Mudane Golaha Guurtida ka Tirsan oo Xukuumadda Somaliland ka Codsaday in ay ku Taageerto Furitaanka Ururka USP

0
Sunday December 26, 2021 - 08:09:57 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 1162
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mudane Golaha Guurtida ka Tirsan oo Xukuumadda Somaliland ka Codsaday in ay ku Taageerto Furitaanka Ururka USP

    Waxaan soo jeedinlahaa in dawladdu nagu taageerto urur USP

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaan soo jeedinlahaa in dawladdu nagu taageerto urur USP



Xildhibaa Axmed Nuur Aw Cali Aadan, kana mida mudanayaasha golaha guurtida Somaliland, ayaa dawladda Somaliland ka codsaday in ay ka taageerto furitaanka urur siyaasadeedka USP, kaas oo uu sheegay in uu Ictiraafka Somaliland wax badan ka tari doono.


Sidoo kale xildhibaanku waxa uu soo jeediyay in aanay wax qurux badan ahayn in kaliya ay cid gaar ahi isku koobto ururada siyaasada ee dalka.

Xildhibaan Axmed Nuur Aw Cali Aadan isaga oo arrimahaasi ka hadlaya waxa uu yidhi."Ictiraafka waxaad mooda in hadda xagga Somaliland loo soo jeedo, balse hawl badan oo dalka gudihiisa ku xidhan ayaa dhiman, taasi oo ah in hore loo mariyo Dimuquraadiyada.

Waxaan soo jeedinlahaa in dawladdu nagu taageerto urur USP ah, kaas oo wax badan ka taraya Ictiraafkeena, waa in waliba beesha dhexe ku taageerta in urur la furo oo aanu guddoomiye ka noqo, wax badana ayay ka taraysa ictiraafka, haddii beesha dhexe isku koobto guddoomiyayaasha waxa ay ragaadinaysa ictiraafkeena,”

Hadalka mudanahan ayaa ku beegmaya xilli la isku maandhaafsan yahay suuragalnimada xeerka ururada ee Xeer No. 14.
Loading...
Loading...