Xisbiga UCID Oo Xukuumadda Ku Eedeeyay Inay Faro-gelin Ku Hayso Golaha Wakiillada

0
Monday December 27, 2021 - 16:39:56 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 644
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xisbiga UCID Oo Xukuumadda Ku Eedeeyay Inay Faro-gelin Ku Hayso Golaha Wakiillada

    "Xukuumaddu waxay ridday xukun, arrintaasina waxaanu aragnaa arrin khalad weyn"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Xukuumaddu waxay ridday xukun, arrintaasina waxaanu aragnaa arrin khalad weyn"

Hargeysa (HWN) – Xoghayaha guud ee Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Sheekh Ibraahim Cabdi Xuseen, ayaa Xukuumadda ku eedeeyay inay faro-gelin ku hayso Golaha Wakiillada, sidaasi darteedna loo baahan yahay in Xukuumaddu arrintaa ka waantowdo.

 

Xoghayaha guud ee xisbiga UCID wuxuu ka hadlay oo kale Mawqifka xisbigooda ee la xidhiidha Xeerka uu Madaxweynuhu ku celiyey, waxaanu sheegay inay waafaqsan yihiin qoraalkii uu Madaxweynuhu ku lifaaqay Xeerka uu soo celiyey, kaasi oo ku talinayey in wax laga beddelo qodobbo Xeerka ka mid ah, waxaanu yidhi "Mawqifka Xisbiga UCID ee Arrinta imika taagani waxa weeyaan oo uu taabacsan yahay Warqaddii quruxda badnayd ee uu Madaxweynuhu Golaha ku soo celiyey ee Dadka iyo dalkaba u danta ahayd.”

 

Xoghayaha guud ee Xisbiga UCID waxa kale oo uu sheegay "Golaha Wakiilladu waa Golaha Xeer-dejinta, Xeerkuna waa wixii Ummaddu ku dhaqmaysay marka lagu heshiiyo ee hawsha markaa taalla lagu dhaqan-gelinayo, sidaasi darteed Warqadda uu Madaxweynuhu soo celiyey waxay hor-taallaa oo lagu ogaa Golaha Wakiillada, markaa waa in arrintaa Golaha Wakiillada faraha looga qaado oo ay ka gutaan Waajibaadkooda sharci.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray "Xukuumaddu waxay ridday xukun, arrintaasina waxaanu aragnaa arrin khalad weyn, markaa waxaanu leenahay Xukuumaddu Faro-gelinta ha kaga deyso Golaha Wakiillada..”


Loading...
Loading...