Beesha Caalamka Oo Madaxda Somaliya Usoo Jeedisay Inay Joojiyaan Adeegsiga Xooga

0
Tuesday December 28, 2021 - 09:20:47 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 629
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Beesha Caalamka Oo Madaxda Somaliya Usoo Jeedisay Inay Joojiyaan Adeegsiga Xooga

    "Kulan ay yeeshaan Golaha Wadatashiga Qaran sida ugu dhakhsiyaha"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Kulan ay yeeshaan Golaha Wadatashiga Qaran sida ugu dhakhsiyaha"

War-saxaafadeed ay goor dhaweyd si wadajir ah u soo saareen saaxiibada beesha caalamka ee Soomaaliya ayay madaxda Soomaaliya ugu baaqeen 'inay danta dalka ka hormariyaan wax walba, ayna dejiyaan xiisadda siyaasadeed ee kacsan'.

 

Saaxiibada Caalamka ayaa madaxda Soomaalida ugu baaqay inay ka joogsadaan waxay ugu yeereen daandaansiga ama adeegsiga xoogga oo wiiqi kara nabadda iyo xasilloonida.

 

Waxay sheegeen inay sidoo kale ka walaacsan yihiin 'wax isdaba marin xagga habraaca iyo dib u dhaca hannaanka doorashada Soomaaliya.'

 

Beesha Caalamka ayaa sheegtay inay lagama maarmaan tahay, iyadoo aan lagu sameyn wax carqalad dheeri ah in degdeg ah loo hirgaliyo heshiisyadii 17-kii September 2020 iyo 27-kii May 2021 oo ay sheegeen inay saldhig u yihin doorashooyinka.

 

"Kulan ay yeeshaan Golaha Wadatashiga Qaran sida ugu dhakhsiyaha, oo ay weheliyaan wadtashiyada kale ee dhexmaraya saamilleyda muhimka ah, ayaa si degdeg ah loogu baahan yahay si loo dardargeliyo loona hagaajiyo geedi socodka, doorashadana loogu soo gunaanado si degdeg ah oo lagu kalsoonaan karo, taasoo heli doonta kalsoonida dadka Soomaaliyeed" ayaa lagu soo gabagabeeyay bayaanka Beesha Caalamka.

 

War-murtiyeedkan waxaa si wadajir ah u soo saaray; Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), Belgium, Canada, Masar, Itoobiya, Midowga Yurub (EU), Finland, Faransiiska, Jarmalka, Urur-Goboleedka (IGAD), Ireland, Talyaaniga, Japan, Kenya, Holand, Norway, Suudaan, Iswiidhan, Uganda, Boqortooyada Midowday ee Britain, Dowladda Maraykanka iyo Qaramada Midoobay.

 

VOA


Loading...
Loading...