Wasiirka Arimaha Dibada SLAND Oo Faahfaahiyay Safaro Mihiima Oo Uu Ku Tagay UK Iyo USA

0
Thursday December 30, 2021 - 20:28:28 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1260
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Arimaha Dibada SLAND Oo Faahfaahiyay Safaro Mihiima Oo Uu Ku Tagay UK Iyo USA

    "Dhinaca kale, waxa uu goluhu falanqayn iyo dood ka yeeshay siyaasadda qaran ee dhulka"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Dhinaca kale, waxa uu goluhu falanqayn iyo dood ka yeeshay siyaasadda qaran ee dhulka"

Hargeysa (HWN)  Fadhigii 85-aad ee Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland oo uu Shir-guddoominayey madadweynaha Somaliland, mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa lagaga dooday, isla markaana lagu falanqeeyay siyaasada Qaran ee dhulka iyo xeerka Qaxoontiga ee Somaliland.



Ugu horayn madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa golaha war-bixin ka siiyey halka uu marayo Mashruuca JPLG-gu, safarradiisii uu ku tagay Imaaraadka Carabta iyo Hindiya.


Wasiirka wasaaradda arrimaha dibedda iyo iskaashiga caalamiga ah Dr. Ciise Kayd Maxamuud, ayaa isaguna golaha war-bixin ka siiyey safarradii uu ku tagay dalalka Ingiriiska (UK), Maraykanka (USA) iyo Kanada (Canada).


Sidoo kale, wasiirka wasaaradda qorshaynta iyo horumarinta qaranka Cumar Cali Cabdilaahi, ayaa golaha uga war-bixiyey bilawga iyo geeddi socodka diyaarinta qorshaha horumarinta qaranka ee 3-aad, waxaana uu ku dheeraaday wasiirku hawlaha qabsoomay, kuwa qorshaysan iyo kaalinta la rabo in laamaha kala duwan ee dawladdu ay ka qaataan dhammaystirkiisa.


Dhinaca kale, waxa uu goluhu falanqayn iyo dood ka yeeshay siyaasadda qaran ee dhulka iyo xeerka qaxootiga ee Jamhuuriyadda Somaliland, kuwaas oo ka doododa la soo gebagebayn doono fadhiga dembe ee golaha wasiirrada, haddii Eebe idmo.

Loading...
Loading...