Ila Qosol, ... Cabdullaahi Maxamed Cumar

0
Saturday January 01, 2022 - 09:46:09 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1617
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ila Qosol, ... Cabdullaahi Maxamed Cumar

    Nabad akhristayaasha sharafta lahoow.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Nabad akhristayaasha sharafta lahoow.

Salaantaasi kaddib, ku soo dhawaada sheeko kale oo xiiso leh oo ka mid ah; taxanaheennii, Ila Qosol.

Waxa la yidhi, nin baa beri soo maray meel laba nin isku laaynayaan - ku dirirayaan.



Markii uu isku dayey, in uu kala saaro labadii nin ee uu ku rafaaday kala qabshadoodii; ayuu mid ku yidhi: " Waar magacaa? Makaasuu ugu jawaabey: " Faduul !" Taasi oo manaheedu yahay, Gardaroole!


Ninkii oo ka yaabban, magaca ninku u sheegtay oo kala garan la'; dhab iyo dheeldheel midka uu yahay magaca ninku sheegtay; ayaa kii kale ku jeestey oo ku yidhi: " Waar adigana magacaa?" Markaasu ugu jawaabey: " Dagaal baa la i yidhaahdaa!"


Ninkii niman kala qabanayey oo ka yaab ban labada magac ee ay nimanku u sheegteen, ayaa ku yidhi nimankii: " Waar magacyadiina ayaan ka arkaa oo khayr idin kama soo jeedee, yaaca oo dhulka u kala kaca!!"

 

Waar meesha maxaa ka dhacay!

Cabdullaahi Maxamed Cumar

Email: [email protected]

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...