"Farmajow hadad go'aansatay, 'cidna iga danbayn mayso, oo waan burburinayaa' kuu suurogali mayso" Muuse Biixi Cabdi.

0
Monday December 27, 2021 - 18:11:54 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 1908
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    "Farmajow hadad go'aansatay, 'cidna iga danbayn mayso, oo waan burburinayaa' kuu suurogali mayso" Muuse Biixi Cabdi.

    Madaxweynaha ayaa sheegay in dhaawacyadii qalalaasihii

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha ayaa sheegay in dhaawacyadii qalalaasihii



Madaxweynaha Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillahi Farmaajo ku eedeeyay, in uu qorshaystay in uu Soomaaliya burburiyo, waxa kale, oo uu ku eedeeyay in uu ka danbeeyay qalalaasihii Boosaaso ka dhacay.


Madaxweynaha ayaa sheegay in madaxweyne Farmaajo aanu waxba ka baran wakhtigii ay ciidamadu soogaleen Muqdisho jahawareer siyaasadeed awgii, isla markaana imika ay raysal wasaarihii madaxa iskula jiraan.



Madaxwene Muuse Biixi Cabdi, waxaa uu yidhi isaga oo arrimahaasi ka hadlaya.”Ninka Xamar ka taliya ee muddo dhaafka ku jooga, iyo raysal wasaarihiisii waxay isku khilaafeen maamulkii, bishii April ee sannadkan ciidamo ayaa weeraray oo madaxtooyadii weerar ku qaaday oo isku wareejiyay, waxay ila tahay madaxweynaha Xamar jooga kuma waantoobo wixii Xamar ka dhacay maantana car iyo car ayay tagantahay”


Madaxweynaha ayaa sheegay in dhaawacyadii qalalaasihii Boosaaso lasoo gaadhsiiyay cisbitaalada Hargaysa, isagoo Farmaajo ku eedeeyay masuuliyada dhibaatadaa.


Waxaanu yidhi.”Dabkii uu ka shiday Boosaaso madaxweynaha Xamar joogaa dhibtiisii Hargaysa ayay soo gaadhay, 4 shicibkii Boosaaso kamid ah ayaa maanta yaala cisbitaalada Hargaysa, qaxoonti tobanaan kun ah oo soo qaxay ayaa gobolka Sanaag ku sugan”


Madaxweynaha Somaliland ayaa sheegay in madaxweyne Farmaajo uu doonayo in aan ciddi ka danbayn "Haddii aad damacday ‘cidna iga danbayn mayso oo meesha waan burburinayaa’, kuu suurtogali mayso, waxan ku talin lahaa Muqdisho dadka joogaa in ay ka tashadaan siday dhibta uga bixi lahaayen, wayo anagana way nasoo gaadhaysa”.

Loading...
Loading...