Xukuumadda oo go'aamo ka soo saartay macdan qodista Faqa-ayuub iyo Shacbiga oo ayiday

0
Saturday December 25, 2021 - 14:30:56 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 1200
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Xukuumadda oo go'aamo ka soo saartay macdan qodista Faqa-ayuub iyo Shacbiga oo ayiday

    Wasiirka xidhiidhka goleyaasha iyo arrimaha dastuurka Maxamed Xaaji Aadan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka xidhiidhka goleyaasha iyo arrimaha dastuurka Maxamed Xaaji Aadan



Wasiirka wasaarada macdanta iyo tamarka JSL Md. Cabdulaahi Faarax Cabdi, wasiirka wasaaradda xidhiidhka goleyaasha iyo arrimaha Dastuurka JSL Maxamed Xaaji Aadam Cilmi iyo wasiirka cadaaladda Saleebaan Warsame Guuleed oo ay weheliyaan badhasaabka gobolka Togdheer Maxamed Cabdulaahi Nafaqo iyo Taliyaha qaybta Booliska gobolka Togdheer gaashaanle sare Maxamed Faarax Nuur, oo booqasho hawleed ku tegay Degmada Faqa-ayuub ee gobolka Togdheer, ayaa go’aamo ka soo saaray mashruuca macdan qodista ee ka socda degmadaasi, kaddib kulamo ay la yeesheen bulshada deegaanka oo lagu gaadhay heshiisyo la xidhiidha ka faa’idaysiga khayraadka.



Weftiga, ayaa sidoo kale kormeeray qaabka ay u socoto hawsha macdan qodistu, taasoo ay gacanta ku hayso shirkad Xukuumaddu u xilsaartay oo nidaam sharci ah ku heshay soo-saarida macdanta.


Xubnaha golaha Wasiirrada, Maamulka gobolka, Degmada iyo Shacbiga deegaanka ayaa isla qaatay fulinta go’aamada dawladdu ka soo saartay hirgelinta mashruucaasi, kaasoo qodobadiisa ay ugu muhiimsan yihiin in aanay deegaankaasi macdan ka qodan karin cid aan ahayn Shirkaddaha ruqsada ka qaatay wasaaradda tamarta iyo macdanta, cid kasta oo isku daydana talaabo laga qaadi doono.


"go’aamada soo baxay maaha waa go’aamo ka soo baxay dawladda labadeeddii dhinac oo ah gobolkii, degmadii iyo Xukuumaddiiba waanu isku dhanahay, ka wasaarad ahaana kaasaan u shaqaynaynaa, halkana taasuunbaa ka shaqaynaysa. qolo waliba shirkaddeedii haka shaqo gasho”ayuu yidhi Wasiirka tamarta iyo macdanta Md. Cabdilaahi Cabdi Faarax oo ka hadlay munaasibad lagu soo afjaray khilaaf muddo halkaa ka jiray.


Wasiirka xidhiidhka goleyaasha iyo arrimaha dastuurka Maxamed Xaaji Aadan, ayaa tilmaamay "cidii ku xad-gudubta waxaa aynu ku heshiinay talaabo ayaa laga qaadayaa. 25-ka bisha wixii ka dambeeya cid dhagax ka qodi karta buurta oo aan shirkaddo ahayni ma jiri karto”ayuu beyaamiyey Wasiir Aadan.


Md. Saleebaan Warsame Guuleed Wasiirka wasaaradda cadaaladda oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in gabi ahaanba la soo afjaray khilaafkii ka taagnaa qodista macdanta buurta Faqa-ayuub "waxaynu meel dhignay oo go’aansanay in khilaafkii buurtaa ka dhashay soo afjarno galabta wixii ka dambeeya iyo in meeshii laga shaqaysto oo si sharci ah oo nidaamsan looga shaqaysto”


nuxurka go’aamada laga soo saaray mashruucan, ayaa ku aroorra in hannaan sharci oo aan is dhex yaac iyo fawdo ahayn looga faa’idaysto khayraadka macdanta ah ee ku duugaan halkaasi.

Loading...
Loading...