Ma Jiro Madaxweyne Uga Geesisan Qabashada Doorasho Liq Ama Ha Liqin.

0
Friday December 24, 2021 - 17:23:22 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 893
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 2 0
  • Share via Social Media

    Ma Jiro Madaxweyne Uga Geesisan Qabashada Doorasho Liq Ama Ha Liqin.

    W/Q: Eng. Mustafe Cali Jaamac

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Eng. Mustafe Cali Jaamac

1- isagoo lagu wareejiyey gudoomiyanimada xisbigii Kulmiye oo waqti yar hayey ayuu ogolaaday inuu dib Urur ugu noqdo oo la tartamo muwadiniintii kale ee Fursada la siiyey ee Ciro ka midka ahaa.



2- Markuu Madaxweyne noqday isagoo haysta 62 xildhubaan oo Kulmiye ah ayuu u badheedhay inuu doorasho qabto oo fursad siiyo muwaadiniinta kale ee reer Somaliland wuxuu ku waayey 32 xildhibaan oo Kulmiye ahaa wuuna iimaansaday.


3- Wuxuu qabtay Doorashadii golayaasha deegaanka ee mudo dhaafay isagoo fursad siiyey 353 Mudane Gole Deegaan oo maanta ku fadhiya kuraastii ay ku fadhiyeen golayaashii deeganka ee mudo dhaafka ahaa.


4- isagoo Madaxweyne ah oo heli karaya inuu awooda xisbigiisa iyo awooda xukuumadiisa kobciyo ayuu ka door biday inuu sharciga raaco oo muwaadiniinta fursadan sugayey 10 sano u ogolaado inuu fursadooda siiyo xataa haduu tiisa ku waayayo.


5- Xeerkii uu wax ka bedelkiisa dalbaday markuu arkay in dalabkiisu dastuurka waafaqsanayn wuxuu liqay tiisii wuxuuna ixtiraamay rabitaanka bulshada iyo dastuurka dalka sidaa darteed wuxuu ogaaladay in wax ka bedelkiisii la buriyo oo sida dastuurku qabo la raaco.


Xaqiiqatan ma jiro Hogaamiye Afrikaan ah oo bixiya intaas oo fursadood isagoo awooda gacanta ku haya, waxa shacabku leeyahay fursadayada cidna amaahin mayno Ururada ha naloo diiwaan geliyo tartana ha naloo qabto.


Wa bilaahi tawfiiq

Waxa Qoray Eng. Mustafe Cali Jaamac

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...