo horumarinta dalalkooda iyo dadkooda. Waana xidhiidh wanaag iyo wadajir iskaashi iyo horumar oo mudan in lagu hambalyeeyo labada dal laguna taageero. 

 

Mahadsanidin 

M J Farah 

Source: hogaanka.org


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...