Madaxweyne Taariikhdisu Cadahay. Qore Mukhtar Cilmi
Run ahaan eryada maanta ka soo yeedhaya dad iska hadla ay ka mid yihiin
golaha wada tashiga iyo shakhsiyaad ka soo jeeda Xisbiyada Mucaaridka ahi waa
qaar aan sal iyo raad toona lahayn, waxaanay ceeb iyo yasid ku yihiin garaadka
iyo caqliga bulshada reer Somaliland oo ah ummad ilbax ah oo aqoon leh oo aan
si yar loo siri karin, dadkaas waxay shacabka Somaliland moodayaan
ina yihiin adhi ama xoolo kolba dhinac loo kaxayn karo, waxaana
haya xaasidnimo iyo xil jacayl, camarad tusnimo ,runtina waana dad xun xun oo ka
fakarin danta qadiyadda Somaliland.
Madaxweyne muuse biixi cabdi oo aanay daruuri ahayn inaynu taariikhdiisa halkan
kusoo bandhigno, maadaama shicibka reer Somaliland ay ogsoon tahay,
hadana waxaa xusid mudan in Madaxweyne muuse biixi uu ahaa Geesi ka damqaday
xasuuqii iyo cidhib tirkii lagu hayay somaliland, isaga oo shacabkiisa ku
hogaamiyay inay ka dhiidhiyaan oo ay iska xoreeyaan Taliskii haligmay ee Siyaad
Barre.
Madaxweyne muuse biixi halgankiisii sharafta lahaa uu taariikhda Somaliland
kaga xardhan yahay baal Dahab ah, Iyada oo Madaxweyne muuse uu ilaa maanto wali
ku jiro halgankii umadiisa oo ay kow ka tahay sidii uu Qarankeena Aqoonsi buuxa
ugu heli lahaa, halka kuwo badan oo maanta Madaxweyne muuse ku eedaynayaa ay
ahaayeen qaar Muqdisho uu shaqeenayay markii uu muuse biixi qoriga garabka ku
sitay ee uu dalkiisa iyo sharafta umaddiisa xoraynayay.
Ugu danbayn Xisbiyada Mucaaridka iyo kuwaa wax qora baa waxaa loga baahan
yahay inay u dhaqmaan si masuuliyad ay ku jirto, kana gudbaan murankan ah ee
nusqaanta usoo jiidaya qaranimada Somaliland ,waxaana lagama maarmaan ah in
iyaago ay ku daba faylaan xukuumaddooda si ay oo heli lahayd aqoonsi buuxada
Somaliland iyo horumarna loo gaadhsiin lahaa dalkeena ee qaaliga ah.
bulshada Somaliland ee geesiyiinta ahna waxaa la gudboon inay ka hor yimaadaan
cid kasta oo isku dayda inay kala qaybiso oo ay wiiqdo hanaankooda dawladdnimo
iyo xornimada ay maanta haystaan ee ay usoo mareen wadada dheer ee dhiiga leh.
Qore Mukhtar Cilmi
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!