Wadnihii Lumay. Sheeko gaaban

0
Thursday May 23, 2019 - 13:41:08 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 2229
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wadnihii Lumay. Sheeko gaaban

    Maanta waa maalin ka duwan maalmahaan adduunka ku noolaa.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maanta waa maalin ka duwan maalmahaan adduunka ku noolaa.

Waa maalintaan ka baxay gashaantinimo ee noqday Marwo. Waa maalintay reerkagu i siiyeen wiilkaan ku riyoon jiray. Inantu waxay ugu farxad badan tahay markan oo kale. Waxa taas ka sii farxad badan marka loo guuriyo ninka ay jeceshahay. Haa isaga waan jeclaa himiladayada ugu waynina waxay ahayd inaan helo. Inaan isaga helaa waxay iila mid ahayd iyadoo la i siiyey Janno adduun! La haasaaway oo helay isaga.



Waxan ahaa ardayad hadda uun gashay fasalkeeda labaad ee dugsiga sare. Waxan ku riyoon jiray mar uun in aan guursado nin i jecel oo i koolkooliya sidaan u jecelahay inaan isagana sidaa ka yeelo. Nin igu kalsoon oon kadeednna ka samaysnayn. Jacaylka uu reerkooda u qabana mid la mid ah u qaba reerkayaga. Ka hor guurkaya dad aan hore isku aqoon ayaanu ahayn. Wuxu ka mid ahaa dadka qurbe joogta, halkaasna wuu ku dhashay. Shan gu’ wuu iga waynaa.


Barashayadayadu waxay ka bilaabmatay, xagga baraha bulshadu ku xidhiidho. Hadduu socday xidhiidhkayagu muddo sannad ah wuxuu ii soo bandhigay guur iyo in aanu noqonno qoys ballaadhan. Waxan la tashaday hooyaday, waayo? Waa qofka keliya een kala sheekaysto arrimahayga gaarka ii ah. Waxay inbadan igu celcelisay, "Ninka ma iska hubtaa oo ma yahay nin masuul ah?” "Haa…Haa. ” Ayaan ugu werceliyaa waydiinkasta oo ay i waydiiso. Waayo? Ma rabo in aan waayo maadaama aan jeclaaday isaguna i jecelyahay! Wannaag oo dhan ayuu i tusay, waxan is odhan jiray, " Laylatul Khadrigan laguu soo diray muxuu ahaa wannaagsanaa!


Waxay hooyo u bandhigtay arrinka guurkayga aabbo. Aabbo kumuu degdegin aqbalidda guurkayaga waayo? Waxan ahaa guridanbays weligeedba’ la koolkoolin jiray oon kaddeed iyo kufitaantoona arag da’ahaanna yar balse daryeeli karta gurigeeda. Aabbo wuxu ugu werceliyey hooyo,” Waanu kulmi doonaa isaga, anigaana idinku soo wercelin doona.” Saddex maalmood kadib ayey hawada ku kulmeen, bariido diirran kadib waxay isla afgarteen inuu dalka yimaaddo oo uu ii soo geedfadhiisto. Bil kadib ayuu yimi waxa la galay qaban qaabada guurkagaya, farxad iyo badhaadhe la igu sii’ duco la noo huwi. Gacal iyo xigtaba lagu farax guurkayaga. Waa gabadh iyo caadadeed. Waxan noqday marwo u roon oo koolkoolisa jecel inta ay gabadhi ninkeeda jeceshay daryeesha oo weliba daadihisa sida sabi dhashay kalhore. Waxanu deggenayn dalka hooyo sannad buuxa.


Alle wuxu na kala siiyey wiil. Aad buu u jeclaa wiilkiisa, reerkayaga iyo anigana sidoo kale. Waxa dhammaaday intii uu soo qaatay fasaxa oo ay ku eekayd sannadkaas dhammastiran wuu noqday oo dalkii uu ka yimi ayuu ku noqday. Xidhiidhkiisu ma badnayn maalinba maalinta ka danbaysa ayuu sii yaraanayey, waxa haleelay ayaan garanwaayey! Waxan isku maaweelin jiray, iska daa’ shaqadaa ku badanne wuu idinla soo hadli doonaaye. Balse way ka sii dartay. Maalintii uu tagayey aabbo wuxu u sheegay lix billood ka dib in uu kaxaysanayo reerkiisa oo ay ku noolaan doonaan dalka dibaddiisa.


Xidhiidh xumadiisa markii aan ka yaabay ayaan aabbo u sheegay, aabbo wuu la xidhiidhay balse wax dhib ah umuu sheegin . Saddex billood hadday ka soo wareegtay xidhiidh la’aantiisa, wax biil ah kamaanan helin. Aabbo ayaa markasta naga warhayn jiray oo biil iyo baro aanu seexanaba na siin jiray !


Arrintiisu way ka soo rayn wayday, wax isbeddel ahna ma yeelato. Maalin maalmaha ka mid ah ayey ila soo xidhiidhay gabadh aanu saaxiib nahay, barriiddo diirran kadib waxay i tidhi,” Naayahe hoogto miyaad ogtahay in uu ninkaagii guursaday oo xalay oo dhan loo ciyaarayey?” Anfariir iyo afkalaqaad ayaa igu dhacay. "Yaa…YaaYaa, guur aa’” Ayaan ku celceliyey ilayn dhulku kula go’o. Alleenkii aan gacanta aan ku hayey ayaa iga dhacay. Qaylo ayaan miciinsaday sidii geeri la ii soo sheegay.Xaafaddii oo dhanbaa igu soo ururtay. "Naa maxaa dhacay? Bisinka.” Ayey hooyo i tidhi


Aabbo oo markaa yara jiifsaday ayaa isna soo boodday. Hablo aanu walaalo nahay iyo inamadayadiiba way igu soo urureen. Way ii dajiyeen. Waxay ii sheegeen in aanay wax dhibaato ah aanay jirin. Aabbo waxa ii sheegay in aanu ninkani marka horeba dan iyo muraad iga lahayn, waayo hadduu iga leeyahay wuu iga warhayn lahaa, wiilkiisa yarna wuu daryeeli lahaa. Macag u yaal ayuu ahaa. Goordanbe hadday noqotay ayuu aabbo yidhi, "Anigaa berri la xidhiidhi doonaa ee aabbo iska seexo.” Ma hurdaa ii imanaysa? Ilmo ayaa indhahayga sida togga uga soo dareerta mana garanayo si aan u joojiyo.


Arroornimadii hadday gaadhay aabbo wuu la hadlay. Wuxu u sheegay in arrinkani jiro afgobaadsi ayuu ka dhigtay reerkayga waan ogaanayaa waan jeclahay waan ka warhaynayaa. Aabbo muu sii dhagaysan, "Berri yaanan kaa waayin warqaddeeda iyo inaad u soo dirto” ayuu ku yidhi. Ninkanoow waxaad ahaydba mid beryahaaba doonayey in uu i furo diyaarna la ahaa warqaddayda. "Haye haddaad sidaa go’aansatay anigaa u soo diraya” Ayuu ugu werceliyey. Ismuu dhibin danna kama galin!


Toddoba maalmood hadday ka soo wareegtay ayuu ii soo diray warqaddaydii. Dhib ma laha balse waxay ii tahay waayo aragnimo iyo in aan ka fiirsado guur danbe. Waan la hadlay waxaanan u sheegay in aanu wax dhib ah igu samayn balse aan ka bartay waayo aragnimo badan iyo in aan ka fiirsado guur danbe.


Waxan dib ugu noqday waxabarashadaydii dugsigii sare anigoo hooyo ah. Aad baan u jeclaa waxbarashada mana doonayn in aan ka hadho qayrkay. Qoyskaygii oo dhanni way i barbar istaageen hiil iyo hooba way ila garab istaageen. Markaan waxbarshadayda ku maqanahay hooyaday ayaa ii hayn jirtay ilmahayga.


Waxa ka soo wareegtay 2 sano muddadii aan ku jiray dugsiga sare maantaba waan dhammeeyey farxad iyo damaashaad ayaan cirkaa marayaa. Isla markiiba aabbo waxa uu igu daray mid ka mid ah Jaamacadaha dalka waan bilaabay 4 sano ka dib waxan noqday qof aqoon Jaamacaddeed leh. Reerkayagu aad bay iigu han waynaayeen. Aabbo shirkad uu lahaa ayaan xisaabiye ka noqday. Galinka hore ayaan shaqada tagaa ka danbana wiilkaga ayaan daryeelaa.


1 sano ka dib markaan noqday gabadh isku filan, ayuu maalin aabbo ii soo bandhigay wiil ka mid ah maamulayaasha shirkaddiisa in aanu is guursanno. Han ka soo fikiro ayaan ugu werceliyey. Hooyo ayaan la tashaday. Hooyo waxay tidhi ninkii hore adigaa doortay balse ninkan aabbo ayaa kuu dooray inantadiiyeey wax dhib ah ma filayo in aad kala kulmi doontid. Waayahay ayaan ugu werceliyey. Aabbo, ninkii wuu nasku kaayo xidhay. Waanu isafgaranay. Muddo bil gudaheedna waxan noqday marwadiisa. Wiilkaygii aabbo ayuu u noqday waxan noqday marwo uu jecelyahay isna jecel.


Waa run wadnahagii hore wuu lumay mana soo noqonayo balse waxan yeeshay wadne cusub oo ku baxay nolol cusub, warraabkiisuna yahay isku kalsoonaan, daacad, wadajir, iyo jacayl.


Maan inkaarin ninkaygii hore balse waan ka murugooday dhibta uu igu sameeyey, waxan maqlay in ay gabadhiisii kala tageen oo aanu reer iyo rugtoona haysan!


Dhammaad


Fiiro gaara:Sheekadani maaha mid aniga igu dhacday ka Faadumo ahaan, balse waa mid ka mid ah sheekooyinka dalkeenna ka dhaca.

W.Q : Faadumo Buuni

Hargeysa, Somaliland

[email protected]


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...