Somaliland Oo Halmilyan Oo Doolar Uqorshaysay Caruurta Darbijiifka Ah

0
Tuesday December 28, 2021 - 09:38:08 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 780
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Somaliland Oo Halmilyan Oo Doolar Uqorshaysay Caruurta Darbijiifka Ah

    "in aynu ku dadaalno sidii carruurtaasi yar yar aynu ugu gurman lahayn."

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"in aynu ku dadaalno sidii carruurtaasi yar yar aynu ugu gurman lahayn."

Hargeysa (HWN) Wasiirka wasaaradda horumarinta maaliyadda Somaliland, Dr. Sacad Cali Shire, ayaa sheegay in hal Milyan oo dollar miisaaniyada Qaranka loogu daray, carruurta Darbi’jiifta ah iyo cidkasta oo xaaladooda ku sugan.

 

Wasiirku waxaa kale oo uu tilmaamay inkasta ooh al milyan ay tahay haddana in aanay ku filayn.

 

Waxaanu sidan ka sheegay mar uu maanta ka hadlayay, odoroska miisaaniyada Qaranka ee 20221-ka oo  la hor-geeyey golaha wakiillada.

 

Waxaanu yidhi."Carruurta Darbi’jiifta ah ee xilligan qaboobaha ku dhibaataysan jidadka iyo gidaarada, way jiraan kuwa aynu hayno oo aynu daryeelno, oo Darbi’jiif ahaan jiray amaba ah, waanay jiraan kuwo aynaan weli gaadhin, waxaan qabba dawlad iyo shiciba arrintaasi xil ayaa inaga saran, in aynu ku dadaalno sidii carruurtaasi yar yar aynu ugu gurman lahayn.

 

Miisaaniyada waxa ugu jira daryeelka dadka xaaladaasi oo kale ku sugan lacag ku dha’dhaw hal Milyan, balse lacag wada gaadhaysa maaha cidkasta, marka waxa aanu u baahanahay in arrintaasi laga wada shaqeeyo”


Loading...
Loading...