Kaa Geeraaraya Waa Ina'geelle Warfaa!

0
Thursday December 23, 2021 - 09:40:06 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1051
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kaa Geeraaraya Waa Ina'geelle Warfaa!

    W/Q: Khadar Ibrahim Aar

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Khadar Ibrahim Aar

Iyaga iyo Allahood'e ,Sabankii Geela lakala dhici jiray ayaa waxa layidhaa ,Afar Nin oo Walaalo ah ayaa Duullaan tegay si ay Geel cidkale ugasoo  dhacsadaan,Afarta Nin Sadax waa isku Bah Ninna waa Bah'gooni.

 

Dagaalkii iyo Duulaankii ay qadeen markii ay kasoo Guryo noqdeen ,ayaa waxa soo geeraaray Raggi mid ka mida oo isagu Geel Shan iyo Toban Halaad iyo Baarqabkii soo dhacsaday,kadibna Dumarkii ayaa Mashxarad is hayn waayey,midkalana Faras(Gamaan) uu soo dhacsaday ayaabu korkiisa saaran yahay isna waa loo Mashxaraday,balse nin ayaa isagu dhintay ka mida Sadaxdii isku Bahda ahaa.

 

Ninkii Bahgoonida ahaa  oo isagu aan waxba soo dhacsan ,aadna u niyad jabsan diidanna Mashxaradda Dumarka iyo farxadan meesha looga muujiyey Labadan Nin ee Dagaalka kusoo Xoolo helay ,ayaa ku Tiraabay muujinta sidii ay wax u dhaceen inuu sheego  ,kuyee:

 

Ninkaa Geela watee-Geeraarayaa waa Ina Geelle Warfaa

 

Kaa Gamaanka fuushanina waa  Ina Geelle Warfaa

 

Kaa uu Haadku Gigayna waa Ina Geelle Warfaa (waa Ninka Dhintay*)

 

Sadaxdaa tilmaamood markii uu israaciyey ayaa Farxadii iyo Mashxaradii ay istaagtay ilayn waakan sheegay Nin Duulaanki ku Geeriyooday'e, kadibna Baroor iyo Oohin ayay Mashxaradii iyo farxadii isu bedashay.

 

TALAW MAANTA MAXAA LAKALA DHACSADAA MA XISBIYADA?

 

Xigasho : ILAHAY HAW NAXARIISTEE XAAJI CABDIWARAABE.

 

Maxaad ka fahamtay Qoraalkan?

W/Q:  Khadar Ibrahim Aar


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...