Dhacdo Layaab Leh Sh.Cabdirashiid Cali Suufi

0
Sunday December 26, 2021 - 10:43:06 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1829
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dhacdo Layaab Leh Sh.Cabdirashiid Cali Suufi

    W/Q: Cabdi Muxumed

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Cabdi Muxumed

Waa 1988kii  waxaa si xooggan uga socda dhulkii markaa ahaa waqooyigga Soomaaliya haddana  ah Somaliland, dagaal xooggan oo ay foodda is dareen ciidamaddii SNM iyo kuwii xukuumaddii siyaad barre, kuwaasi oo kala lahaa laba ujeeddo oo ahaa in Siyaad Barre ay ka go’nayd inuu sii haysto xukunkii uu ku mamay kaasi oo uu horeba ugu caddeeyay 1979kii Axmed Faarax Cali (Idaajaa) oo uu kula kulmay qasriggii madaxtooyaddiisa ee wardhiiglay ku yaalay, kaasi oo u sheegay "inaanu kursiggaa xukunka ee soomaaliyi isku haysato inaanu sahal uga tagayn ee geeso dhiig leh looga qaado”. SNM waxa ay daba socotay dhinbiishii ay shiddeen Somaliland Scouts oo uu hor kacayay geesiggii alle ha u naxariistee Xasan Kayd Cabdille (Walanwal), kana mid ahaayeen Cabdillaahi Siciid Caabbi oo rabbi ha u naxariisto’e ahaa geesiggii ugu horeeyay ee dhiiggiisa u qubay soo celintii gobanimaddii loo lumiyay shan soomaaliyeed oo ah mid hal ku dheg uun ah laakiin aan riyadaasi run nqoon doonin waligeed, sida aan qabo caddaymo baddana aan u hayo ciddii doonaysana aan la wadaagi doono.

 

 

Waxaad mooddaa in la iska hilmaamy taariikhdda oo ahayd tii udub dhexaadka u ahayd soo celintii gobanimaddii luntay ee loo lumiyay magac soomaali wayn ee iska dhalanrrdka ah, iyo in la xuso oo la siiyo isaga iyo intii ay ka dhaba ahayd soo celinta gobanimaddaa luntay waa cabdillahi siciid caabbi oo December 1991kii  u dhintay iyadda darted oo cidna soo hadal qaadin mudaddaa dheer.

 

 

 

Waa 1988kii siddii aan uga dhigay gogoldhigga Maqaalka oo dhacdaddaa ka dhacday Muqdisho oo aan u soo taagnaa waa xaafadda Hodan khaasatan agagaarka is goyska Kaasabalbalaare oo uu ku yiil masjidkii waynaa ee sheekh cali suufi waa salad cishe, waxaana na tukiyay Sheekh Cabdirashiid Sheekh Cali Suufi oo masaajidka ka ahaa khadib, kaasi oo badalay aabbihii  ka dib gabowggiisii xilliggaa Sheekh Cali Suufi oo isaga oo talax gabay waxa lagu riixayay gaadhi gacmeed yar oo lahaa laba shaag,Cabdirashiid Sheekh Cali Suufi ayaa salaaddii ka dib u qalab qaatay in xam xam laga fidiyay isaga waa Sheekh Cabdirashiid laftiisa’e maalinimaddii jimce salaaddii jimce ka dib is baraxo isaga oo habbeenkaa salaadda cishe uu na tukinayo oo ah habeen Sabti soo galayso yidhi isagoo aad u cadhaysan  war beena ayaa layga faafiyay Salaaddii Jimce ee manta ka dib iyadoo la yidhi war been abuur ah oo aanan odhan kaasi oo ahaa in uu Sheekh Cabdirashiid yidhi ha lagu tukado salaatul jinaase nin ahaa Gaashaanle sare oo Hargaysa ay SNM, ku dishay kaasi oo ka soo jeedday Beesha Dhagaxbuur oo dabcan Cabdirashiid Sheekh Cali Suufina ka mid yahay Ardaayaddaa anigu oo ah qoraha Maqaalka kama mid ahayn dadkii ku tukaday salaadaa Jimce maalintaasi, waxaanan ku tukaday masjid ku yiil xaafadda Waaberi, ka dibna siddii ii caadadda ahayd waxaan ka qadeeyay maqaaxiddii Janaale oo kaga beegnayd dhinaca barri masjidkaa ku yiil Waaberi ee aan ku tukaday waxaanse cadhadda Sheekh Cabdirashiid ka ogaaday wixii ka dhacay masaajidka Sheekh Cali Suufi maalinimaddii Jimce, taasi oo intuu sheekhu kacay salaaddii cishe ka dib ku tiraabay hadalkan "dad ayaa maanta hadal aanan odhan iga faafiyay hadalkaas oo ah in nin gaashaanle sare ahaa oo ka soo jeedda Dhagax buur in dadkii ku tukaday masaajidka salaaddaa Jimce ka codsaday in salaatul jinaase qaayib ah lagu tukado ninkaas Gaashaanlaha sare ahaa oo Hargaysa lagu dilay ayna dileen SNM”, oo ay xukuumaddii Siyaad Barre isku horfadhiyeen goboladdii waqooyi ee hore Somaliland maanta waxa uu sheekhu si cadho leh u yidhi "iyaddoo mikirifoonaddii masaajidlka dibadda hadalka uga tuuri jiray oo dhan laga wada maqlayo in aanu hadlakaa odhan oo aanu nin sarkaal ah oo Hargaysa lagu dilay aanu ka codsan dadwaynihii in saaltul jinaase qaayiba lagu tukado, waxaanu intaa sii raaciyay haddii ciddi "xaq ku dagaalamayso inay SNM xaq ku dagaalamayso”, aad ayaan u naxay aniga oo ka mid ahaa dadkii habbeenkaa ku tukaday masaajidka kana maqlayay hadalka sheikh Cabdirashiid Agagarrka Isgoyska Kaasabalbalaare aniga oo u baqay in Sheekh Cabdirashiid la xidho ama hagardaamo kale loo gaysto, waxaanan ogaaday habeenkaa inuu sheekh cabdirashiid yahay nin calool adag waayo Siyaad Barre ma aqoon qabiil iyo kan ka daa haddiiba aad soo gasho xayndaabka xukuumaddiisa wax walba filo inay kugu dhacaan oo ma ahayn nin dhayal dhayal wax u dhaafa.

 

 

 

 

Waxba ma soo gaadhin Sheekh Cabdirashiid habeenkii iyo intii ka danbaysay walow aan ka soo baxay 1989kii Muqdisho, haddana ma maqal hagardaamo sheekha loo gaystay, Eebbena waa ka indho saabay Siyaad Barre iyo xukunkiisii, taasina waxay ahayd guul waayo? sheekhu waxa uu sheegay garta iyo xaqa ay lahaayeen dadka reer Somaliland ee u dagaalamayay inay soo ceshadaan gobanimaddii dhacantay ee la wandaafiyay, si kastaba ha ahaatee Abaal ayaan ugu hayaa sheekha inuu hiilkaa isla garab taagay ummadda reer Somaliland wakhtigaa adkaa.

 

 

 

Muddo 32 sanno ka dib waxa uu sheekhu ka sheekeeyay isagoo Hargaysa yimi kana soo kicitimay dalka Qatar oo uu dagan yahay uuna arkay isagoo ay la socdaan musheekh reer Qatar ahi suuqa Hargaysa oo uu wadhan yahay dahabku iyo lacagtu oo aanay ciddina boobayn oo xataa ay qireen in nabadda ka jirta somaliland aanay ka jirin Qatar taasina waa guul ay leeyihiin madaxwayne ciggaal iyo guurtiddii xulka ahayd ee barri ilaa galbeed u dhalatay ee reer Somaliland oo guntay in ay dadkoodda reer Somaliland u yagleeli karaan nabad buuxdda, iyaddoo aanay

fududayn in dal burburay nabaddiisa dib loo soo celin karo iyaddoo aanu dhaqaale buuranina jirin, waxaan intaa ku ladhi lahaa in dadwaynaha reer somaliland ay yihiin dad wanaagsan oo gob ah marka ay ka fayo qabaan qoryaqoryaynta kuwa siyaasiyiin isku sheegga ah, laakiin ah danaystayaasha ee doantooda ka raadiya inay iska horkeenaan iyaga.

 

 

Haddaba waa wax eebbe loogu mahadnaqo in sheekh cabdirashiid oo ka qayb galaya kulan balaadhan oo lagu qabtay hargaysa kana soo qayb galeen culimadda Somaliya iyo kuwa reer Somaliland, gabagabaddiisii uu ka duceeyo kuna amaano Somaliland waxa ay qabsatay ka dib madaxtooyadda somaliland oo kulankaasi markii uu dhamaaday halkaa lagu marti qaaday cullimaddii uu ka mid haa

isagoo aan jecelahay inaan Sheekha xusuusiyo inay halkaas uu kaga qayb galay shirkaa balaadhnaa ee cullimaddii Somaliland iyo Somaliyaba isku timi inay tahay halkii uu 32 sanno ka hor sheegay in dadkeeddu ay xaq ku dagaalamayeen, waana runoo waa ku soo booqday dadkii oo ka soo kabtay wixii gaadhay iyo burburkii soomaalidda taliyaaniggu gumaysan jiray ay u gaysteen kuna naaloonayaan

nabad aanay kuwii kale ee falkaa kula kacay haysan mar kale ayaanu Sheekh Cabdirashiid Sheekh Cali Suufi leenahay ku soo dhawow Hargaysa iyo guud ahaan Somaliland, hIilkaaggiina waa kuugu haynaa hiyigga hillmaami mayno geesimadaddii aad badhtamaha muqdisho kaga tiraabtay inay xaq ku dagaalameen waa run haddii aanay sidaa ahayn adiga iyo cullimaddii Somaliland Iyo Somaliya ugu caansanayd kulankaa kuma aydin qabateen mar kale soo dhawow geesi Sheekh Cabdirashiid Sheekh Cali Suufi Hargaysa iyo Somaliland oo ku jecel.

 

Maqaalka oo dib ugu dhacay arrimo Mashquul wax ay ahayd il daabaco bishii October, raalina waan ka galinayaa dadwaynaha Maqaalka akhrin doona.

 

[email protected]


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...