Guddoomiyaha Gobolka Maroodijeex Ee WADDANI oo wax aan dhici Karin ku tilmaamay Doorasho laba Xisbi Galaan

0
Wednesday May 22, 2019 - 23:50:14 in News by A. Asbaro
  • Visits: 2917
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Guddoomiyaha Gobolka Maroodijeex Ee WADDANI oo wax aan dhici Karin ku tilmaamay Doorasho laba Xisbi Galaan

    Hargeisa(HWN):-Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI ee gobolka Maroodijeex Mudane Xuseen Aadan Cadde

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeisa(HWN):-Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI ee gobolka Maroodijeex Mudane Xuseen Aadan Cadde

Hargeisa(HWN):-Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI ee gobolka Maroodijeex Mudane Xuseen Aadan Cadde oo ka mid ahaa Mujaahidiintii lagu bilaabay Xoogagii Ciiddammadii SNM ee 1983-kii, ayaa waxa uu Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi u soo jeeddiyay innuu Ixtirraamo Xorriyadda hadalka, Caddaalada iyo Sinnaanta shacabka Somaliland, isla markaanna uu la yimaaddo siyaasad hufan oo Ummadda Somaliland isku keeni karta.

Guddoomiye Xuseen Aadan Cadde oo qaybaha kala duwan ee Warbaahinta la wadaagay Qoraal kooban oo uu kaga hadlaayo hadalo ay maalmihii la soo dhaafay ay sii daayeen labadda Xisbi KULMIYE iyo UCID oo ku saabsannaa in doorashadda soo socota ay laba Xisbi oo kaliyi geli karraan, isla markaanna aan loo joojinayn Xisbiga ugu wayn mucaaridka Somaliland ee WADDANI, taasoo uu ku tilmaamay wax aan sinnaba suurto-gal u ahayn, isagoo talaabo kasta oo laba Xisbi isku dayaan inay doorasho kaligood gallaan ay keeni karto khatar madow badan gelisa jiritaanka dawladnimada iyo jiritaanka ummadda Somaliland ee Nabadda iyo Horumarka jecel.

Guddoomiyaha gobolka Maroodijeex ee Xisbiga WADDANI Xuseen Aadan Cadde waxa uu hadalkiisa ku bilaabay sidan

"Waxaannu u sheegaynaa Xisbiyadda KULMIYE iyo UCID inaanay dhacayn Doorasho laba Xisbi ah. Suurto-galna maaha dalkanna anfici mayso Doorasho aan loo dhammayn, awood gacanta shacabka ka sarraysa oo samayn kartaanna ma jirto, Caqliga salliimka ahinna sidaa ku talin maayo. Xisbiga WADDANI haddaanu nahay waxaannu qabnaa doorasho loo dhan yahay in shacabku u dareero, inta ka horaysanna waxyaabaha la isku khilaafsan yahay ha la sii dhammaystiro.” Guddoomiyaha gobolka maroodijeex ee Xisbiga WADDANI Xuseen Aadan Cadde.

"Guddoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe waxa uu yidhi shaqsi looma joojinnaayo, isagoo u jeedda Cabdiraxmaan Cirro waa qof kaliya, markaa Guddoomiye Faysal waxaan leeyahay haddaan Guddoomiyaha Xisbiga aqlabiyadda shacabka ee WADDANI loo joojin, ma adigaa laguu joojinnayaa oo Saddexdii doorasho ee u danbeeyay-ba guuldaraystay.”

"Waxaan ka xumahay in guddoomiyihii garabka dhalinyaradda ee Xisbiga WADDANI Maxamed Saddiiq Dhamme uu u xidhan yahay Aragti qofeed oo uu Cabirray, waanna arrin khalad ah oo Distoorkeenna khilaafsan. Somaliland mudadiiay jirtay waxay halkaas ku soo gaadhay is dhagaysi, talo wadaag, tanaasul, waxaase hadda muuqata in waxaas oo dhan laga baydhay oo dariiq xas iyo qoddax badan dib loogu celiyay, taanna waxaanu qabnaa inaanay wanaag u soo waddin, waxaannu ugu baaqaynaa Xukuumadda talada haysa ee Madaxweyne Biixi innuu Caddaalada iyo Dimuqraadiyadda ixtirraamo, dulqaadkii iyo tanaasulkii Madaxi lahaan jirtay uu sifaheeddii yeesho, waxaan kol kale u soo jeeddinayaa inaanu Somaliland ku maamulin Xadhig, Xoog iyo taydu ha socoto” Guddoomiyaha gobolka Maroodijeex ee Xisbiga WADDANI Mujaahid Xuseen Aadan Cadde

Hadhwanaagnews,Office

Hargeisa,Somaliland


Loading...
Loading...