Madaxaa Na Furan

0
Thursday December 23, 2021 - 09:27:35 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 792
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxaa Na Furan

    W/Q: Amina Souleiman

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Amina Souleiman

Shirweyne ay isugu yimaadeen haween weynaha magaalada Sheffield, UK oo ah magaaladii ugu horeysay qurbaha ee laga citiraafo Somaliland ayay hambalyo iyo duco hawada u mariyeen Madaxweynaha Jamuuriyada barakaysan ee Somaliland.

 

In ka badan laba boqol oo dumar ah kana soo kala jeeda labadii kooxood ee ‘Waa Naloo Dhiibay’ iyo ‘Nalooma Dhiibin’ ee hore xurguftu u dhex martay maalmihii citiraafka ayaa shir loo wada dhan yahay ku qabsaday qolka shirarka ee Halifax Hall maalintii Sabtidii 18th December 2021. 

 

Haweenkan ayaa ku hambalyeeyay Madaxweyne Muuse Biixi Abdi go’aanka furista ururada siyaasada ee uu dhowaan ku dhawaaqay.

 

Shirkan oo ay si wada jir ah u soo qabanqaabiyeen Layla Lovely iyo Yasmin Gazelle ayaa ahaa mid si heer sare ah loo agaasimay waxaana aayad quraan ah iyo duco ku furtay Raxma Cool.  Aamiin badan iyo aqbaltu waxaa xigtay heesta ‘Madaxaa Na Furan’, sacab, ciyaar iyo calanka Somaliland oo madasha hadheeyay. 

 

Intaa ka dib waxaa microphone ka qaadatay Layla Lovely oo asal ahaan ka soo jeeda gobolka Sool taageertana Khaatumo. Salaan sare iyo duco ay u ducaysay ummada Islaamka ka dib waxa ay Layla Lovely hambalyo u dirtay Madaxweyne Muse Biixi Abdi, ‘Madaxweyne Muse Biixi aad ayuu inooga farxiyay.  Saddex Xisbi oo huudhaydh ah ayaa mudo dheer qandaraas inagu haystay ee inoo duceeya in uu Ilaahay inaga hor dhaqaajiyo oo Xisbiyo khayr qaba oo loo dhan yahay, loona siman yahay inoogu bedelo’. 

 

Sahra Loud iyo Cibaado Yooma oo asal ahaan ka soo kala jeeda bariga iyo galbeedka Burco ayaa shirkii ka dhex kacay qaylo iyo buuq na dhaliyay iyagoo oo ku hanjabay in ay madaxtooyada Somaliland shiid hadhka kaga dhigi doonaan haddii ururada siyaasada la furo.  Sahra Loud ayaa dhaar ku martay in ay Madaxweye Muse qori kimiseed dabada u qaban doonto, magaalada Hargeisa na orod kaga saari doonto halka ay Cibaado Yoomi na saddex walle bille ku martay in ay Madaxweyne Muse tib xawaash raaxada kaga bedeli doonto.

 

Security ga Halifax Hall ayaa deg-deg shirka uga saaray Sahra Loud iyo Cibaado Yooma waxaana la maqlaayay iyaga oo barxada hore ee hall ka shirka oo roob iyo dhaxan badani ka dhacayso ka buuqaya.

 

Yasmin Gazelle oo asal ahaan ka soo jeeda gobolka Awdal ayaa iyana markeeda masraxa ka hadashay, ‘caqli maaha in ay jahada inaga haystaan saddex xisbi oo tabcaan ah ayna leeyihiin saddex nin oo isku hayb ah.  Waa in la helaa xisbiyo tayo leh lagana wada muuqdo.’

 

Nimco Nato oo asal ahaan ka soo jeeda gobolka Maroodi Jeex ayaa iyana markeeda hadashay, ‘dadaal badan ayuu muujiyay Madaxweyne Muse.  Wuxuu soo af-jaray dagaaladii Ceelafweyn ee loo maara waayay.  Wuxuu qabtay doorasho nadiif ah oo aan dhiig ku daadan.  Wuxuu dabray musuqii xadhiga goostay.  Wuu ku mahadsan yahay furista xisbiyada waxaanan rajaynayaa in ay soo baxaan xisbiyo tayo leh isbedelna dhalin kara.’

Xaawa Xamdi oo ah gabadh maal qabeen ah kana soo jeeda gobolka Oodweyne ayaa shirka soo gabagabaysay waxaanay haween weynaha shirka isugu yimi ku guubaabisay in ay xisbi guulaan iyadoona ku baaqay in ay bixinayso dhaqaalaha diiwaan gelinta xisbiga.  Haweenka ayaa isla qaatay iskuna af-gartay magaca xisbiga ay dhisi doonaan ‘Billis Political Party’.

 

Xaawa Xamdi iyo dhamaan haweenka shirka isugu yimi ayaa salaam sare u diray Suldaan Mawliin Ali Sabayse oo ay ku amaaneen inuu yahay suldaan qaran.  Waxa ay Suldaanka ku hambalyeeyeen sida uu mar walba heegan ugu yahay difaaca qarankiisa.

Shirka ayaa ku dhamaaday farxad, duco iyo heesta macaan ee ‘MADAXAA NA FURAN’.

 

© Amina Souleiman

 

 

 

 

 


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...