Togdheer iyo Ummadeedu arimaha Siyaasadeed ee Hargeysa laga soo xawilayo sinaba u aqbali-mayso"

0
Sunday December 26, 2021 - 09:27:09 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 1131
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Togdheer iyo Ummadeedu arimaha Siyaasadeed ee Hargeysa laga soo xawilayo sinaba u aqbali-mayso"

    Si kasta ahaate ahaate Xubnaha Golaha Degaanka Degmad Burco

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Si kasta ahaate ahaate Xubnaha Golaha Degaanka Degmad Burco


Gobolka Togdheer iyo ummaddeedu uma baahna khilaaf iyo is qab qabsi, aan waxba ugu jilayn . Waxa deeqa ummadda Gobolka Togdheer waa Xubnaha Golaha degaanku inay noqdaan kuwii ay balan-qaadeen inay noqonayaan . Sidda oo kale inay gawaan- raacan ma ah Doodaha sharciga iyo qaybuunka ah ee Golaha,Wakiillad ka jira iminka Maxkamadda u galay .


 Arimaha Siyaasigga ee Hargeysa ka jira in markiiba Togdheer loo soo xawilo waa ayaan darro ayaa la odhan karra. Waxii Xubnaha Golaha Degaanda Degmad Burco dhexdooda ah inay si waafaqsan xeerarka ay u mareeyan ayaa haboon ee ma wanagsan inay markiiba warbaahinta isla soo tagaan halkaan kala aragti-duwaanshoohood iyo doodahood ay gaadhsiyaan meel aanay mudneyn inay gaadhan . 

Si kasta ahaate ahaate Xubnaha Golaha Degaanka Degmad Burco , waxa ummadu Gobolka Togdheer ka doonaysa , ka filanaysay , kartiddii aqoontii , waayo-aragnimadii iyo mamul yaqaanimadii ay sheegateen inay wax kasto la soo gudboonaad aad kagaga gudbaan ,balse ma ah waxay ,Maanta ay la soo shir-tagteen in ka mid ah wax ummadda qancin karra haddii xita ay jirto arimaha aad ay tibaaxdeen.

Waxa la gudboon Xubnaha iyagga ah ku dhamaan eedaha iyo tagri-falkaa ay sheegeen iyagoo aan Warbaahinta la hadal inay u gudbisaan ayey aheyd Haya,daha iyo lamaha dawlad ee ku shaqadda leh . Qaabka deg deg iyo hufanan la la,anta aha ayaa ba tilmamaya inay iyagga laftigood qaabka mamulka iyo hanankiisa waxba ugga baxsaneyn . 

Khiilaf hore ayaa degmooyinka kale ka jiray qaar ka mod ah welina waa jira si kasto in Golaha degaanka degmooyink ah ku dhaqaaqen talaabooyin haddanna waxba lagam qabban taa laftigeed inay dhuuxan ayey aheyd oo ka tusaale qaataan.

Waxa hadal ku dhan yahay Togdheer iyo ummadeed arimaha siyaasiga ah e Hargeysa ka jira si kasto laysugu day in Degmad burco loo soo xawilo u aqbalimayaan , Togdheer iyo ummadeed Midnimada ,waxwada qabsiga iyo waddajir ayey ka xigataa kanna dugsnaysa wakhtigan isagga ah , kala aragtid-duwananta Xubaha Golah degaanku waxa dhamantood ku waajib ah wadda shaqayn , is qancin iyo u hgaansan ka hananka iyo Xerarka degmadda ee mamulkeed u gaar ah ku shaqeeyan .

Abokor Mohamud
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...