Geesinimadu Waa Daacadnimada!

0
Monday December 20, 2021 - 12:14:53 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 887
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Geesinimadu Waa Daacadnimada!

    Dadka daacadda ah ee shaqadooda jeceli waa kuwa guulaysta

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dadka daacadda ah ee shaqadooda jeceli waa kuwa guulaysta


Daacadnimadu waa astaan wanaagsan , waana sifada dadka caanka ku ahi ay inta kale dheer
yihiin. In qofku uu daacad ka noqdo shaqadiisa, masuuliyadiisa, kelmadihiisa iyo dhinac kasta oo
nolosha ah waa mid muhiim ah oo mujinaysa geesnimada qofkaasi. Waana astaamaha
horumarkiisa. 


Dadka daacadda ah ee shaqadooda jeceli waa kuwa guulaysta.

Qofku wuxu noqon karaa mid wanaagsan marka uu xidhiidhka dadka kale uu la leeyahay ka dhigo mid
ku dhisan daacadnimo iyo akhlaaq wanaagsan.

Geesnimada iyo Ragnimadu ma noqon karto inuu qofku noqodo tuug, afmiishaar, khaayin
iyo afku xoogle dadka ku cabsi geliya wedhihiisa.


Qofka daacadda ah dadka oo dhan ayaa aamina, halka ka aan sifadaa lahayn aaminadiisu shaki geliyaan.
Haddii aad daacad noqon weydo waxaad noqonaysaa qof nolosha dhib badan kala kulma oo aan
ku guulaysan horumarkeeda. Daacadnimaduna waa xeelad weyn oo aad ku kasban karto wax
kasta. 

Daacadnimadu waa cutubka koowaad ee siyaasadda nolosha.
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...