Sida Dawlad Ku Burburto

0
Sunday December 26, 2021 - 11:04:36 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 808
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Sida Dawlad Ku Burburto

    W/Q: Ibrahim Hassan Gagale

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Ibrahim Hassan Gagale

Ma jiro qaran cirka ka yimid. Qaranku waa qabaa’ilka ama beelaha dalka oo isu taga kuna heshiiya dastuur si ay u samaystaan dawlad wada matasha una wada adeegta. Haddii hoggaanka dal ku kaco kelitalisnimo iyo dulmi, dastuurka ayaa burbura, midnimada ayaa dhaawacanta, qabaa’ilka ayaa is-diida oo kala jaba, nabadgelyada ayaa xumaata, iska horimaad ayaa dhaca, ciidamada ayaa kala jaba oo kala taageeraan qabaa’ilkooda, dabadeed waxaa dhaca dagaal sokeeye, sidaasna waxaa ku burbura qaranimada iyo dawladnimada.

 

 

Dalkasta hoggaankiisa ayaa ka mas’uul ah ilaalinta dastuurka iyo shuruucda dalka si ay u jirto qaranimada iyo dawladnimada. Kelitaliye Siyaad Barre ayaa ku hadaaqijiray: "Qabiil qaran lama dagaallamo.” Waxaa uu fahmikariwaayay in qaranku ka kooban qabaa’il oo haddii dulmi iyo kelitalisnimo lagu maamulo la kala tegayo oo la iska horimanayo, qaranimaduna ka baxayso meesha, taas oo uu indhihiisa ku arkay kuna jabay, dawladnimadiina ku burburtay. Dal waxaa dhisa ama burburiya madaxweynaha, marba sida uu u dhaqmo.

 

 

W/Q: Ibrahim Hassan Gagale

December 22, 2021


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...