Gudoomiye Xirsi Oo Ka Hadlay Qaabkii Musharax Ciro Loogu Soo Dhaweeyay Hargaysa

0
Friday December 24, 2021 - 17:39:28 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 2380
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gudoomiye Xirsi Oo Ka Hadlay Qaabkii Musharax Ciro Loogu Soo Dhaweeyay Hargaysa

    "waxaan sidoo kale mahad ballaadhan u soo jeedinayaa Ciidamada Booliska "

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"waxaan sidoo kale mahad ballaadhan u soo jeedinayaa Ciidamada Booliska "

Hargaysa (HWN) Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Xirsi Cali Xaaji Xasan oo ka hadlay qaabkii ay u dhacday soo dhawayntii Musharraxa Madaxweyne ee xisbiga Cabdiraxmaan Cirro ayaa umahad celiyay ciidamada Booliska Somaliland

 

"Soodhaweyntii Musharaxa Madaxweynaha. Waxay ahayd farxad weyn in taageerayaasha Waddani ay Musharaxa Madaxweynaha ee Waddani ku soo dhaweeyeen Caasimadda Hargeysa, halkaas oo ay is qabsadeen madaarka ilaa suuqa, iyaga oo dareenkooda u muujiyay si ilbaxnimo leh isla markaana si habsami ah uga qayb qaatay soodhaweynta, waana mahad Alle in aan wax dhib ahi aanu soo gaadhin bulshada.

 

Waxaan u mahad celinayaa dhammaan bulshadii ka qayb qaadatay, waxaan sidoo kale mahad ballaadhan u soo jeedinayaa Ciidamada Booliska oo si fiican noola shaqeeyay, ammaankana u sugay sidii loo baahnaa, taageerayaasha Waddanina waxaan ugu baaqayaa in mar kasta Ciidamada loo dhega-nuglaado, sharcigana la ilaaliyo".... ayuu yidhi Guddoomiyaha xisbiga WADDANI Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan.


Loading...
Loading...