Maxaa Iga Baxay Hadalka Madaxweyne Biixi Ee Khilaafka Furista Ururrada Siyaasadda.

0
Friday December 24, 2021 - 17:28:23 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1212
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxaa Iga Baxay Hadalka Madaxweyne Biixi Ee Khilaafka Furista Ururrada Siyaasadda.

    Qorre:- Kamaal Marjaan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qorre:- Kamaal Marjaan

Madaxweyne Biixi waxa uu iftiimiyey in xeerka uu illaa hadda ku dhaqmayaa uu yahay xeer-14 kii hore dhaqangalka u ahaa ee madaxweynihii hore saxeexay.



Waxa kale oo uu sheegay in ururrada loo furayo si waafaqsan xeer-14 kaas horeba dhaqangalka u ahaa ee aanu ahayn xeerkan hadda wax-ka-beddelka lagu sameeyey.

 

Taas oo macnaheedu noqonayo in ururrada May la furayo laakiin doorashadoodu ay December 2022 ahaanayso, ka horna ay xisbiyada hadda jiraa weli sharci u yeelanayaan in ay ka qaybgalaan doorashada madaxtooyada ee November 2022 si waafaqsan xeer-14 kii hore ee dhaqangalka ahaa.

 

Waxa uu bidhaamiyey in doorashada guurtida uu waqtigeedii ina soo hayo, laakiin aan weli xeer loo dejin, in ay dhacaysana iyada si gaar ah carrabka uguma uu adkayn sida labada doorasho ee kale, taas oo loo qaadan karo in guurtida muddo kordhin loo samaynayo.

 

MARKA AY SIDAAS TAHAY LABA ARRIMOOD AYAA II MUUQDA:

- In madaxweynuhu dhaar-dusmo sameeyey oo hadalkii wasiir Koore uu ka baydhay isla markaana xisbiyadii ka dhigay niman ka baqaya ama ka cabanaya wax aan jirinba. (Maadaama oo ururrada waqtigoodii uun la furayo).

- Waxa uu inoo muujiyey in aanu ku xisaabtamayn in la ansixiyo oo uu dhaqangal noqdo xeerka uu  tafsiirkiisu maxkamadda ku jiro.

 

Haddii ay sidaas tahay, waa sida madaxweynuhu u sheegay oo ma jiro wax la isku khilaafsanyahayba. Laakiin dhinaca kale waxa ay noqon kartaa laba scenario midkood:

 

1.     In madaxweynuhu uu doonayo in xeerkaas uu halkaas kaga hadho oo aanu dhaqangelintiisa ka shaqayn doonin,

 

2. ama in  uu doonayo ‘illaa maxkamaddu ay go’aanka soo saarayso in uu xaalku deggenaado. Kaddibna haddii ay maxkamaddu xukunto in xeerku dhaqangal yahay, uu isaguna ku doodi doono in aanay jirin meel laga maro xukunkii maxkamadda ee noqday in xeerka dambe la raaco.

Qorre:- Kamaal Marjaan

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...