Wasiir Shukri Baandare Oo Khaatiyaan Ka Taagan Xakamaynta Bacaha

0
Thursday December 30, 2021 - 20:39:05 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1179
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiir Shukri Baandare Oo Khaatiyaan Ka Taagan Xakamaynta Bacaha

    "dukaanada ayaa lagu iibinayaa, meel walba waa lagu iibinaya bakhaarada ayay taala."

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"dukaanada ayaa lagu iibinayaa, meel walba waa lagu iibinaya bakhaarada ayay taala."

Hargeysa (HWN) Wasiirka wasaaradda degaanka Marwo Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare, ayaa sheegtay in bacaha si tuugo ah dalka lagu soo galiyo.



Wasiirku waxa ay bulshaweynta reer Somaliland, ugu baaqday in ay meel uga soo wada jeestaan sidii dalka looga dabar’goynlahaa keenista bacda, oo ay xustay in halis badan ay degaanka ku hayso.


Dhanka kale waxa ay qaybaha kala duwan ee warbaahinta ka codsatay in ay kaalin weyn  ka qaatan sidii dadka loogu baraarujinlaha in ay bacdu qayb ka tahay nabadguurka dhulka.


Marwo Shukri oo arrimahaasi ka hadlaysa waxa ay tidhi."Bacdi weynu arkayna, waala joojiyay, waala joojiyay, haddana habeen iyo maalin tuugo ayay ku soo galaysa, dukaanada ayaa lagu iibinayaa, meel walba waa lagu iibinaya bakhaarada ayay taala.


Haddaba bulshada waxaan ugu baaqaya inay ka dhiidhiyaan, bacdaasi waata ina rogtay weeyaan, wixii caqli ah ee aynu ku baddeli lahayn ee caqli ahna la yimaada, ee maanta lagu wada baddeli’lahaa ganacsatooy la kaalaya, bahasha waa in aynu suulina kana dabargoyna dalkeena.


Warbaahinta waxaan leeyahay degaan ayaa laga shaqeynaya idinkuna intiina ka gaysta, haddii safiir jiro safiirku waa bahda saxaafadda, waa in ay kaalin mihiim ah ka qaadataan sidii dadka looga wacyigelin’laha halista ay bacdu ku hayso degaanka”


Hadalkan wasiirka ayaa ku beegmaya xilli ay dhawaan uun ahayd markii xukuumadda Somaliland ay mabnuucday, keenista, iibka iyo soo jeedinta bacaha.

 

Loading...
Loading...