Dawladda Hoose ee Salaxlay ayaa bilawday Diyaarinta qorshaha horumarinta Degmada shanta sano ee soo socota.

0
Saturday December 25, 2021 - 10:00:50 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 1394
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dawladda Hoose ee Salaxlay ayaa bilawday Diyaarinta qorshaha horumarinta Degmada shanta sano ee soo socota.

    Iyadoo deeganadaasi laga sameeyay Xog ururin ku saabsan baahiyaha.....

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Iyadoo deeganadaasi laga sameeyay Xog ururin ku saabsan baahiyaha.....



Saraakiil ka socota Ururka Dawladaha Hoose ee Somaliland ee (ALGASL) oo kala ah Abdi Ali, Fihiima Mahamad iyo Amani Yuusuf oo kaashanaya saraakiisha dawlada hoose ee Salaxlay oo uu hogaaminayo agaasimaha maamulka lacagta iyo shaqaalaha Khadar Gaas ayaa maalmihii ugu danbeeyey safar ku marayay 27 tuulo oo hoos yimaadda dagmada Sallaxley.


Iyadoo deeganadaasi laga sameeyay Xog ururin ku saabsan baahiyaha aasaasiga ah ee ay u baahan yihiin deeganadaasi iyagoo Masuuliyiintu kasoo dhagaysteen bulashada ku nool tuulooyinkaasi baahiyaha aasaasiga ah ee ay u baahan yihiin.

Illaa haddana waxa ay xog ururin kasameeyeen tuulooyinka kala ah:

Kaamtuug
Ina guuxaa
Laan-qeyrta Qool dhuxulaale
Laan-qeyrta Cilliyo
Qool buulale
Libaax qawdhama
Higlada
Ina igare
Balli ciise
Balli khadar
Cali aw Jaamac
Raybadka
Arraweelo
Xadhig-Xadhig
Sharmaarke
Galloole
Uubaale Kalabaydhka
Toon
Maadhyaal
Hundulli
Qool-caday
Jagac
Dhimbiriyaale
Balli case
Aadan Abokor
Bahadhamal
Xarunta Sallaxley

Ugu danbaytii, waxa dhawaan ururka ALGASL soo saari doonta Qorshaha Horumarinta Dawladda Hoose ee dagmada Sallaxley ee loo garan ogyahay District Development Framework (DDF).
Loading...
Loading...