Dowladda Soomaaliya oo soo saartay habraaca ka hortagga COVID-19

0
Tuesday December 28, 2021 - 08:39:38 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 758
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda Soomaaliya oo soo saartay habraaca ka hortagga COVID-19

    Sidaa awgeed, waxaa muhiim ah in la raaco dhammaan hab-raacyada

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sidaa awgeed, waxaa muhiim ah in la raaco dhammaan hab-raacyada


Wasaaradda Caafimaadka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo saartay hab-raac rasmiga ah ee ka hortagga iyo xakameynta Caabuqa COVID-19 (Omicron Variant) si bulshada looga badbaadiyo khatarta fayraska dilaaga ah.


Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Caafimaadka ayaa bulshada waxaa lagu faray inay qaataan Tallaabooyinka Caalamiga ah ee ka hortagga iyo xakameynta caabuqa COVID-19, kuwaas oo ay talinayso Wasaaradda Caafimaadka ee Soomaaliya.


” Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay si dhow ula socotaa xaaladda COVID-19, gaar
ahaan heerka uu marayo caabuqa wadanka gudihisa iyo dibaddaba. Habraacan cusub
wuxuu imaanayaa ayadoo ay sii kordhayso khatarta soo cusboonaatay ee COVID-19 ee ka
dhalatay nooc cusub ee loo yaqaan OMICRON.


Sidaa awgeed, waxaa muhiim ah in la raaco dhammaan hab-raacyada iyo hab-maamuuska
horseedikara ka hortagga iyo xakamaynta cudurka ayaa lagu yiri” Warka Wasaaradda.


Wasaaradda Caafimaadka

iyo Daryeelka Bulshada ayaa soo bandhigtay tallaabooyin si loo dhimo faafidda mawjaddaan cusub ee COVID-19 (OMICRON) guud ahaan dalka.


” Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyadoo tixgelinaysa xaaladda ka soo cusboonaatay dunida ee la xirirta mowjadda cusub ee COVID-19 ee OMICRON, waxay faraysaa dadweynaha guud ahaan inay u hoggaansamaan xeerarka iyo hab-raacyada soo socda:


1. inay Ka fogaadaan dhammaan meelaha dadku isugu yimaadaan, sida garoomada
ciyaaraha isboortiga, bannaanbaxyada dadweynaha, aroosyada iyo dhacdooyinka la
midka ah, haddii aysan ahayn mid aad muhiim u ah. Haddii kulan noocaas ahi
dhacayana, dhammaan tallaabooyinka ka hortagga COVID-19 ee lagama maarmaanka ah iyo borotokoollada waa in la raaco.


2. Dhaqdhaqaaqa gaadidka dadweynaha waa la oggol yahay, rakaabkana waxaa laga
rabaa inay u hoggaansamaan kala fogaanshaha bulshada iyo xirashada af-xirka.


3. Waa in dadweynuhu xirtaan af-xirka ayna dhawraan kala fogaanshaha ee dhammaan
goobaha ay bulshadu ku kulanto sida suuqyada, masaajiddada, makhaayadaha, hoteellada, munaasabadaha iyo meelaha kale ee la midka ah.


4. Shaqaalaha Dawladda ee aan muhiimka ahayn iyo kuwa hay’adaha gaarka loo leeyahay in ay guriga ku nagaadaan muddo laba toddobaad ah laga bilaabo 28/12/2021 ilaa 15/01/2022. Shaqaalaha daruuriga ahna inta ay shaqada ku jiraan. waa inay raacaan awaamirta joogtada ah ee gacmo-dhaqidda, kala fogaanshaha, iyo

xirashada af-xirka.

5. Dhammaan shaqaalaha Dawladdu waa inay raacaan habraaca ka hortagida CcovID-19
waana inay qaataan tallaallada CovID-19. Kuwa isku arka calaamadaha hargabka u
eg waa inaysan shaqada imaan ilaa inta ay ka keenayaan cadayn in fayruska COVID
19 uusan jirkooda ku jirin. Waxaana lagula talinayaa inuu Dhakhtar la xiriiro.


6. Dhammaan hay’adaha sida gaarka ah loo leeyahay waxaa looga baahan yahay inay
tallaalaan shaqaalahooda oo ay raacaan habraaca Covid-19 oo ay dhimaan shaqaalaha marka laga reebo kuwa lagama maanka ah, inta kale ka soo shaqeeyaan guriga.


7. Dhammaan xafisyada iyo meheradaha gaarka loo leeyahay (Bangiyada, Dukaamada,
Suugyada, goobaha jirdhiska, Hoteelada iyo dhammaan goobaha kale ee bulshadu isugu timaado) waa in ay raacaan tallaabooyinka ka hortagga iyo xakamaynta caabuqa, sidaas awgeed, ay hubiyaan in goobta shaqadu leedahay meel lagu faraxasho iyo inay yaallaan af-xirka si shaqaaluhu u helaan Af-xirka inta shaqada ay ku jiraan, iyo in la kala fogaado ugu yaraan 1 mitir midba midka kale.


8. Tirada ugu badan ee dadka ka qayb galaya aaska iyo Tacsiyada waa in aanay dhaafin
15 qof markiiba, waana in la ilaaliyaa dhammaan ka hortagga iyo xakamaynta caabuqa cOVID-19 sida kala fogaanshaha, xirashada af-xirka, iyo nadaafadda gacmaha.


9. Wasaaradda caafimaadka waxay ballaarin doontaa xarumaha iyo adeegyada baaritaanka COVID-19, sida wacyigelinta iyo raadraaca dadka halista ugu jira inay qaadaan cudurka COVID-19.


Habraaca covid-19 ee dadka safarka ah ee Soomaaliya:


1. Dhammaan dadka safarka ah ee dalka ka dhoofaya waa in ay haystaan shahaado sax
ah oo COVID-19 ee PCR negative ah oo wadata QR Code (koodka jawaabta degdega ah)oo ka soo baxday adeeg bixiye ay Wasaaradda Caafimaadku u idmatay. Taariikhda baaristu waa inay ahaataa 72 saacadood gudahood ka hor inta aysan imaan meelaha safarkoodu ku egyahay.


2. Hawl-wadeennada diyaaraduhu waa in aanay u ogolaan rakaab aan haysan shahaado cadaynaysa in caabuqa COVID-19 Jirkooda ku Jirin (Negative PCR) fuulaan diyaaradda. Haddii ay dhacdo in rakaab aan wadan cadayntaas soo raaco diyaaradda, shirkaddu waxay bixinaysaa kharashyada la xiriira karantilka iyo baaritaannada PCR ee rakaabka.


3. Dhammaan dadka safarka ah waa in ay u hoggaansamaan tallaabooyinka ka hortagga
iyo xakamaynta COVID-19 oo ay xirtaan af-xirka mar kasta siiba inta ay ku jiraan dhismaha garoonka iyo gudaha diyaaradda.


4. Dhammaan rakaabka la socda duullimaadyada caalamiga ah waxa laga baari doona calamadaha COVID-19, cidii laga helo mid ka mid ah calamadahaas waxa la marsiin doona baaritaan dheeraad ah ayagoo lagu karantili doono hoteel ay ayagu kharashkooda iska bixinayaan hadi laga helo COVID-19.


5. Dhammaan wareegyada AMISOM iyo Unugga llaalada Qaramada Midoobay ee Muqdisho waa inay u hoggaansamaan hab-raacyada Qorshaha Wareegga ee COVID-19 REF: NV/2020/065, si looga hortago fiditaanka COVID-19 Ioona yareeyo isu socodka gaadiidka gudaha Aden Abdulle International Airport (AAIA). Isla habraacaas oo kale waa in ay raacaan howlgallada kale ee militariga shisheeye ee loo igmaday in ay tababaraan Ciidamada Ammaanka Soomaaliya.


Dhammaan hay’adaha dawladda ee ka shaqeeya garoommada diyaaradaha waa inay iska kaashadaan sidii loo abuuri lahaa jawi aan lahayn COVID-19 ah oo la siiyo dhammaan tilmaamaha
lagama maarmaanka u ah dadka ka soo degaya ama ka dhoofaya Garoonka Muqdisho.


6. Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Dowladda Federaalka waxay ka
codsaneysaa dhammaan duulimaadyada imaanaya Soomaaliya ee ay ka mid yihiin
UNHAS, UNSOS iyo EU in ay u soo gudbiyaan warqaddooda duullimaadyada xafiisyada maamulka caafimaadka garoonka ka hor inta aysan soo degin diyaaradda.


7. Musaafir aan xiran karin Af-Xirka waa inuu la yimaadaa warqad Takhtar oo caddeynaysa Xaaladiisa/xaaladeeda ama sababta uusan/aysan u xiran karin inta uu dhoofin ka hor.


8. Carruurta da’doodu tahay 5 sano ama ka yar iyo kuwa naafada ah oo ay dhib ku tahay in laga baaro COVID-19 uma baahna Shahaadada Baaritaanka COVID-19 PCR ama af- xirka.
Loading...
Loading...