Luggooyada Aragtaye Liibaanta Ma Daristeen

0
Wednesday December 22, 2021 - 10:54:33 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 716
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Luggooyada Aragtaye Liibaanta Ma Daristeen

    Xalqadii 1aad

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xalqadii 1aad


______________________________________________
Waa galab khamiis ah, bisha ramadaan ayaa lagu jiraa, cirku waa jiq, in roob di'i doono ayay u badan tahay, jawigu wuu degan yahay oo neecaw yar oo qabaw baa dhacaysa. Waxa aan u soo jimicsi tagay meel xaafadayda ka yara durugsan, casarkii dheeraa ayaan imi, markii aan saa salaadda u soo tukadayba. Saacad markii aan socod jimicsi ah waday, cirkii iyo dhulkii baa is qabsaday, hillaaca biligta haya iyo onkodka yeedhaya ayaa cabsi ku galinaya, roobka da'aya waa baraf dhagxaan wata, barafka kugu dhacaa jidhkuu bararinnayaa.


Muddo ku dhow saacad ayuu da'ayay roobku, aad baan u qoyay, heer aan qarqaray, ilkuhu i saliilyoodeen, dharkayga iyo jidhkuba isku dhageen, laydhii soo dhacdaaba way iga gariinaysaa. Qorraxdu waa sìi dhacaysaa, kaligay maahee dadkii kale mar horuu kala yaacay. Waxan ka soo baxay geedkaan ku gabbanayay, dhulkii oo xareeddii qulqulayso ayaan indhaha la sii raacay, saxansaxada carafteeda ayaaba ka bawsan waayay, dhirtii iyo ubaxyadii ayay dhaayuhu la ashqaraareen quruxdooda.

Intii aan ku mashquulsanaa ubaxyada iyo xareeddan galalac leh, qorrxadii ayaa godkeedii isku hubsatay, makhribna waa soo dhowaaday, eedaankii afurka ayaa qarka loo saaran yahay oo daqiiqado aan badnayni ka hadhsan yihiin. Waxa aan degdeg ugu soo jihaystay dhankii xaafadayda, sida qof hambaabarsan ayaa isu soo tabaabusheeyay. Markii aan laamida soo gaadhay, ayaan gaadhi yar helay, waan soo raacay.

Daqiiqado kadib, waxa aan soo gaadhnay laamidii xaafadayada u dhowayd, halkii ayaan kaga dagay, markan eedaankii ayaa misaajidda ka wada baxaya, qaarkoodna waaba dhameeyeen. Aniga oo tallaabada hoosta ka xadaya, taabacna iska ilaalinaya ayaan xaafadaha soo dhex marayaa.

Markii aan xoogaa soo socday, sakaddii xaafadayadana sakaddi iga xigto, luuq aan ka soo baxay inani iga hor timi, anigu ma arkayo se iyadu waa i aragtaa.

"Alla walaalo waad habsaantay, hoo quraacan iyo timirtan afka ku sii qabo." Ayay i tidhi, anigu waan ku naxay, si kadisa ayaan u eegay, kor iyo hoos ayaan indhaha ula raacay, ma se hadlin oo afkaa juuqda i gabay. Waxa aan is arkay iyada oo i hor taagan gacantana isoo fidisay, kadib waan dhaqaaq joogsaday, inta aanay jawaabi iga soo bixin ayaan kor u eegay, eegmo aan baala-daymood ahayn ayaan indhaha kaga buuxsaday, way yaaban tahay oo isweyddiinaysaa, waa maxay inankan iska kaa daawanaya ee aan kuu jawaabayn.'

"Walaalo hoo, hadal, maxaa ku helay," ayay isu kay xejisay, halhaleelna ayaan ku idhi, maya walaalo, aad baa u mahadsan tahay, xaafadii waa taase, waan imi iminka.

"Maya, maya, wacadalle waad qaadanaysaa walaalo, laga yaabee in ay weli fog tahay, se aad khajilayso, walaalo qaado waa caadiye." Ayay mar labaad itidhi, ana sidii hore waan ka soo dabcay, inantii ayaan timirtii iyo quraacii ka qaatay, aniga oo aad u khajilsan hoosna eegaya.

Kadib ayay i su'aashay, "Walaal xaafadu waa xagee? Ma dhowdahay mise waa fog tahay?" Markaasaan ugu jawaabay, maya walaalo waa dhow dahay,waa sakadaa idinka danbaysa. "Waa lagaa hor afuray xaafadda malahee, kaalay nala afur annaga walaal."

Markii ay intaaa i tidhi, khajilaad daraadeed wadnahaa dhugdhug i lahaa, afkaa juuqda igabay oo aan xitaa candhuuf aan ku qooyo ka waayay carrabka, gabigayguba waan isku dhex daatay, aniga oo hoos eegaya iyo iyadii oo igu soo maqan ayaa is hor taagan.

Kolba isha ayaan ku yara xadayaa, mise sida tooshka ayay indhaha iigu haysaa, madixii ayaan kor u qaadi kari waayay.

"Iga raalli noqo walaalo, malaha waan kaaga khajil siiyay." Ayay igu tidhi, anoon su'aashii horeba uga jawaabin. Annaga oo sidii halkii u taagan ayaa naloo ku qiimay salaaddii, "Walaal soo gudub, gurigga aniga iyo hooyo uun baa joognee, aad nala afurtide, kadibna iska waysayso oo tuko." Ka darro dibi-dhal, hooyo aaaa, hooyo aaaa, hoooyo aaaaa. Warkii horeba war soo dhaaf, naxdintii ayaa igu laba-jibbaar siyaadantay, markan illaa cagihii ayaan ka gariirayaa, Allaw Alle.

Sheekadayadii ayay maqashay maamadii, way soo kacdayba, "Hoodoy hooyo maxaa dhacay? Yaa weeye qofka aad la hadlayso?"

Hoodo: "Hooyo waa inan jaarkeena ah oo afurkii ka daahay, si kadis ahna aan albaabka ugu kulanay, kadibna aan ku idhi, walaal waad ka daahday afurkiiye, anagaan weli afurine nala sii afur, kadibna iska weysayso oo tuko."

Maamadii: "Inantaydii gobonimo ayaa samaysay, meeyay isagiii, soo gudub ku dhe, oo fadhiga fadhiisi hooyo."

Hoodo: "Hooyo wuu yara khajilayaa, hadalba wuu ka soo bixi la'a yahay."

Maamadii: "Meeyay, maamo soo dhowow oo hore usoo soco ha is martiyayne, naa Hoodo inanka magicii?"
Hoodo: "Hooyo weli halkaa islama gaadhin."

La soco xalqada 2aad

Sii share garee, saaxiibadaa ad jeceshahay la socdaan hoos ka wac.

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...