Goorma Ayay Tahay In Aad Dadka Qaar Noloshaada Ka Saarto

0
Wednesday December 22, 2021 - 09:54:41 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 1080
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Goorma Ayay Tahay In Aad Dadka Qaar Noloshaada Ka Saarto

    qodobaadaasi waxa ay kaa caawin doonaan in aad kala garato dadka saxda

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

qodobaadaasi waxa ay kaa caawin doonaan in aad kala garato dadka saxda


Maqaalkeenan waxa aynu ku eegi doonaa cidda ay tahay in aad ka saarto noloshaada, si aad u noqoto shakhsiyad u sharfan sidii Rabbigeed u karaameeyay.

1: Marka ay wax walba dhanka taban ka eegayaan oo ay adigana ku niyadjabinayaan
Waxa jira dad sidoodaba isaga samaysan in wax walba dhanka xun uga muuqdo oo aan indho kale lahayn, dadkaasi had iyo jeer waxa ay jecel yihiin in aad iyaga la mid noqoto, oo haddii aad ia tidhaahdo tallaabo hore u qaad, waxa ay kugu furayaan tashuuah iyo baqo-galin, si aanad waxba u samayn ama isugu dayinba.
Dhibka dadkaasi leeyihiin ee ugu xumi waa in ay ku saameeyaan oo aad sidooda faraha laabato aanad wax isku day u samayn, waxa aad kala mid noqonaysaa aragtidooda tabnaanta u badan. Inta badan waxa ay wax walba ula muuqanayaan wax xun, wax aanay wanaagsanayn in la sameeyo ama la dhaho, sababtuna wax kale maaha waa in ay iyaga wax walba ku eegayaan muraayado wasakhaysan.


2: Marka ay khaldamaan oo ay khaladadkooda cudurdaar u raadinayaan
In la khaldamo waxa loo yahay bini aadam, se in khaladka loo cudurdaaraa waa fal shayddaan. Marwalba waxa ay raadinayaan cudurdaaro iyo marmarsiiyo ay kaga baxsanayaan khaladaadkooda, waxa ay eedaha dusha u saaraan cid kale iyaga oo ka baxsada qaaddida masuuliyadda khaladkaas ama gefkaasi keenay. Waxa ay had iyo jeer iska dhigaan kuwo iyagu barri ka ah khaladaadka iyo bini aadam aan khaldamin in ay yihiin, waxa ay iska duwaan oo ka fogaadaan wax kasta oo lagula xidhiidhinayo ama loogu sababaynayo khaladka, iyaga oo si indho-adaygnimo ah u dafira wax kasta oo ku caddaada xitaa. Dadkani waxa ay jecel yihiin marwalba in ay khaladaadka dusha u saaraan saaxiibadooda, eheladooda ama cidda ka ag dhow markaas.

3: Xaasidnimo ayaa ku beeran
Waxa ay marwalba ka xumaadaan horumarka iyo guulaha aad gaadho, haddii aad is dhahdo hore u tallaabso waxa aad arkaysaa iyaga oo shaadhka kugu dhagan oo ku leh 'ka joog' iyo waxaa ma samayn karayside ha is luggoyn. Had iyo jeer arki maysid xilliyada aad faraxsan tahay ama jawiyada deggan ku jirto, haddii aad aragtona waxa ay isku dayayaan in ay kaa jiidhaan farxadaada oo qalalaase abuuraan.
Marka ay dagaalka hoose kaaga adkaan waayaan, waxa ay kula galaan dagaal badheedh ah. Haddii aad tahay qof aan fiiro dheerayn, waxa ay kuu qodi doonaan booraan hadimo oo aad ugu dhici doonto si yaroo fudud. Hore ayaa loo yidhi, "Cadawgaa hal mar iska eeg, laakiin saaxiibadaa kun jeer iska eeg." Way kuu kala muuqanayaan saaxiibka ama qofka xaasidka kugu ah dhankay doontoba ha noqotee iyo kan kula talinaya ee ku toosinaya. Had iyo jeer waxa jira dad badan oo aynu aamino oo inaggu noqda maska ina qaniina xilliyo aynaan filanayn guuldarro, kuwaasi oo dhabarjab weyn inagu noqda.

3: Marka ay dantooda kaliya kugula joogaan
Marka ay danta kaa leeyihiin way ku soo raadinayaan, buur dheer iyo tu gaaban ba waxa ay u fuulayaan sidii ay kuu heli lahaayeen, marka ay kaa dhamaystaana diba uma arkaysid, kulamadaada iyo balamahaaga caadiga ah way ka cudurdaarayaan ama ka meermeerayaan. Waxa ay ku soo wacayaan, nafta kuu keenayaan marka ay dani kaa soo gasho, waa dad dantooda uun yaqaana, intaa ay danta kaa leeyihiin bay kula joogaan, markaa kadibna isma taqaaniin.

4: Marka ay cudurdaar badan iyo been badan yihiin
Haddii aad aragto in qofkaasi markasta ka cudurdaaranayo balamaahaga iyo la kulankaaga, waxa ay caddayn cad u tahay in qofkan aadan agtiisa muhiim ka ahayn.
Wax ka beeno badan ma jiraan, marwalba oo aad aragto been ayuu gadhka kuu galinayaa, si uu isku kaa dhaafiyo markaa aad la kulantay.

5: Marka ay lumiyaan ixtiraamkii ay kuu hayeen
Waxa aad ka arkaysaa iyaga oo aan ku ixtiraamayn, ama aan wax xushmad ah kuu muujinayn. Iyaga oo aan kuu arkaynba in aad tahay qof xurmad le', oo u baahan in lagu ixtiraamo shakhsiyadiisa.

6: Marka ay gadaashaada ka hadlaan
Waxa ay kaa sheekeeyaan xilliyada aad ka maqan tahay ama in ay kula xantaan oo ay kaaga sheekeeyaan cid kale. Waxa ay kugula dhaqmaan labo waji oo kala duwan, marka ay adiga kula joogaan dhaliilahaaga iyo ceebahaaga kuuma sheegaan oo kaama saxaan, balse marka ay cid kale la joogaan ama saaxiibadaa, waxa ay kaaga sheekeeyaan si foolxun oo ay ceebahaaga iyo dhaliilahaaga ku soo bandhigayaan.
Tanina waa waxyaabaha ugu waaweyn ee ay dadku ku kala go'aan ama ku kala hadhaan, in qofka marka aadan la joogin ka sheekayso ceebihiisa iyo dhaliilihiisa.

7: Marka ay ku liidaan oo ay ku yasaan ama hadallo aan kuu qalmin ku dhahaan idinka oo asxaab badan dhex jooga
Idinka oo dad badan ah ama asxaab badan aad wada joogtaan, marka ay yasaan fikradaahaga, hadaladaada iyo in ay kugu tilmaamaan nacas, doqon iyo wax kasta oo liita. Waxa ay si kaftan ah ama qosol-qosol ah kuugu qarinayaan hadallo liidnimo ah, erayo aan kuu qalmin iyo wax aan u qalmin in lagu dhaho ama lagugu sameeyo.

Ugu dambayn, qodobaadaasi waxa ay kaa caawin doonaan in aad kala garato dadka saxda ah ee aad u baahan tahay in aad isku hareerayso, kuwo aad u baahan tahay in aad ka dheeraato iyo dadka aan sinaba kuugu bannaanayn la joogitaankooda.

Waxa aad tahay qof qiime leh, ha isku liidin adigu ficilladaada, meelaha aad tagayso iyo cidda aad la saaxiibayso. Ka digtoonow dadka noocaas u dhaqma, adiguna sidaas ha u dhaqmin.

Fadlan, Walaal adigoo Mahadsan Share dheh, oo la wadaag walaalaha kale si ay u akhriyaan qoraalkan.

Qalinkii: Maxamed-Deeq-Darajo
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...