Dil Ka Dhacay Deegaanka Ceel Afweyn Iyo Xaalada Rasmiga Ah Ee Ka Jirta Deegaanka

0
Wednesday May 22, 2019 - 22:53:47 in News by
  • Visits: 10881
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dil Ka Dhacay Deegaanka Ceel Afweyn Iyo Xaalada Rasmiga Ah Ee Ka Jirta Deegaanka

    Dil Ka Dhacay Deegaanka Ceel Afweyn Iyo Xaalada Rasmiga Ah Ee Ka Jirta Deegaanka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dil Ka Dhacay Deegaanka Ceel Afweyn Iyo Xaalada Rasmiga Ah Ee Ka Jirta Deegaanka


Hargeysa(HWN):-Beelihii la dhex dhigay nabada deegaanka Ceel Afweyn ayaa mar kale isku gaystay dil iyo dhaawac.

Image result for ceel afweyn


Sida uu sheegayo wariyaha Hadhwanaagnews ee gobolka Sanaag Cabdiraxmaan Axmed Elsar, Dilka dhacay oo ay gaysteen beesha ka soo jeeda Bariga Burco ayaa yimid wakhti ay xidhan tahay nabadii la dhex dhigay dadka walaalaha ah ee ku wada nool deegaanka Ceel Afweyn isla markaana ay bulshada somaliland si weyn ugu garab istaagtay qaabkii ay u qaateen nabadayntii ay ergadu dhex dhigtay.


Sidoo kale wariye Elsar ayaa sheegay in fal celin ka dhalatay dilka loo gaystay nin ka soo jeeda deegaanka Galbeedka Burco uu sababay dhaawaca hal ilaa laba qof ka dib markii dad ay isku deegaan yihiin marxuunka la dilay ay jid gooyo u galeen dad kale oo ay hayb wadaagaan dadkii dilka gaystay.


Dhinaca kale wararka rasmiga ah ee laga helayo deegaanka dilka iyo dhaawacu ka dhacay ee Ceel Afweyn ayaa sheegaya in guud ahaanba xaaladu degan tahay isla markaana aanay ilaa hada jirin wax dhibaato ah oo ka taagan, iyada oo dadkuna ay masuuliyad iska saareen sidii ay nabad galyada u ilaalin lahaayeen isla markaana dadkaa fidnada gaystay aanay saamayn ugu yeelan lahayn dadka wada dhashay ee Ceel Afweyn.


Xaalada deegaanka Ceel Afweyn ayaa la rajaynayaa inaanu wax isbadal ahi ku iman isla markaana wax garadka labada dhinac ay xil iska saari doonaan inaanu falkaasi sii kordhin, iyada oo xukuumada somaliland-na ay goor dhaw ka hadli doono xaalada soo korodhay ee u baahan in deganaanshaha iyo heshiiska nabada oo la adkeeyo lagaga gudbi karo.




Cabdirisaaq Good Nuur

Hadhwanaagnews.com/Office

Hargeysa/Somaliland


Email:-[email protected]

Loading...
Loading...