Murashaxa Madaxwayne ee Xisbiga Waddani oo dalka dib ugu soo laabtay xili muran sharci hadheeyay Shir-gudoonka iyo Xukuumada SAWIRO
Taageerayaasha Xisbiga Wadani ayaa soo buux dhaafiyay albaabka
Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi ciro Murashaxa jagada madaxwayne ee Xisbiga Waddani oo mudooyinkii u danbeeyay ku sugnaa dalka dibadiisa ayaa maanta dib ugu soo laabtay Hargaysa.
Taageerayaasha Xisbiga Wadani ayaa soo buux dhaafiyay albaabka hore ee garoonka diyaaradaha Cigaal Airport ee Magaalada Hargeysa.
Soo dhawaynta murashaxa ayaa ku soo beegmaysa xil muran sharci ka dhex aloosan yahay Shir-gudoonka Golaha Wakiilada iyo xukuumada Somaliland taasi oo ay Xildhibaan golahaasi ay laba qaybood u kala qaybsan yihiin.
Murashaxa Madaxwayne ayaa la filayaa inuu ka hadlo murankaasi sharci ee ka dhex taagan Shir-gudoonka Golaha Wakiilada iyo Xukuumada Somaliland.
![]() |
![]() |
![]() |
![]() |
Loading...
Loading...