DEG DEG Fadhigii Golaha Wakiillada Somaliland oo la hor-geeyey odoroska Miisaaniyadda 2022-ka.

0
Monday December 27, 2021 - 16:15:54 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 862
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    DEG DEG Fadhigii Golaha Wakiillada Somaliland oo la hor-geeyey odoroska Miisaaniyadda 2022-ka.

    Mudaneyaasha Golaha Wakiillada oo odoroskan Miisaaniyaddu noqonaya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mudaneyaasha Golaha Wakiillada oo odoroskan Miisaaniyaddu noqonaya
May be an image of 11 people, people standing and indoor



Fadhigan maanta ee Golaha Wakiillada oo uu Guddoominayey Guddoomiyaha golahaas Mudane Cabdirisaaq Khaliif Axmed, ayaa waxa Mudaneyaasha Golahaas ka hor akhriyey warbixinta guud ee odoroska Miisaaniyadda Wasiirka Wasaaradda horumarinta Maaliyadda Sacad Cali Shire, isaga oo si guud u dul maray waxyaabaha ay xambaarsan tahay Miisaaniyadda uu Golaha Horkeenay.

Wasiir Sacad Cali Shire, ayaa is dul taagay meelaha ay mudnaanta siiyeen iyo mashaariicda ku jirta Miisaaniyadda.

Mudaneyaasha Golaha Wakiillada oo odoroskan Miisaaniyaddu noqonaya tii u horreeysay ee la horkeeno, ayaa su'aallo gaadhaya 70 su'aalood ka weydiiyey Wasiirka Maaliyadda iyo masuuliyiinta Wasaaraddaasi ee la socotay Miisaaniyadda la horkeenay iyo qaabka ay u soo diyaariyeen.

Xildhibaannada, ayaa su'aalahooda ku qotomeen xaaladdaha kala duwan ee dalka iyo miisaaniyadda la horkeenay qaabka ay isu waafaqayaan, waxaanay qaarkood weydiiyeen deegaannada laga soo doortay duruufaha ka jira ee abaaruhu ka mid ka yihiin iyo sida aanay dhaqaale badani ugu jirin miisaaniyadda.
Loading...
Loading...