Xukuumadda Somaliland oo Daboolka ka Qaaday inay Cidhibtirayso Xannuunka Duumada.

0
Thursday December 30, 2021 - 11:01:28 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 676
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xukuumadda Somaliland oo Daboolka ka Qaaday inay Cidhibtirayso Xannuunka Duumada.

    Dr. Xergeeye isaga oo arrimahaasi ka hadlaya waxa uu yidhi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dr. Xergeeye isaga oo arrimahaasi ka hadlaya waxa uu yidhi

Hargeysa -- Agaasimaha guud ee wasaaradda horumarinta caafimaadka Somaliland, Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye, ayaa sheegay in ay rajo weyn ka qabaan in mustaqbalka Somaliland laga cidhibtiro xannuunka Duumada (Keenacada).

Sidoo kale waxa uu xusay in aanay jirin hay’addo ka taageera dhaqaalaha lagula dagaalamayo xannuunka Duumada, balse ay ka wasaaradd ahaan iyagu bixiyaan wixii kharash ah ee ku baxaya la dagaalanka xannuunka Kaneecada.


Dr. Xergeeye isaga oo arrimahaasi ka hadlaya waxa uu yidhi."Barnaamijka Duumada ama Malaariyadu waxa ay kaga duwan yahay xannuunada kale, in aanay lahayn hay’addo wada oo fuliya, balse fulinta iyo wadisteedaba wasaaradda ayaa leh.

Sidaasi oo ay tahay waa mashruuca wajigii xakameynta ka soo gudbay, hadda xannuunku waxa uu maraya in degmooyinka qaar aynu ka cidhibtirnay, isla markaana degmooyinka barrigu ay u badan yihiin, mustaqbalkana aynu doonayno in degmooyinka galbeedka aynu xooga saarno.

Waxaan filayaa in wakhti wakhtiyada ka mid ah aynu xannuunka Kaneecada ka cidhibtiri doono gayigeena”
Loading...
Loading...