Nin Waalan Wax Maqal Ha Ka Sugin ( Abdi-Shotaly)!

0
Monday December 27, 2021 - 16:08:57 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 1102
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Nin Waalan Wax Maqal Ha Ka Sugin ( Abdi-Shotaly)!

    N.B Godob Sidaan Qabaan,Gama Diidayoo, Nabsi-gaan Godlaa I Guhaadiyee!

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

N.B Godob Sidaan Qabaan,Gama Diidayoo, Nabsi-gaan Godlaa I Guhaadiyee!


Hees ay qaadi jirtey Fanaanadda Shanka-roon, oo uu lahaa Maxamed Cali kaariye, baa waxa ereya-deedda ka mid ahaa Heesta, " Nabsi gaaxsan baa gondahay jaroo, meela gaadhi waa geedi-gaan raroo, godob sidaan qabaan, gama iidayoo, nabsi-gaan godlaa i guhaadiyee, cirkan gaaxsa-nina, way gaba-geboo,
Guri waaqla oo laga guurey baan, raad- goobayaa, caku goor dambee," Waa cayn-kaase, horey Somalidu u tidhi " Nin waalan wax maqal ha ka sugin" Askariggii loogu taag waayey, waar qun yar cagaha dhig, oo bil-basar u soco, haday khasab ku tahay in uu si wacan beerka dhulka ugu gurguurto, iyadda oo aan laga baryeyn,


ma u dhintay geeri iyo mag la'aan? Waxa maah-maah kale ahayd " Nin-ba Camal-kiis Caani-hiis Maal" Akhristaw waxan hadaba uga socdaa, qof walba wixii uu dhitaystay, buu gadaal ka dhadhamiyaa, iyadda oo aan laga abaasha-nayn, ee ay khasab ku tahay doorasho la'aani, xumaan iyo samaan kii ay ahayd-ba kaydkii u sii yaalay.


Horae baa somalidu u tidhi "Naf baxaysa lama joojin karo" sidaas awgeed askarigan waxa shidaysa tii ugu dambaysay, dabeed waa kaas isi soo qaawiyey, sidda uu sheegaayo cinwaanku, ma idinlka tahay,
Askarigan waalan baa wax maqlaaya, oo sharici iyo distoor ilaalinaaya? jawaatu adiga bay kuu taalaa.Yaan kugu badinin aaraar-tane, ku soo dhawaw nuxurkii maqaalkan. Murti baa waxay leedahay " Nin-ba tacabkii talooy kaa maal"

Waa maah-maah wax badan iftiimi-naysa, oo aan laaxin laga jarayn, maantana haysata askartii dalkii aan dib u xorey-sanay, ee aan qori caaradii ugu la soo noqonay, dagaalka ku bilaabay iyadda oo aanay sanad gaadhin, si aanu uba cago dhigan, ilaa iyo maalin-taasna, waxay wadeen is nacsiin, kala qoqob, isku dir,
foodda isu gelin ah beelaha Somaliland, colaad abuur, naxli iyo cuqdad kala qaad-siin, burburinta somaliland. La idiin sheegi maayo, wixii ay ku samayn jireen ama kula kici jireen afartii madax weyne, ee kala ahaa:-


(1) Abdirahman Ahmed Ali ( Ihun).
(2) Mohamed Haji Ibrahim Egal ( Ihun).
(3) Dahir Riyaale Kahin ( Illaah caafimaad, nabad gelyo iyo cimri dheer ha siiyee).
(4) Ahmed Mohamed Siilaanyo ( Rabbi caafimaad-kiisii dib ha ugu soo celiyo'e).


Muwaadin, waxay dalka ka dhigeen, ee ahaa bello, qas, rebshedo, kala eri, ee aynu ka degi weynay sodonka sano, ma cid aan iyaka ahayn baa waday? Miyuu daah kaa saaran yahay? Waa kuwaas ilaa imikadan inagu wadee? Ee ay raaf ka riixi waayeen madax-weyna-yaasha aan sare ku magacaabaye, ummad yahay cid-na kama qarsoona hadii aan la is yeel-yeelayn, oo aan indhaha la iska soo ridayn.

Distoorkii iyo sharciggii dabadda ka ruuray, ee mar ina leh Maxkamadda bay u taalaa, mar anaa saxeexay, mar xusbiyadu way furan yihiin, mar kale ku leh Bisha May ee 2922 bay furmayaan, saw jaho wareer maaha, imisa jeer buu kala hadlayaa,

saw waxa Murtidda cinwaanku sheegaayo oo aan biyo is marin, si cad uma arag-taan. Hadda waxa bilaabmay in shaqaalihii dawladda la eryo shaqaddii oo la yidhaaho waddani baad u heesteen, ama Facebooga baad soo dhoigteen sawiradda Madaxdda Mucaaridka,

ogaw oo haddii "Qudhmiye" ay u heesi lahaayeen, ama ay sawiradad askarta soo dhigi lahaayeen Facebooga waa la dalacsiin lahaaye, kuwaas baa ina hor taagan.


Ma jiro Xusbigii la odhan jirey "Kulmiye" ee wuxu dhalay mid la yidhaaho " Qudhmiye" Markii uu xanuun-saday rabbi caafimaad ha siiyee " Madax-weyne Siilaany, Ee ay ugu dhaceen shooladda labadda askari " Raggii ma adigaa ka hadhay iyo geenyo shaaximani" Baa ugu dambaysay magacii " Kulmiye, ka dib-na si toos ah waa kuwii uga dareeray raggii-ragga ahaa, oo ay ka mid ahaayeen:-


(a) Maxamed Biixi Yoonis, (b) Xirsi xaaji cali,(c) Abiib Tima-cad,(d) Ismaaciil Yare, (e) Abdirazaq Khaliif, ( f) Xuseen Ahmed Caydiid,(g) Maxamuud Xaashi, (h) Cali Gurey, (i) Qabyo-Tire, (j) Jaamac Shabeel, (k) Abdirahman Abdilqaadir (l) Axmed Muumin Seed iyo qaar kaloo badan.


Lama soo koobi karo dhamaan-tood, ee waxan idiin siiyey intan tusaale ahaan madaxdda ka ahaan jirtey. Ummad yahay waaggii berya-ba, haddii aad nooshahay, wacdaro cusub iyo wax aan loo fadhiyin baa ku soo mara'e, Intii hore-ba shaw waxay ahayd saleello. Waxa la yidhi " Caana-haan fiiqsi loo dhamin iyo hadal-kaan fiiro loo odhan, labdu-ba feedhaha bay wax yeelaane" baaqiggii hadhay, iyana haday ooda rogteen, oo lagu kala dareeray " Qudhmiye".


* N.B Godob Sidaan Qabaan,Gama Diidayoo, Nabsi-gaan Godlaa I Guhaadiyee!
Qore:- Abdi-Shotaly.
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...