Muuqshabeel Ama Shabeel Adari

0
Sunday December 26, 2021 - 10:25:50 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 809
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muuqshabeel Ama Shabeel Adari

    W/Q: Dr.Ibraahin Dhuxul.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Dr.Ibraahin Dhuxul.

Bisadan waxaa magaceeda soomaali ahaan looyiqaanaa Muuqshabeel ama Shabeel Adari , sida ku xusan buugga lagu magacaabo Naasleyda Soomaalilaan ee uu qoray dhakhtarkii ama sarkaalkii dhul mareenka ahaa ee la odhan jiray: (Ralph evelyn drake-brockman), kaas oo ay dhalashadiisu ahayd ingiriis. Luuqadda ingiriisida waxaa looyiqaanna (Savannah Cat), waxayna asal ahaan kasoo jeedaa qaaradda afrika, waxayna kamid tahay qoyska bisaha iyo Naasleyda hilib cunka ah ee Afrika. Bisadani waxay ka timi kadib markii la isku talaalay laba nooc oo kamid ah bisadaha kunool qaaradda afrika, kuwaas oo kala ahaa mid duurjoog ah iyo dabjoog ah, sannadkii 1986-dii bishii afraad todobadeedii ayay ahayd. Waxayna sannadkii 2012-kii Ururka caalamiga ah ee bisadaha adduunku u aqoonsadeen inay kamid tahay noocyada bisadaha ee adduunka kunool ama farac madax banaan.



Cimriga bisadani waxa uu gaadhi karaa 12-20 sano , Culayskeeduna 5 - 11 kiiloo. Waxay leedahay 38 hiddo-side, Badanaa Sidkeedu waxa uu gaadh 65 ilaa 76 maalmood, taas oo ku qaangaadha 3 sano. Bisadani waxa ay leedahay 6 ilaa 8 naas. Waxay caan ku tahay bisadani inay dhammaan xubnaheeda jidhku ka dhaadheer yihiin kuwa caadiga ah ee bisadaha kale sida qoorta, dhegaha iyo lugaha. Dadka qaarkood waxay isku khaldaan bisadan iyo bisada kale oo looyiqaanno, bisad sabaada oo ka yar loona yiqaano luuqadda ingiriisida (Civet Cat). Bisadani waxay leedahay qiimo aad usareeya marka loo eego suuqyada caalamka waxayna ku jirtaa shanta bisadood ee adduunka, ugu qiimaha sareeya iyadoo qiimaheeda la kala siistaa uu udhaxeeyo 20 ilaa 50 kun oo doollar.


Mayeedhaan  Magazine.

[email protected].

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...