Maamuus kaddib, ku soo dhawaada sheeko kale oo ka mid ah sheekooyinkeennii, Ila Qosol.

0
Sunday December 26, 2021 - 09:38:55 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 1112
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maamuus kaddib, ku soo dhawaada sheeko kale oo ka mid ah sheekooyinkeennii, Ila Qosol.

    Nabad iyo caano akhristayaal.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Nabad iyo caano akhristayaal.






Berigii uu dhacay dagaalkii 1988ka ee laga qaxay dhulka Somaliland, ayay dadkii qaxay degeen; xeryo qaxooti oo ku yaalley Itoobiya - gaar ahaan Kililka shanaad.


Dadka qaxay waxay u badnaayeen dadkii ku noolaa magaalooyinka waaweyn oo aanay qaarkood weligood arag miyi iyo daranyo toona!

Inkasta oo guud ahaan dhibaatooyin badani dadkaasi qabsadeen, haddana waxa ugu sii darnaa ubadka yaryar oo daranyadii qaxootinimada u adkaysan kari waayey.

Haddaba dhibaatada iyo rafaadka ugu badani, waxay dadkii sii naafeeyeen intii la sii qaxayey oo ay dadka isugu darsameen: cabsi, daal, gaajo, harraad iyo wax la'aani -tu hooy iyo tu hunguriba!

Sida la sheegay, maalin ka mid ahayd maalmahaasi adag; ayaa qoys qaxayey oo watey carruur yaryar oo aan waligood arag miyi iyo macaluul toona, ayaa martiyey reer reer miyi ah oo meel degganaa.

Qolyihii reer miyiga ahaa ee la soo martiyey, ayaa qolyihii qaxayey, qarmac u kariyey. Markii yaryarkii qarmacdii la soo hordhigay; ayuu midkood u qaatay qarmacdii, kiniin huruud (jaalle) ah!

Fariid buu ahaaye, intii aanu fandhaalka u qaadan, ayuu aabbihii weydiiyey; su'aal cajiib ah oo uu ku yidhi," Aabbo, kiniinkan huruudda ah imisaan ka liqaa?"

Aabbihii oo yaabban, ayaa ugu jawaabey, " Aabbo wada liq!" Yarkii oo ka yaaban jawaabta aabbihii siiyey, ayaa aabbihii ugu jawaabey, " Haddaan wada liqo sow ku dhiman maayo - miyaanad igu odhan kiniinka xabbad wixii ka badan waa lagu dhintaa ee ha liqin!!"

Aabbihii oo talo ku caddaatay oo ka werweray dhibaatada ka horraysa iyo reermagaalnimada carruurtiisa, ayaa ugu jawaabey, " Aabbo kan miyi laguma dhintee wada liq!!"


Fiiro gaar ah: Ereyga qarmac, haddii aynnu u jilcinno qofkii aan garanaynin; waa arabikhida (galleyda) oo engegtey oo sideeda ah marka la karsado.


Waar inankaa iyo aabbihii maxaa kala qabsaday!


Cabdullaahi Maxamed Cumar

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...