Sheeko ka dhacday Beel deganayd Ethopia iyo S/L dhexdooda Ruqe Ninkii hayaa ma kaco

0
Thursday May 23, 2019 - 14:48:25 in News by
  • Visits: 4253
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sheeko ka dhacday Beel deganayd Ethopia iyo S/L dhexdooda Ruqe Ninkii hayaa ma kaco

    Sheeko ka dhacday Beel deganayd Ethopia iyo S/L dhexdooda Ruqe Ninkii hayaa ma kaco

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sheeko ka dhacday Beel deganayd Ethopia iyo S/L dhexdooda Ruqe Ninkii hayaa ma kaco

 

Waxa jiray Reer Eebbe Xoolo Aduunyo oo aad u fara badan iyo Dadba ku manaystay oo ay ku soo hor marayso mararka qaarkood AayaddaQuraanka aha”Maalka iyo Ubadku waa Quruxda Nolosha Aduunka”. Reerkaasu wuxuu caadaystay kuna soo dhaqmay Nabad badan oo xataa uu gaadhay in aanu Ood dheer Geela ku oodin, taas oo ay ugu tallo galeen aroornimada hore in Geelu kambalka Reerka daaqo kadibna marka la tooso la soo xareeyo Irmaanka oo la maalo iyadoo aanu Horweynkii qudhiisu ka fogayn Reerka.





Waxa Reerka hadba si joogto ah ugu imanaysay Qaylo-dhaan ah; in abaar aad u xumi ka dhacday Dal ay deris yihiin oo Dad, Duunyo iyo Dugaaba lagu bakhtiyay. Waxayna in badan war dhegoodka ka maqlayeen Odayaasha Reerku Abaartaa ku dhacday dariskooda, hasa yeeshee Caduur dhaw dhawdu umay dhicin oo wax tabaabusho ah kamay samaysan umanay diyaar noqon muwjad Dad iyo Dugaagba leh oo kaga soo faruurmi karta dariskooda iyo Dalka Abaartu heshay.


Waxa dhacday iyagoo Habeenkii dambe xoolihii intay maaleen si fiican labada go’ isu saaray oo aan Burka Bahalba ka filan, ayaa saqdii dhex Bahal Dugaag ku fadhiistay Geelii oo Irmaankii, Rimaydii , Aarankii iyo Horweynkii kala xaraysan yihiin.


 

Geela sidii aan horeba u soo sheegay Ood celisaa kumay oodnayn, dabadeed dhamaan Ooda ayuu jabiyay markii dhawr Neef isla markiiba Bahalkii Dugaag ku dagay. Kadibna Geelii wuxuu cidla ugu baxay Bahal Dugaagii oo Bilo soo qaday.Waxa hadaba nasiib darro ku noqotay Bahal Dugaag gaajo ku raagtay awgeed iyo tamar la’aan inuu isna gaadhi waayo Geelii, Geeluna aaminiyi waayo inuu is taago oo uu miciinsaday orod iyo Allow ila badi.


 

Bahal Dugaagaa Geela eryaday waxa Xeradii kaga soo hadhay mid yar oo gaadhi kari waayay tamar la’aan awgeed oo Hog la galay Neefafkii ay markii hore dileen Raqdoodii, kaas oo aynu u bixin karo Habeen Dhalad, waayo marna meesha sooma dhigan barwaaqada ku soo foole inuu heli karo.


 

Aroortii hadaba markii Reerkii soo toosay oo caado u ahayd sida lagu yaqaano sanadka Barwaaqada inay iska bariistaan oo waqti dambe xoolaha la maalo, ayay Xeradii Geela Neefba ka waayeen.


In muddo ah ayay Indhahooda rumaysan la’aayeen oo hadba Kambalka ka eegayeen Geelii,waxayna ku noqotay arrin lama filaan ah oo may ahayn waxay meesha soo dhigteen in sidaa dhibta yar loo caydhoobi karo ee ishaa bilicdeeda ah ; Iyagoo aan xataa tabaabushe deg-deg ah gelin ooy ku raadinyaan Geela ee muddo dheer ayay iska daba wareegayeen.


 

Reerkii tallo markaasay ku baahday hawlina u bilaamatay iyo kala lun.Waxay noqotay sida caadadu tahay markay arkeen dhiig Xeradii yaala iyo Raq aad moodo lafo berri hore la feentay, inay gartaan in Bahal Dugaag geelii dareersaday oo ay ku soo furantay wixii Nin indheer garad ahi garanayay mararna isku dayay inuu Reerka meesha ka raro, hasa yeeshee aan dhegey jalaq loo siin.(Haddaad talis oo lagu diido .........).


 

Halkaa markay marayso waxa gurmaday Rag iyo Dumar wixii xoog lahaa si loo daba qabto Geela hambadiisa (horow soco Faarax Horweynka jiciirtay Hadhaaga u jooji).Arrintani waxay ku xusuusinayaa Gabaygii ahaa" Ninkaan Ubadku duuflaal ka noqon Doogsin baw maqane” .


Maalmo iyo Habeeno markii orod iyo guclayn qofba wuxuu karayay lagu jiray ayaa waxa Dadkii raacdada ahaa u qaybsamay sidan:-


a) wax qablamay oo ilayn gaajana u barasho lehe barwaaqo ku kor ahaa oo lagaga tago cidla,

b) wax jahadii ka luntay oo aan Raq iyo Ruux toona la hayn ilayn jabkan oo kale umay barane iyo

c) wax Bahal hoose ama Bahal Dugaag cuno.


 

Gurmadkaasu wuxuu hadba dhexda ku sii dhaafayay Geelu siduu u kala cuslaa Raq ka mid ah Geeloodii.Hasa ahaatee, wakhti kumay luminayn garashada Raqdaa oo inay inta hadhay daba qabtaan ayaa kaga waynayd wax walba inkastoo ayna rajo fiican qabin.


 

Muddo ka dib Rag aan tiro badnayn aadna u soo dhibaatooday oo uu gubayo xilka iyo masuuliyadda ka saaran Biliiliqada iyo Baylahada ku dhacday Reerkoodii Dad iyo Duuniyaba ayaa gaadhay Geelii wixii soo hadhay.


Kadib Ragii waxay isku dayeen inay dib u soo rogaan Geela oo xeradiisii iyo Reerkii ku soo noqdaan. Geelii sida dhaqanka u ah in badan ayuu ka soo maagayay inuu dib u soo jeesto isagoo wali ka baqa qaba inuu isu taago wixii eryanayay. Waxayse ugu dambayntiiku guulaysteen Raggii gurmadka ahaa inay soo rogaan Geelii hanbadiisii oo sida muuqata Hal doorkii fara ku tiris yahay.


 

Soo boqoolkii dambe waxay dhexda ku soo marayeen Dad badan oo ka mid ah Reerkoodii oo mayda kuna dhintay habqankii iyo darxumo ayna u baran. Waxaad ogtahay inay sii socodkii hore ay Raqdii Geela sii dhaafayeen , hadase oo ay soo gaddoon yihiina waxay hadba la kulmayaan Ragdii Dadkoodii.


 

Mashaqo waa tan dambaysa e, waxay soo gaadheen Reerkii wakhti Aroornimo ah oo aan Qof qudha oo joogaa aanu jirin.(waad garan kartaa inay dhibaato is daba joog ahi haysato oo midba mid lagu ilaawayo)


 

Ragii waxay bilaabeen inay xero aad u Ood dheer oo aan Bahal u soo dhici Karin Geela u oodaan, taas oo ay u arkeen sida qudha ee Geelani ku nabad gali karo inay tahay. Marna kamay fikirin inay Xerada oo Waddo Halaq noqotay ka bedelaan , iyagoo ku tashaday kol haddii Irmaankii madhay inay Geela ka daayaan dhex galka iyo foofka oo Giindada loo jiido, Raguna u soo guraan Daaqa inta wax is bedelayaan.


 

Geelii sidaad u aragto waa la soo xareeyay, cadceedii markay dhacday ayaa waxa Reerkii ku soo hooyday dhawr qof oo maalintii u baxa "Goon Nin doontiyo Geed Nin daaqaba dadaal ina faran”.


Dabadeed, markay is waraysteen Ragii Geela keenay, waxa laysla aqoonsaday wixii Dad iyo Xoolaba maqani inay dhimasho yihiin lagana qaato Samir iyo Iimaan. Hasa yeeshee, waxa jirta Dad fara badan oo daaduun kolay ku maqanoo aan tirsiisan qudhoodu wali lahayn ilaa la arko oo sidii Qof dhintay ayaa looga quustay.


 

Waxa hadaba soo baxay arrintii la odhan jiray "Burka Bahalba kama dayin”. Sidii aynu hore u soo sheegnay, Bahal Dugaagii yaraa ee galay Hogga Xerad ku dhex yaal ayaa Geelii loo soo xareeyay oo waliba Oodiina loo sii dheereeyay.


Bahalkii si fiican ayuu u muraaqooday wuxuuna ku geeraaray:-


Badh-badhaadhaye anoon uba baran

Bakhti mooyee Beeraan ku afuro

Miyaan Baruur iyo Kurus

Biliiliqo hirqaday baqana i hayn.


La Soco Qaybaha Dambe Ee Kale

 


Loading...
Loading...