Taliye Xijaar Oo Ciidamada Booliska Uga Digay Inay Ku Milmaan Arrimaha Siyaasadda

0
Friday December 31, 2021 - 09:30:08 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 615
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taliye Xijaar Oo Ciidamada Booliska Uga Digay Inay Ku Milmaan Arrimaha Siyaasadda

    Mas'uuliyadeena koowaad waxaa waaye inaan ilaalino

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mas'uuliyadeena koowaad waxaa waaye inaan ilaalino


Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed S/gaas Cabdi Xasan Maxamed {Xijaar} ayaa Ciidanka uga digay inay ku milmaan arrimaha Siyaasadda, xilli uu jiro khilaaf u dhaxeeya Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Rooble.


Taliyaha oo kulan isugu yeeray dhamaan Saraakiisha Ciidamada Booliska ayaa sheegay in marxaladda dalka uu kujiro aawgeed ay muhiim tahay in dhamaan Ciidamada Booliska Soomaaliyeed ay noqdeen kuwo nadiif ka ah siyaasadda iyo waxaan aheyn Shaqadooda.


” Mas’uuliyadeena koowaad waxaa waaye inaan ilaalino Amniga, Nafta, Maalka Shacabka Soomaaliyeed, inaan fulino rabitaanka Shacabka Soomaaoiyeed iyo waxaay xaq u leeyihiin, sidoo kale inaan dhowrno Odayga waayeelka ah l, Wiilka yar iyo midka Bajaaita ku Shaqeeysanaya ayuu yiri” Taliye Xijaar.


Sidoo kale Taliye Xijaar ayaa ku amray Saraakiisha Ciidamada markii dalka xilligaan oo kale uu maraayo ay ku ekaadaan Amniga Guud ee dalka, isaga oo sicad u sheegay in Ciidamada Booliska ay mas’uuliyiin ka yihiin amniga doorashooyinka ka dhacaya dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir

Shalay ayay aheyd markii Taliyaha Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed Janeraal Odawaa Yuusuf Raage kulan uu la qaatay Saraakiisha Ciidamada Millateriga uu ku amray in aysan ku milmin Arrimaha Siyaasadda.
Loading...
Loading...