Xildhibaan Rambo oo soo Dhaweeyay Talaabada uu Qaaday Guddoomiyaha Golaha Wakiiladdu

0
Sunday December 26, 2021 - 08:30:11 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 1853
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xildhibaan Rambo oo soo Dhaweeyay Talaabada uu Qaaday Guddoomiyaha Golaha Wakiiladdu

    Maxkamadda Dastuuriga ahi, waa mid ka madax-banaan waaxyaha kale

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maxkamadda Dastuuriga ahi, waa mid ka madax-banaan waaxyaha kale


Xildhibaan Maxamed Rambo, oo ka mida mudanayaasha golaha wakiillada Somaliland, ayaa soo dhaweeyay tallaabada uu qaaday guddoomiyaha golaha wakiilladu, ee la xidhiidha furitanka fadhiga Maanta  haddii ILLAAHEY yidhaaho, waxaanu sheegay in uu qaaday tallaabo wanaagsan.



Xildhibaanku waxa uu sidan ku sheegay qoraal kooban oo uu bartiisa xidhiidhka bulshada ee Facebook soo dhigay waxaanu ku yidhi."Gudoomiyaha Golaha Wakiiiladu, waxa uu qaaday talaabo u wanaagsan hawlsami socodka shaqada Golaha iyo ilaalinta isku xukunka sharciga.


Maxkamadda Dastuuriga ahi, waa mid ka madax-banaan waaxyaha kale ee Qaranka islamarkaana waa dhexdhexaad.


Waxa dastuurka JSL uu awood buuxda u siiyay tafsiirka dastuurka iyo shuruucda. Go’aanka Maxkamaddu waa kama danbays sida ku cad xeerarka dalka.


In aynu dhamaanteen ka war sugno go’aankeedu waa arin dastuuri ah oo ku dhisan ilbaxnimada dawladeed.”
Loading...
Loading...