Cidiyahawgu Xoqdeen, Dadka Meel Cuncunaysay, Ciyaalkii isdilaayey, Caalmkoyna Arkaaya, Citiraafna Aynu Sugayno, Ceeb Miyaanay Ahayn.

0
Sunday December 26, 2021 - 11:07:24 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 593
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Cidiyahawgu Xoqdeen, Dadka Meel Cuncunaysay, Ciyaalkii isdilaayey, Caalmkoyna Arkaaya, Citiraafna Aynu Sugayno, Ceeb Miyaanay Ahayn.

    W/Q: Ismail Abdillahi Handuleh.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Ismail Abdillahi Handuleh.

BISMILAAHI ALRAXMAAN ALRAXIIM,[A.S.C.W.R.W.B]

TU KHAAS AHNA BAHDA H/W IYO AKHRISTAYAASHA.

 

CIDIYAHAWGU XOQDEN,SHACABKA MEEL CUNCUNAYSO,

CIRKAY GAADHAY AMAANTAY,CAASHAQIINTU DIRAYSAY,

CIDBA QAARAAN OGAYNINA,CABSI BAY KU ABUURTAYO,

CABASHADOODU DAYAANTE,MUCAARIDKII CAMIRNAANA,

CAKIRANTO ISKU YAACDAYE,CAYNKEE LOO GELAYAA BAL,

CIYAAR QAAR TUMANAAYIYO,CADHO QAAR LA HAGOOGAN,

CAADILKAA WAX U QAYBINON,CIDNAW EEXANAHAYNINE,

CABSIDA ISKA ILAASHOO,CADAALADUUN KU DADAALA,

CEEYOON WAY ISKA HAGAAGI,CIDINAYANAY DARJIDHIN,

CITIRAAFKIBA MUSKA TAAGAN,CAADIL TIISU HA JOOGTE,

CAALMAKA KII XUKUMAAYA,CUDUD SOO DIRAY XOOG LEH,

CIILNA WAA WAXA KEENAY,CAALMKOOY INALA JOOGAY,

CIYAALKEENU MURMAAYAY,CEEB WEYN BAANAY AHAYD,

CISHOOYIN MAY YAR SUGAAN,CODWEYNU HANA DHAAFE,

CARUUR WEEYAAN TALADEED,CIDNABA AAN WARSANAYN,

CALAAMADSE WEEYE DIMUQRAADI,YAAN LA SOO CILINUN,

CIYAARA KALA SAAROO,CADHO YAAN LA ABUURINUUN,

CADAALADA INA DEEQDE,CIDKASTAAY OGOLAADOO,

CEEB KA DHAWRA DISTOORKO,CALFKIINA KA QAADA.

                   ISMAIL ABDILLAHI HANDULEH.
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...