Askari Wanaag Ma Deeqo Ee Xumaan Uun Baa Qancisa ( Abdi-Shotaly).

0
Wednesday December 29, 2021 - 13:29:47 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 991
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Askari Wanaag Ma Deeqo Ee Xumaan Uun Baa Qancisa ( Abdi-Shotaly).

    * N.B Gob-tiiba La Arag Macadala Garaad Faarax!

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

* N.B Gob-tiiba La Arag Macadala Garaad Faarax!



Islaan baa laga hayaa "Gobtiiba la arag, macadala garaad Faarax" oo ujeedadu tahay, beri hore dad la majeeran jirey, oo gadaal iskaga kaajay baa jira, oo ay ka daba yimaadeen, qaar aan weligood-ba la mahadin ( Sidda Askarta aan hoos ku soo sheegi doono), oo la isla yaqaanay, kuwaas oo awel-ba aan wax loo diran jirin. Aan kuu sarifo halka i manakh lehe, ku soo ruqaanso waa tane. 



Tariikh-dda aduunka hadaad dib u raaco, ilaa iyo intaad ka xasuusan karto sheeko iyo shaahid, lama hayo ruux odhan kara ama sheegi kara, maamul askareed jiri-jirey, oo shacabka hoos yimaadaa uu mahad ka sheeganaayo, qaarad kasta oo ka mid ah, aduunkan aynu dul saara-nahay hore umay soo marin, sababta oo ah, looma-ba abuurin in ay maamul rayid ah gacanta la galaan ( Xaal-koodu waa dig iyo digtoonaw aan wax kale raacin).


 Lama soo koobi karo, ee aan ku yara kebisiiyo qaar ka mid ahe, Bal dhab u eeg askartii kala ahayd Xusni Mubaaraggii Masar, Xaafidal Asadkii Suuriya, Mugaabiggii Simbaabwi, Mingistihii Itoobiya, Jacfaar al-nimeeri iyo Cumar al-bashiirkii suudaan, qadaafiggii Liibiya, Af-weyne, Hitlarkii jarmalka, Muusaliiniggii Talyaaniga iyo Naabalyoon, John paul Bukasihii Afrikadda dhexe (Central Africa republic),Staaliinkii Ruushka iyo Liilan iyo weliba qaar kaloo badan. intaas iyo tiro kaloo aan warqad keliya lagu qori karin, siddii ay ku baxeen waa la ogaa iyo silicii u dambeeyey.

Ma dumaalo naagaha ninkay nolol ku dayr-shaane, oo micna-heedu yahay, inta uu oori nin-keedu nool yahay, haddii ay dumaashi-geed u taqaano doqon ama nacas, oo nin-keeddii tii alle ku timaado, waa habeenkii xalay in uu dumaalo ugu yimaado, waayo waa la is yaqaanaa. Waa sidaas raggii-raga ahaa markay meesha ka baxeen, 

Somaliland waxa kufsaday kuwii laga ilaali-naayey, ee dhul-jiifka gocorka ahaan jirey. isna Tim-cade (Ihun) waakii lahaa " Sidda naag marwo ah, oo nin-keeddii mudnaa, mawdku kala qaaday, oo macango liitaa u hadhay, oo yeeshay meger-keedda, oo inay ka meer-meeri-yaan, magane doonsysa, madoobaa-dayeey xalay, miyey murugtay laab-taydu" Dalkii sidaas u sheegay Tima-cade, waxa uu u gacan galay mid macanga-nimaddii ku sii darsaday, 

Aqoon la'aan, cuqdad, cadawnimo, nacasnimo, maskax darro, tuuganimo, farsama xumaan, dhego la'aan iyo reer la colaw. waa maafish aan geeriddii Nebiga ogayn (csw), Waxa meesha isku biirsaday waa intii laga wacnaa ee la yasi jirey. Waxa la yidhi " Shimbir-ba shimbir-kiisa buu la duulaaye" Bal waxad qiyaas-taan kuwa uu u shir tegaayo " Raggii ma adigaa ka hadhay" Saw reer ba'aw yaa ku leh maaha iyo wax aan sinaba u jirin.

Waxan ku soo xidhay qoraalkan, ummad yahay. Sideeda-ba askarta wanaagu ma deeqo, ee waxa ganciya xumaanta iyo in dabadda soodh laga geliyo. Akhristaw, ma hayno oo hore uma soo marin aduunkan, askari ka taliya wanaag, xaq oo food xalaal ah ku dhiibay kursi, waxa keliya ee ay yaqaanaan budh lagu garaaco, ka dib-na wuxu wax ku gartaa oo qudja, in xumaha uu doonaayo la taab-siiyo. 


Sidda taariikh-du inoo sheegayso, markaad oofaha ka jebisid ee uu kaa ledi waayo, buu nafta la cararaa, isaga oo maradiisa aamini la'. wax-ba yaan kugu daaline, abkii askari kii ugu macangeg-sanaa, ugu aqoon darraa, ugu farsamo xumaa, ugu maskax la'aa, ugu cuqdad badnaa, ugu liitay, ugu sii dareen yaraa, ugu damiir kharibnaa, ugu damiin-sanaa, ugu garasho liitay, dadnimo lahayn, dhego xidhnaa, ee ka guuraaga aan loo hoyan ahaa, silic ku korka ku kacaamay, 


reer hebel mooyaane aan gorgor kale-ba eebe ugu shubin madax dul saaran, wuxuu xeeriyo daayo, qudhun walaaqanaaya, dhateqle ah, markuu hadlo-ba gobol ama beel iskala fuulaaya, baa ilaah ku boqon gooyey somaliland ( Waa good for nothing). Horaa-se loo yidhi " Geeriyeey maxaad tartaa" oo ay ku jawaabtay " Nin meel waayaan meel u baneeyaa" waa sidda maanta taagane, ee " Raggii ma adigaa ka hadhay" ay geeridu kursiga tidhi xoog ku fuule, waxa-se la yidhi lib ragii lahaa joogaan ha isi siine, Weli waa nool yihiin kuwii ku karbaashi jirey, ee dalkan xoreystay, Waa labadda Mujaahid ee kala ah Axmed Mire iyo Ibrahim dhego weyne, oo dhoosha ka qoslaaya, leh-na aduun-yooy xaalkaa ba', labaddii aynu ogayn baa dad hor taagan, oo leh wax baan maamulaa.

* N.B Gob-tiiba La Arag Macadala Garaad Faarax!
Qore:- Abdi-Shotaly
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...