Xikmadda Mise Caqli-Badnaanta

0
Wednesday December 22, 2021 - 11:14:41 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 1741
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Xikmadda Mise Caqli-Badnaanta

    Xikmaddana Alle ayaa bixiya, isaga ayaana Qur'aankiisa innoogu sheegay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xikmaddana Alle ayaa bixiya, isaga ayaana Qur'aankiisa innoogu sheegay.

Marka laga yimaaddo dadka inta aan caqliga qabin(waalan), dhammaanteen inteena kale waxa aynnu ka simannahay in aan caqli wada leenahay, se waxa aan ognahay in haddana innaga oo caqli wada leh in la sii kala caqli badan yahay.

Weyddiinta warcelinta u baahan ayaa waxa ay tahay; waa iyamma, in qofku caqli badan yahay iyo in uu xakiim yahay. Si kale aan u dhigno, kee baa sarreeya labadooda? Ma xakiimka mise caaqilka.


Warcelintaas oo koobani waxa ay noqonaysaa Xakiimka; ay sababtu tahay, qof kasta oo xakiim ahi ama xikmad lihi in uu yahay qof caqli badan, balse qof kasta oo caqli badani maaha xakiim.

Waxa aan sidaa kuu leeyahay, xikmadda ugu weyn ee Alle bini aadamka u abuuray waa in ay Isaga ku gartaan, kunna caabudaan inta ay ifka korkiisa saaran yihiin.

Qofka caqliga badani waxa uu soo saari karaa waxyaabo iyo ashyaa dunida ku cusub, sidoo kale, aragtiyo, fikiro, xeerar iyo ikhtiraacyo aan hortii la ibba furin ay'uu isagu daaha ka qaadi karaa. Kaasi waa qofka caqliga badan, laakiin qofka xakiimka ahi intaasba isagu w'uu la wadaagaa kan caaqilka ah, balse waxa uu dheer yahay rummaysnaanta Ilaahay, malaa'igtiisa, Anbiyada, xikmad badnaantiisu uma horseedayso in sida kan caaqilka ah uu garan waayo in Alle abuuray koonkan uu jiro, cibaadada iyo Nabigeena SCW.

Ilaahay waxa uu Qur'aanka innoogu sheegay, in qofka xikmad la siiyo, la siiyay khayr badan. Taasi oo caddayn u ah, in qofka xakiimka ah caqligiisaa badani siin waayin garashada Allaha makhluuqa abuuray, Nabigiisa iyo cibaadada koonka loo keenay.

Raggii caqliga badnaa ee dunida soo maray, haddana ikhtiraacyada badnaa waxa ka mid ahaa, Stephen Howking, Albert Einstein, William Shakespeare, IWM, dhammaantood waxa aan odhan karnaa waxa ay ahaayeen dad caqli badan, balse ay ka maqnayd xikmaddii, haddii caqli badnaantoodaas xikmadi u weheliso, waxa ay garan lahaayeen Allaha koonka abuuray iyo Nabigiisa, Isaga ayayna u cibaadaysan lahaayeen oo ay ka biqi lahaayeen, laakiin caqli badnaamtoodii uma raacin xikmadi.

Raggaasi iyaga oo caqli badan oo ay wax-soosaar badan tahay maskaxdoodu, haddana waxa ay seejisay garashadii iyo xuskii Ilaahay SWT. Qaarkood waxaba ay aaminsanaayeen in dhulka iyo cirkan ay iska samaysmeen, wax Ilaah la dhaho aanu jirin.

Raggii Rabbi xikmadda siiyay waxa siiyay waxa ka mid ahaa Luqmaan Al-Xakiim, mar la weyddiiyay sababta Alle xikmadda ku siiyay max'ay tahay?

Waxa uu ku jawaabay, "Sababta aan xikmadda ku helay waa, Alle ka cabsigeyga, aamusnaanta iyo hadalkayga oo yar, indhahyga oo xumaanta ka dabboolan iyo katagidda waxa aan faa’iido lahayn.”

Waxa aad halkaa ka garan kartaa caqli badnaanta oo lagu daray xikmad in uu qofku ku noqonayo xakiim, balse caqli badnaanta kaliya waxa ay ku seejisaa waxyaabo badan, oo horaa loo yidhi, "Ninka dadka ugu il-dheer baa ugu ayaan-darran."

Ugu dambeyn, w'aynu ognahay in dadku kala caqli badan yahay, ogowna qof kasta oo caqli badani maaha xakiim, balse qof kasta oo xakiim ahi waa mid caqli badan.

Xikmaddana Alle ayaa bixiya, isaga ayaana Qur'aankiisa innoogu sheegay.

Qalinkii: Maxamed-Deeq-Darajo
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...