Militariga Itoobiya Oo Lagu Amray In Aysan Gelin Gobolka Tigree
Ciidamada
Itoobiya ayaa amar lagu siiyay in ay ku ekaadaan gobolada Cafar iyo Amxaara oo
deris la ah gobolka Tirgree, kadib markii goboladaas laga saaray
dagaalamayaasha TLPF.
Madaxa warfaafinta Itoobiya Dr Legesse Tulu ayaa sheegay in go'aankani yahay mid kumeelgaar ah.
"Ololaha midnimada qaran waa laga
gaaray hadafkii koowaad ee laga lahaa, taas oo ahayd in TPLF laga xoreeyo
meelihii an qabsadeen" ayay yiri Dr Legesse.
Wuxuu sheegay in marka ay ku
habboontahay uun la qaadi doono wax talaabo ah, inta ka horeysana ciidanka laga
illaalinayo in uu wax dhib ah soo gaaro.
Dhanka kale wuxuu sheegay in kooxda
TPLF ay qorsheynayso in furato dacwado, iyada oo askartii dagaalada kaga dhintay
ka dhigaysa dad shacab ah.
Balse Dr Legesse wuxuu sheegay in
dowladda ay xaq iyo waajibaad u leedahay in ay gasho gobolka Tigree xilli si ay
u gudato waajibaadkeeda ka saaran illaainta qaranimada dalleed.
Todobaadkii hore, wasiir ku xigeenka
arrimaha dibedda Itoobita Ridwaan Xuseen ayaa u sheegay dublamaasiyiin
shisheeye oo uu Addis Ababa kula kulmay, in Itoobiya aysan wax dan oo weyn ka
lahayn in ay TLPF ah kaga dabo tagaan gobolka Tigree.
Wuxuu kale oo sheegay in dowladda ay xaqiijin doonto in TPLF aysan dib usoo qaadin weerar dambe, iyada oo dowladda ay dhawri doonto xuquuqda aadanaha
Dagaalka oo socday wax ka badan muddo sanad ah ayaa geystey qasaare culus oo bini'aadanimo.
TLPF ayaa sheegtay in ay isaga baxday deegaanadii kale ay qabsatay ee gobolada kale ahaa.
BBC