Alla Doori-yahaw Hadalku Wuu Kaaga Darayaaye ( Abdi-shotaly).

0
Thursday May 23, 2019 - 09:32:04 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1749
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Alla Doori-yahaw Hadalku Wuu Kaaga Darayaaye ( Abdi-shotaly).

    Maah-maah Ingiriisi ah baa waxay ina odhanaysaa " A rolling stone gathers no moist"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maah-maah Ingiriisi ah baa waxay ina odhanaysaa " A rolling stone gathers no moist" oo micna-heedu yahay, Dhagax is rog-rogayaa Sayax ama qoyaan ma qaato", ula-jeedadda laga leeyahay-na ay tahay, qof wejiyo badani, oo kolba nooc ahi, waa Sidda Faysal Zaade, wax ma korodh-sado, ee dhib iyo weji qabax uun buu ka faa'iidaa ama kala kulma, mararka qaar-kood waxa loo nisbeeyaa, qofka aan hunguri-giisu is taagin, ee ku hawlan uun maxaad soo xero gelisaa? ama cuntaa?, Sidee baad wax u doontaa? yaad wax kaga qaadan kartaa? Halkaad u martaa iyo side aad u heli kartaa? Horaa-se loo yidhi " Gacan qaad-qaad baratay iyo hunguri welfay mid-na looma tag helo'e" xataa haddii gacanta la jaro waxa dhaq-dha-qaaqa gumudka, oo isma taagto meel, hungry welfay-na, waa xeredii ba'day, waa siddii daba-gaalihii la yidhi adoo ordaaya uun baan aragnaaye " Horta maxaad raadisaa" ee ku jawaabay, saw geelayga cirka lagu maali-maayo, oo quule doon-dooni-maayo habeen iyo maalin-ba. waxan uga socdo aan kuu soo dhaweeyee iga qabo.



Mr F. Zaad Waa tukihii iyadda oo raqadda hor-tiisa lagu cunaayo, geedka dhaka-diisa ka qaaq-layn jirey. Duqsiga qudhunku uma soo uro, ee waabu quudsadaye, Faysal zaad beryahan dambe si wacan bay ugu jirtaa tuumbadu dhiisha malabka ah" oo miciyahaa subag dareerraaya, siddii rah jiilaal ka soo baxay, oo baliyo xareed ah ka dhex jiiq leh. sabata oo ah wuxu heley sheeko uu mudo ku baadho askarta " raggii ma adigaa ka hadhay iyo Geenyo shaaximan", Taas oo loogu sheekeeyey, adigu makara-foomka baanu dhaxaan kuu gelinay-naaye, afka ha isku qaban, ee u kala tiri mucaardka iyo C/Cirro, oo kala jab-kiisa ka shaqee, kana hor kaalay, xataa haddii ay quraan akhriyaan, waxad tidhaahaa Rasuulkii ( CSW) buu Waddani caayey, waayo isaga sidaas bay dani ugu jirtaa, oo ka sugaaya doorsho iyo madaxnimo maaha, uu ku fadhiisto kursiga yaala Guriggii moorgan. markaas xaal-kiisu waa dooryaankii ka dul shurbeyn jirey, dufankii ka daatay, raqddii ay ku kala tageen haabr-dugaagu wakhati hore. waa sidaase, marka cad-quudheeka loo tuuro, waa kaas wishiiri-giisa laga baxay, bal dhegaysta wuxuu kaga hadlaayo Kiiniya, ilayn waa awr kiraala-haas loo kiraystaymucaaridka'e, oo shaqo kale laguma biiliyo'e. shaqadii-suna waxa weeye arintii ahayd " Laflaw waa dhagax", qof laf la ordaaya, oo wax u kala jebiya raba, si uu dhuuxa uga jaqo, baa mid dhagax haystaa, u yeedhan jirey, baa sidoo kale isna kaalay noo jebi Mucaaridka loogu yeedhaa.


Weli wuxu hayaa dhabaddii "UFO" ee uu tolkii u basaasi jirey Gaani. Sifaha uu ku nool yahay Faysal Zaad oo kooban, waxa si weyn oo wacan aad ugu fahmaysaa, intan yar ee ku jirtay tix hore loo yidhi, taas oo ah " Doqontii ku yeeshaa wuxuun, lagu dabiibaaye, dudumoo-yinkoo lala hadlaa, damac ma yeeshaane, Alla doori-yahaw hadalku, wuu kaaga dara-yaaye". Qofku haddii aanu damiir lahayn, oo uu iska noqdo, dameer caws la hor qaaday sidiisa, oo kale baa inta caloosha wax yar loogu rido, lagu soo saani gareeyaa, ruux ay soo kala hor jeedaan kii dhuunta u soo qooyey, waxana lagu yidhaahaa hebel naga reeb oo xiniin-yaha qabo. ruuxa damiinka ahi, dareenka iyo dadnimadu ka dhimatay ( Sidda Faysal Zaad), ilayn wax ka xaaraanti-maysan baa iska yare, marka dibnaha loo soo qooyo, baa isaga oo siddii awr-awr kale lagu direy kankoonsan, buu toos ugu soo dhaqaaqaa isaga oo aan dhana-ba eegin, mar qudha daf ku soo yidhaahaa, ilayn waxa ka hadli-naaya dufanka faraha loo daraye. Maalmahan waxa lagu sabaa, laguna masruufaa, oo risaaqaddii ka gashay, haddii waddani geli waayo doorashadda, waxad heleysaa kuraas badan oo ah Baarlamaanka iyo deegaanka, sidaas awgeed buu ku hadaaqayaa " Fariintii la faray ee ahayd, Mucaarid ka kala qaybi, waxan ku soo af-jaray qoraalkan " Ninka habar-yartii dilay, hooyaddii ma dhaafo'e" wax uu yeeli karo Mucaarid ma jirto, laakiin waa arin labada oo la mid ah tii uu ka sameeyey "Dhalintii UFO".


* N.B Doqoni Waa Degel Fadhi.

Qore:- Abdi shotaly.

[email protected]

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...