Madaxwayne Muuse Biixi Oo Ka Hadlay Askar Ka Dhimatay Booliska Somaliland

0
Thursday December 30, 2021 - 09:26:14 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1950
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxwayne Muuse Biixi Oo Ka Hadlay Askar Ka Dhimatay Booliska Somaliland

    "Madaxweynuhu waxa uu marxuumiinta ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Madaxweynuhu waxa uu marxuumiinta ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo"

TACSI MADAXWEYNE: 29/12/2021

INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN



Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, Ciidanka Booliska Somaliland, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee ay ka baxeen Alle ha u naxariistee Marxuumiinta kala ah:


1. K/L Cumar Cali Cabdilaahi

2. L/A/le Maxamed Ibraahim Carab

3. D/le Sidiiq Maxamed Siciid iyo

4. D/le Ayaanle Cabdi Yuusuf


 oo ku geeriyooday Shil gaadhi Shalay oo ay taariikhdu ahayd 28/12/2021, oo ka dhacay duleedka Degmada Yagoori oo ka tirsan Gobolka Sool.


Waxaanu Madaxweynuhu marxuumiintaa ka tacsiyadaynayaa ciidanka booliska iyo guud ahaan ciidamada qalabka sida ee Somaliland, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee ay ka baxeen Afartaa marxuum, waxaanu madaxweynuhu inta dhaawaca ah oo ka kooban Todoba Askari Alle uga baryayaa inuu caafimaad sareecana ka siiyo dhaawaca ka soo gaadhay shilkaa gaadhiga.


Madaxweynuhu waxa uu marxuumiinta ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, ciidanka booliska, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

 

ALLAA MAHAD LEH

 Xafiiska Warbaahinta Madaxtooyada JSL.

Loading...
Loading...