Saddex Shay Noloshaada Ka Saar

0
Wednesday December 22, 2021 - 10:51:35 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 1530
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Saddex Shay Noloshaada Ka Saar

    Dadku sida ay kuu arkaan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dadku sida ay kuu arkaan


Sida aanay u sinnayn shantaada farood, ayaanu bini aadamkuna u sinnayn, isku sinna wax ugu arkayn. Haddii aad is tidhaahdo iyagu sida ay rabaan sameena, aduun baa ku daalaya oo raalli galintoodu wax la wada gaadhi karo maaha.

Dadku yaanay noqon muraayada aad isku daawanayso, halka aad isaga qiyaas qaadanayso, halka aad iska xukmiyayso, waayo marnaba dadku isku si kuuma wada arkayaan, qaarna waad cajabin, qaar kaama helaan, qaar sax iyo khalad way ku wataan, qaar baa iska kaa neceb, qaar baa xaasid kugu ah, qaar baa dan kaa lahayn iyo qaar dhexdhexaad ah intaba waad ka heli. Kolkaa yaanay dadku ku noqon miqiyaaska aad iska qaadanayso, si aanad ugu wareerin ama aanad u niyadxumaan xilli kasta.


Kawarran haddii dharka aad xidhanayso aad dhahdo, dadku maxay i dhahayaan! Ma la igu qoslayaa! Halkaa mari maayo dadka i odhanaya waad fool xun tahay! Ilig baa iga dhacay tolow dadku siday ii arki doonaan, foolxumaan ula muuqanayaa!

Ma fiicna in aad u noolaato bini aadam kale dartii, oo isagu uu noqdo ka aad isku daawanayso ama sida uu rabo aad yeelayso uun. Nolosha waqtiga yar ee kooban aad haysato waxa ay ku qurix badan tahay in aad u noolaato sida Ilaahay raalliga ku yahay, ee aadan cid kale iska eegin, bulshadana sida dhexdhexaadnimada ah aad ugu dhex jirto.

2: Wax aad rabto in aad qabato haka sii caban oo waa u adkaan ha odhan
Haddii aad doonayso in aad hawl bilowdo ama mashruuc fuliso ha ka sii hordhicin oo saadaal xun iyo niyadxumo ha isugu sii sheekayn, adiga oo aan hawshii bilaabin niyada ha iska sii dilin, haka sii rajo dhigin hawshaas, saadaal xun iyo in aanay hagaagayn ha sii filan. Niyad wanaag ku qaabil, inta karaankaaga ah waxba ha ka hagran hawlaha aad qabanayso, wixii awooddaada ka baxsan Ilaahay u daa, Isaga talo saaro markasta. Hubaal waxa ah in wax walba Alle kula qaban doono, niyadwanaaggaaga awgeedna ay waxyaabo badan kuugu hagaagayaan ama kugu fududaanayaan.

In badan filashooyinku waxa ay qayb ka yihiin guusha ama guuldarada ficilada aad samayn doonto ama hawlaha aad ku dhaqaaqi doonto, Ilaahay waxa uu daalacanayaa qalbigaaga, waxana dhacda marar badan in filashadaada laguu rumeeyo, filashada aan khayrku ku jirinna ma fiicna oo faa'iido kuuma keenayso.
Waxa aad qabanayso waxa aad is leedahay sheeg iyo wax kastaba ka filo khayr, si Ilaahay filashaadadaas kuugu guuleeyo, marnaba dhanka xun haka eegin oo xitaa haddii aad weydo waxaas waxa laga yaabaa in uu khayr kuugu jiro.

3: Qabo waxa aad farxad ku daremayso dad kale raalli galintood ha u qaban.
Waxa aad jeceshahay naftaaduna farxadda ku dareemayso qabo, laakiin wax aadan raalli ku ahayn naftaadana dirqi ku ah, ha u aqbalin una qaban cid kale raalli galinteed.

Fashilada iyo guuldarooyinka ku dhaca qofka, marar badan waxa u sabab ah qabashada hawl aanu niyad u hayn ama raalli galinta cid kale ama isaga oo aan u diyaar ahayn uu iska galo.

Guuldarooyin badan oo bini aadamka soo wajaha waxa sabab u ah, arrimaha aan isaga ka soo go'in ama aanu diyaarka u ahayn ee sababta qof kale uu ku galay, ama uu cid kale iska eegayo, hawlahaasina maadaama oo aanay ahayn wax niyad lagu qaabilay ama diyaar loo ahaa, fashil ayay ku dhamaadaan. Waxa qurux badan wax kasta oo aad qabanaysi, si aad ugu qabato sida ugu wanaagsan cid kale darteed ama raalli galinteed ha u qaban. Waxa aad qabanayso ha kaa soo go'aan, kadib niyadwanaag iyo diyaar garow ayaad ku qaabilaysaa.



Qalinkii: Maxamed-Deeq-Darajo

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...