Mid ka mid ah Qudbadihii Xaaji Cabdi Waraabe. Qalinbarashadii: Muxyadin Yusuf Awrabaax

0
Thursday May 23, 2019 - 11:39:54 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1746
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mid ka mid ah Qudbadihii Xaaji Cabdi Waraabe. Qalinbarashadii: Muxyadin Yusuf Awrabaax

    Mid ka mid ah Qudbadihii Xaaji Cabdi Waraabe oo aan ka qoray canjalad nooca rikoodhada ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mid ka mid ah Qudbadihii Xaaji Cabdi Waraabe oo aan ka qoray canjalad nooca rikoodhada ah.
Ilaahaw u naxariiso dhidib iyo udub nabada ah buu noo ahaaye.

Cabdi-Waraabe Ilaahay ha u naxariisto wuxu yidhi

"Madaxwayne, ku xigeen, wasaaro, shicib, dhamaan waan salaaman tihiin. Suldaan cabdiraxam waa salaaman yahay, manta waa boqor caama maxaa yeelay wadadiisii baa xigaaladiisii soo martay. Reer Gabiley , waan salaaman yihiin. Dhalainyaradaa Gabiley iyo odayaasah ka soo shaqqqeye waa mahadsan-yihiin. Sida suldaanku u sheegay qofkii khayr bilaaba badhbuu leeyahay kii kalana lagama naaquso. Hadii magaca la sheegay , qolyihii Arab ee bilawday, badha bay leeyihiin wixii khayr ka dhasha. Hadii halkaa suldaan yara qalin-daaray , ee illaha maaliyada meel ka ma fadhiyaan, dee baaburkii baxaba haday baabuur daba eryaan wa aheli karayeen. Waa se ka xishoodeen. Wadooyinka lama kala laha, ee dagaal dhexdeena ah ayaa lagu kala xishooday. Wax badan baa Araba qalooc u horeeye, ee manta hadii uu samaiihii u horeeyey wixii samo ah ee la arko haloo badiyo. Madaxwayne, Yaan lagu xanaaaqin, Arab isaaq markay yidhaahdaan inta Awal in leeg baan doonaynaa ama Inta Garaxajis inleeg baaan doonaynaa, waar yaan lagu xanaaaqin ee ha la siiyo. Maanta marka sida ay doonayaan loo yeelo ayay ku hagaagaysaa ee Ha lo xussusnaado. Iyaguna wax ha-lay-siiyo ha yidhaahdeen oo ha iska daayeen inta reer hebel inleeg baan doonayaan, naaqis bay ku celisaaye. Kaftanakaasi halkuu suu maray. Halna waa suldaan cabdiraxamn… aad baad u shaqaysay. Gurigaagu saddexdaa sano wuu goglanaa oo Ilaahay hortii waad shaqaysay. Hadal adagana waa ku nidhi. Inanbaan ugu maahmaahay,



"Adhigii cararryeey” bay tidhi. Waraabaa dhababaceeyey.. "halkee kugu danbaysay?” baa layidhi , labidda ayey tidhi.… Waraabihii baa yidhi "ma anigaan wax roorayan? Ma labiddaan labaddii ahayn mise rubad go’daan run sheegayn.?” Waar suldaan cabdirxaman ma hadal uunbaad na maqishiinaysaa, ma adaan daacad ahaya, ma Jibriil Abokorbaa quful ah ee Maxay Gabiley kuu maqli waydo?. Xaq buu u leeyahay inuu ku yidhaa muxuu madaarku kuu maqli waayey. Waxanse rajaynayaa, toddow-gal baa jira. Araba waan ku canaananay maxaad hore inoogu dhiibteen?. Subeer awal lix meelood buu u fadhiyaa inaguna laba meelood ayeynu fadhinaaa. Hadii aynu isdilno biloo dusha laynaga qabasadaa?


Wali may soo gun gu’in… Maxame Ciise iyo Aaadan ciise, Abokor ciise, waa maqan yihiin. Suldaanow wali may soo gun gu’in. Zaylacna wali waa lagu maqan yiahay. waa bilawgii waxanu… Anaguna dagaalka isaaq waan ka danbaynaa, waxa dagaalkaygu saaran yahay nimanka daaroode , dagaalka waqooyi iyo xadhkaha hoose waa nalaga badiyaa. Waxanse kuugu mahad naqaynaa dhaliyaradaasi fadhato la’aanta ay samaysay , wanaaga ay ku dhiibeen, sida rag u gu-gujinayey ee ayu ragii xumaa u dhiibeen kuwaana in Alle tusaabaan ka rajaynaynaa. Fadhato la’aanta waxa iyaga ugu wacan boholahaa u buuxay. Bohoshooday hadhuudhka soo darsanayeen oo waxaan idinku caayeynay ayaa sharaf noqday. Beeralayda waa la caayi jiray, beeralydii ayaa masno noqotay. Dee anaga meesha oo loogu tago maahee ee taayiradaa u raashin ahaa. Qoryihii waan haynaa, dayuuradihii waan haynaa, dee meesha oo loogu tago maahee taayiradaa u raashin ahaa. Gacan bidixayn xaga dakada ahna waan tirsnaynay. Madaxwaynaha oo degdeg noogu sheegay oo hoosta wax ugu tuurayna waan sheegayeen. Halkaa waxa aan ka leeyahay mar hadii Subeer Awal soo tooso, Isaaq intiisa kale anaa uga damiina. Oo qalooca uga damiina. Madaxwaynow anaa kaaga damiina. Todobada kaleba anaa kuugu wakiila, ka bari iyo ka galbeedba.


Dhalinyarada yaanan ka boodin, ee dhalinyarta Subeer Awal waxan odhanayaa, waxa aan dadku qabin baad qabtaan, dekedii baad haysaan, tii Zaylac baad haysaan, tii jaadkaad haysaan, tii xilkaad haysaan, tii madaxwaynahaad haysaan, kuraasidii oo dhan baad haysaan, hadad maaanta is-gungudhisaan idinkaa ku dagan, Hadhuub madhan, hadhuub buuxa laguma dhufto. Maanta isdhaq-dhaqaajisku Subeer Awal, Abtiyaday waa gunimadooda. Anigana waa guul daraydda maxaa yeelay waa lay raaciyey. Mar hadii lay raaciyey, inay baydhaan oo cadaalad sameeyaan , oo iyagu is qadiyaan, oo daakhiligu cadaalada hoos ugu dago, oo boolisku hoos u dago, madaxwaynuhu hoos ugu dago, oo wax subeer awal ka qatan yahay reer burco iyo reer ceerigaabo la siiyo, oo reer Hargaisaha kale la soo dhaweeyo, oo iyagu dulqataan, oo idinku qadaan miyaanay dad ahayn.


"Aan mudnaado, maalkana aan dhaca, magacna yaan waayin, sidaa maxamed baa lagu arkay iyo midhaha guuleede” ayuu yidhi cabdigahayr. Madaxnimada iyo magacu meel ma wada fadhiistaan, cashaba halka madaxnimadu fadhidaa waa inay sadka u yaraysataaa. Dadkuna imika waa wada hunguri doon. Waar labada afmiishaar midka aan Awal ahayn ha la soo dhaweeyo. Labada odayaal (koofiyad bacle) ka aan AWAL ahayn ha la soo dhaweeyo, labada dayday ka aan awal ahayn ee hartiya, warsan galiya, ee Isaaqa kale ha la soo dhaweeyo, awardee halkaad joogtaan Subeer Awalow aad u maydaan fahmin. Waar hub aad keentaan la idinkama fadhiyo, waar idinkaa Na diraya. Ilbuxu waa idinka, maalku waa idinka, inkastoo maalka imika niman wacwacina gacanta ku hayo. Jabuuti markaan tagay bay u xurmneeyeeno, waa bakhayliin u celin mayo. Laakiin ragii maalka hayn jiray ee amaanta doonin jiray mahayaan, xooluhuna waxay ku wanaagsan yihiin Nin amaan doonaya. Walaahi madaxwaynuhuba manta waan qawadayaa raga manta maalka haya. Waa sacad muuse laakin sacad muusihii hayn jiray maaha. Reer Nuux Ismaacil maaha, reer yoonis nuux maaha, reer gadiid yoonis maaha, khaatub gadiid maaha, Ba Cayla maaha, waar miyeydaan xishoonayn. Waar xooluhu manta oo kale ayey wax taraane Jibriil Abokorow, ku qariyey, qariyey, hadana manta ku qariyo waan gunimadada. Waar jibril abokor laba sadex nin baa ku wehelliya- waa cabadala sacadow, midna waa bahgabo reer nuux ismaaciil bay la fadhiyi jireen. Aad bay u socdeen. Waar qufulka lacagta ka fura oo dawlada ku dhisa , dadka soo dhex gala oo amaanta doona aduunku waa dhamaanayaaaye. Suldaan cabdiraxamanow amaanta doona, cashaba xooluhu meel bay yaaliine. Intaas halkaasan ku dhaafay. Horta ninkii arabikhida inaga hor keenay jijiga ee magac lahaa kumuu ahaa? Xoogsadena waa ku jiraa. Xoogsade ha noolaado. Markii aynu qaxnay waa ninkii inaga hor keenay, markii aynu soo galnayna, Markabkii biimaha ahaa Ibraahim dheere yidhi madfaca ha lagu dhufto waa kii keenay. Faraska usha waxa loogu dhufanayaa ha kii sii badiyo. Meel lagaga jeesto lama hayo. Halkaas waxa aan ka leeyaahay Sacad Muusow is-ilaaliya, rag yar yar oo fudfud ayaa talinaya.. ragii waawaynaa talin maaayo. Reer Ildab warsame cidi ka ma talinayso. Waar reer nuux ismaaciil talinayaa waa yar yahay. Waar taladu halkay iman jirtay uunbay imane, Aabay lahayde, aabeheedii siduu lacagta u bixin jireen ha loo bixiyo.

Ma dhamaystirna ee labad khubadood oo waxa aan ka qoray cod canjalad ku duuban.

Qalinbarashadii: Muxyadin Yusuf Awrabaax

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...